1 R abbiyow, Ilaaha aargudashada lahow, Ilaaha aargudashada lahow, soo iftiin.
2 X aakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray abaalkooda mari.
3 R abbiyow, kuwa sharka lahu ilaa goormay, Kuwa sharka lahu ilaa goormay guulaysanayaan?
4 W ay bulxamaan, oo kibir bay ku hadlaan, Oo xumaanfalayaasha oo dhammu way faanaan.
5 R abbiyow, iyagu waxay burburiyaan dadkaaga, Oo dhaxalkaagay silciyaan.
6 C armalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.
7 O o waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.
8 K uwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
9 K ii dhegta abuuray, sow wax maqli maayo? Kii isha sameeyeyna, sow wax arki maayo?
10 K an quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
11 R abbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.
12 R abbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
13 S i aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
14 W aayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
15 W aayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
16 B al yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
17 R abbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
18 M arkaan idhi, Rabbiyow, cagtaydu waa simbiriirixanaysaa, Waxaa kor ii qaadday naxariistaada.
19 K olkay fikirro badan igu dhex jiraan Waxaa naftayda ka farxiya qalbiqaboojintaada.
20 C arshiga sharnimadu ma xidhiidh buu kula yeelanayaa, Kaasoo belaayo qaynuun ku qabanqaabiya?
21 W axay dhammaantood isu soo wada urursadaan kan xaqa ah naftiisa, Oo waxay xukumaan dhiig aan eed lahayn.
22 L aakiinse Rabbigu waxa weeye munaaraddayda, Ilaahayna waa dhagaxii magangalkayga.
23 O o wuxuu dushooda ku soo celiyey xumaatadoodii, Oo wuxuu iyaga ku dhex baabbi'in doonaa sharnimadooda, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuu wada baabbi'in doonaa.