Sabuurradii - 143

picture

1 R abbiyow, tukashadayda maqal, oo baryootankayga dhegta u dhig, Oo daacadnimadaada iyo xaqnimadaada iigu jawaab.

2 A noo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.

3 W aayo, cadowgaa naftayda silciyey, Noloshaydiina dhulkuu ku tuuray, Oo wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego, sidii kuwii waagii hore dhintay.

4 S idaas daraaddeed ayaa ruuxaygu iigu dhex itaal darnaadaa, Qalbigayguna gudahayguu ku cidloobay.

5 W axaan soo xusuustaa wakhtigii hore, Falimahaaga oo dhanna waan ka fikiraa, Oo waxaan fiiro u yeeshaa shuqulkii gacmahaaga.

6 G acmahaygaan kuu hoorsadaa, Oo naftaydu adigay kuu harraaddaa sida dhul oommane ah. (Selaah)

7 R abbiyow, dhaqso iigu soo jawaab, waayo, naftaydu way itaal darnaataa. Wejigaaga ha iga qarin, Waaba intaasoo aan noqdaa sida kuwa godka ku dhaca oo kale.

8 A roorta naxariistaada i maqashii, Waayo, adigaan isku kaa halleeyaa, I garansii sidii aan u socon lahaa, Waayo, naftaydaan kor kuugu qaadaa.

9 R abbiyow, cadaawayaashayda iga samatabbixi, Waayo, adaan kugu soo cararaa inaad i qariso.

10 I bar si aan doonistaada u sameeyo, waayo, waxaad tahay Ilaahayga, Ruuxaaga wanaagsanu ha igu dhex hoggaamiyo dalka qummanaanta.

11 R abbiyow, ii soo noolee magacaaga daraaddiis, Oo xaqnimadaada naftayda kaga soo bixi dhibaato.

12 O o raxmaddaada cadaawayaashayda ku wada tirtir, Kuwa naftayda dhiba oo dhanna baabbi'i, Waayo, waxaan ahay addoonkaaga.