Sabuurradii - 77

picture

1 A nigu codkaygaan Ilaah ugu qayshan doonaa, Xataa Ilaah ayaan codkayga ugu qayshan doonaa, oo isaguna wuu i dhegaysan doonaa.

2 M aalintii aan dhibaataysnaa waxaan doondoonay Sayidka, Gacantaydu way fidsanayd habeennimadii, mana ay nasan, Oo naftaydiina way diidday in la qaboojiyo.

3 W axaan soo xusuustaa Ilaah, markaasaan welwelaa, Waan cawdaa, markaasay naftaydu taag darnaataa. (Selaah)

4 I ndhahaygii waad soo jeedisay, Aad baan u dhibaataysnahay si aanan u hadli karin.

5 W axaan ka fikiray wakhtigii hore, Iyo sannadihii waa hore ahaa.

6 H abeenka waxaan soo xusuustaa gabaygayga, Oo waxaan la sheekaystaa qalbigayga, Oo ruuxaygiina aad buu wax u doondoonay.

7 S ayidku weligiisba ma i xoorayaa? Oo miyaanu mar dambe raalli iga ahaanaynin?

8 N axariistiisii miyey wada dhammaatay weligeedba? Ballankiisiina miyuu baaqanayaa ka ab ka ab?

9 I laah miyuu illoobay inuu ahaado mid raxmad badan? Naxariistiisiina ma isagoo cadhaysan buu xidhay? (Selaah)

10 O o weliba waxaan idhi, Tanu waa itaaldarradayda, Laakiinse waxaan xusuusan doonaa sannadihii gacanta midig oo Ilaaha ugu sarreeya.

11 W axaan ka soo sheekayn doonaa Rabbiga falimihiisa, Waayo, waxaan soo xusuusan doonaa cajaa'ibyadaadii hore.

12 W axaan ka fikiri doonaa shuqulkaaga oo dhan, Oo falimahaaga oo dhanna waan u fiirsan doonaa.

13 I laahow, jidkaagu wuxuu ku dhex yaal meesha quduuska ah, Ilaahee baa sida Ilaah u weyn?

14 W axaad tahay Ilaah cajaa'ibyo sameeya, Xooggaagii waxaad ogeysiisay dadyowga.

15 G acantaadaad dadkaagii ku soo furatay, Kuwaasoo ah ilma Yacquub iyo Yuusuf. (Selaah)

16 I laahow, biyuhu way ku arkeen, Biyuhu way ku arkeen, oo way cabsadeen, Oo moolalkuna way gariireen.

17 D aruuruhuna biyay soo daayeen, Cirkuna wuxuu diray dhawaaq, Oo weliba fallaadhahaaguna way bexeen.

18 C odkii onkodkaaguna wuxuu ku dhex jiray cirwareenta, Hillaacuna wuxuu iftiimiyey dunida, Dhulkuna wuu gariiray oo wuu ruxmaday.

19 J idkaaguna badduu dhex maray, Waddooyinkaaguna waxay dhex mareen biyo badan, Oo raadadkaagana lama aqoon.

20 D adkaaga waxaad u hor kacday sidii adhi oo kale, Oo waxaad iyaga ku hoggaamisay gacanta Muuse iyo tan Haaruun.