Maahmaahyadii - 4

picture

1 W iilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

2 W aayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.

3 W aayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.

4 I sagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.

5 X igmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.

6 X igmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.

7 X igmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono.

8 I yada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid.

9 I yadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan.

10 W iilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.

11 A nigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta.

12 M arkii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid.

13 E dbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada,

14 W addada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.

15 K a leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar.

16 W aayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane.

17 W aayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga.

18 L aakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad.

19 J idka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan.

20 W iilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

21 I ndhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,

22 W aayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad.

23 D igtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye.

24 A f qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee.

25 I ndhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.

26 W addada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen.

27 X agga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee.