1 A nigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix.
2 N imco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise. Masiixiyiinta Dabiicaddooda
3 M axaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa.
4 W uxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka.
5 S ababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon,
6 a qoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado,
7 c ibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.
8 H addii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix.
9 W aayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.
10 S idaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan.
11 S aas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah. Butros Dhimashadiisa Oo Dhaqso U Imanaysa
12 S idaas daraaddeed anigu had iyo goorba diyaar baan u ahaan doonaa inaan waxyaalahan idin xusuusiyo, in kastoo weliba aad taqaaniin oo laydinku adkeeyey runta aad haysataan.
13 W axaa ila qumman in in alla intii aan jidhkan ku jiro aan xusuusin idinku guubaabiyo.
14 W aayo, waan ogahay inay dhaqso u imanayso goortii aan jidhkan ka tegi lahaa siduu Rabbigeenna Ciise Masiix i ogeysiiyey.
15 W axaan ku dadaali doonaa inaad tegiddayda dabadeed mar kastaba awooddaan inaad waxyaalahan xusuusataan. Markhaatifuridda Butros Iyo Tan Nebiyada
16 A nnagu ma aannu raacin sheekooyin khiyaano lagu hindisay, markii aannu idin ogeysiinnay xoogga iyo imaatinka Rabbigeenna Ciise Masiix, laakiinse waxaannu ahayn markhaatiyaal indhaha ku arkay weynaantiisa.
17 W aayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
18 O o codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.
19 O o waxaynu haysannaa hadalka nebiyadii sii sheegeen, oo aad loo sii xaqiijiyey, oo waad ku wanaagsan tihiin inaad u fiirsataan hadalkaas sida laambad meel gudcur ah ka ifaysa, ilaa waagu beryayo oo xiddigta waaberi qalbigiinna ka soo baxdo,
20 i dinkoo taas horta garanaya in wixii nebiyadii sii sheegeen oo la qoray ayan lahayn micnayn gooni ah.
21 W aayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.