Sabuurradii - 118

picture

1 R abbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

2 H addaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

3 O o reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

4 O o kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

5 A nigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.

6 R abbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?

7 R abbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.

8 I ntii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.

9 I ntii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.

10 Q uruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

11 W ay i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

12 W axay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

13 A digu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.

14 R abbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

15 K uwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

16 G acanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

17 A nigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.

18 R abbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.

19 I rdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.

20 T anu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.

21 W aan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

22 D hagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.

23 T anu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.

24 T anu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.

25 R abbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.

26 W axaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.

27 R abbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.

28 W axaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.

29 R abbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.