1 D adka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
2 O o ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
3 I laah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
4 D adka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
5 B al kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
6 W uxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
7 I sagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
8 D adyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
9 K aasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 W aayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 W axaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 D ad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 H addaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 B ushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 O o waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 K ulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 I sagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 H addaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
19 L aakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 M ahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.