Sabuurradii - 132

picture

1 R abbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,

2 I yo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,

3 H ubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,

4 I ndhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,

5 I laa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.

6 B al eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.

7 W axaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.

8 R abbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.

9 W adaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.

10 A ddoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.

11 R abbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

12 C arruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.

13 W aayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.

14 H alkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.

15 W axaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.

16 W adaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.

17 H alkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.

18 C adaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.