1 G abadha amiirku dhalayay, cagahaagu qurux badanaa markay kabo illan yihiin, Bowdooyinkaagu waa sida dahab Nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey.
2 X udduntaadu waa sida fijaan goobaaban Oo aan innaba khamri ka dhinnanayn, Oo xaluskaaguna waa sida sarreen meel tuunsan Oo ubaxshooshanno lagu wareejiyey.
3 L abadaada naasna waa sida laba gibin Oo mataano ah oo cawl dhashay.
4 Q oortaaduna waa sida munaarad foolmaroodi ah, Oo indhahaaguna waa sida ballidii Xeshboon oo ku ag yaal iridda Batrabbiim. Oo sankaaguna waa sida munaaradda Lubnaan Oo xagga Dimishaq u jeeda.
5 M adaxaagu sida Buur Karmel oo kale wuu dheer yahay, Oo timaha madaxaaguna waa sida guduud oo kale, Oo boqorkuna wuu ku xidhan yahay.
6 T aan jeclahayay, qurux badnidaa! Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!
7 S arajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.
8 W axaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.
9 O o afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan. Gacalisada Hadlaysaa Si qumman oo macaan ha ugu socda gacaliyahayga, Oo kuwa hurda bushimahooda ka hadliya.
10 A nigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.
11 G acaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee, Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.
12 A ynu aroor hore beercanabyada tagnee, Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen, Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale; Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.
13 U bixii duudaygu way soo carfayaan, Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh, Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.