Sabuurradii - 46

picture

1 I laah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.

2 S idaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,

3 I yo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)

4 W axaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.

5 I laah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto, Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.

6 Q uruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.

7 R abbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)

8 B al kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.

9 D agaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.

10 I ska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.

11 R abbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)