Ayuub - 9

picture

1 M arkaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

2 S ida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa?

3 O o hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo.

4 Q albigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay?

5 I sagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin, Markuu cadhadiisa ku afgembiyo.

6 D hulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan.

7 W uxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo, Xiddigahana wuu xidhaa.

8 I sagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda.

9 O o wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada, Iyo xiddigaha koonfureed.

10 W uxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin.

11 W uu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi.

12 B al wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa?

13 I laah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.

14 H addaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo?

15 I n kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.

16 H addaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay.

17 W aayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa.

18 I sagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa.

19 B al haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya?

20 I n kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan.

21 A nigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro, Noloshaydana waan quudhsadaa.

22 K ulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba.

23 H addii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin.

24 D hulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo?

25 H addaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko.

26 W uxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya.

27 H addaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa,

28 W axaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin.

29 K olleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa?

30 H addaan biyo baraf ah ku maydho, Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo,

31 A digu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa.

32 W aayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno.

33 M a jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara.

34 I sagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin.

35 M arkaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi.