Galatiya 2 ~ Galatians 2

picture

1 A far iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay.

Then after fourteen years I went up again to Jerusalem with Barnabas, and also took Titus with me.

2 S idii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.

And I went up by revelation, and communicated to them that gospel which I preach among the Gentiles, but privately to those who were of reputation, lest by any means I might run, or had run, in vain.

3 L aakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo

Yet not even Titus who was with me, being a Greek, was compelled to be circumcised.

4 w alaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan.

And this occurred because of false brethren secretly brought in (who came in by stealth to spy out our liberty which we have in Christ Jesus, that they might bring us into bondage),

5 I n runta injiilku idinla sii jirto, taas daraaddeed ayaannan saacad qudha u hoos gelin iyaga.

to whom we did not yield submission even for an hour, that the truth of the gospel might continue with you.

6 L aakiinse kuwii loo maleeyey inay sharaf leeyihiin (wax kastoo ay ahaayeen, waxba igama gelin; waayo, Ilaah dadka wejigiisa uma kala eexdo) waxaan leeyahay, Kuwii sharafta lahaa waxba iguma ay darin.

But from those who seemed to be something—whatever they were, it makes no difference to me; God shows personal favoritism to no man—for those who seemed to be something added nothing to me.

7 L aakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan,

But on the contrary, when they saw that the gospel for the uncircumcised had been committed to me, as the gospel for the circumcised was to Peter

8 w aayo, kii Butros kaga dhex shaqeeyey sii uu rasuul ugu ahaado kuwa gudan ayaa anna igaga dhex shaqeeyey sii aan dadka aan Yuhuudda ahayn rasuul ugu ahaado,

(for He who worked effectively in Peter for the apostleship to the circumcised also worked effectively in me toward the Gentiles),

9 o o kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.

and when James, Cephas, and John, who seemed to be pillars, perceived the grace that had been given to me, they gave me and Barnabas the right hand of fellowship, that we should go to the Gentiles and they to the circumcised.

10 W axay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo. Bawlos Wuxuu Canaantay Butros

They desired only that we should remember the poor, the very thing which I also was eager to do. No Return to the Law

11 L aakiinse Keeyfas kolkuu Antiyokh yimid, waan hor joogsaday, maxaa yeelay, wuu eedaysnaa.

Now when Peter had come to Antioch, I withstood him to his face, because he was to be blamed;

12 M axaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya.

for before certain men came from James, he would eat with the Gentiles; but when they came, he withdrew and separated himself, fearing those who were of the circumcision.

13 Y uhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas.

And the rest of the Jews also played the hypocrite with him, so that even Barnabas was carried away with their hypocrisy.

14 K olkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda? Shuqullada Sharciga Xaq Laguma Noqdo

But when I saw that they were not straightforward about the truth of the gospel, I said to Peter before them all, “If you, being a Jew, live in the manner of Gentiles and not as the Jews, why do you compel Gentiles to live as Jews?

15 I nnagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn,

We who are Jews by nature, and not sinners of the Gentiles,

16 a yaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.

knowing that a man is not justified by the works of the law but by faith in Jesus Christ, even we have believed in Christ Jesus, that we might be justified by faith in Christ and not by the works of the law; for by the works of the law no flesh shall be justified.

17 L aakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

“But if, while we seek to be justified by Christ, we ourselves also are found sinners, is Christ therefore a minister of sin? Certainly not!

18 W aayo, haddaan mar kale dhiso waxyaalihii aan dumiyey, waxaan isku caddaynayaa inaan ahay mid xad gudbay.

For if I build again those things which I destroyed, I make myself a transgressor.

19 A nigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.

For I through the law died to the law that I might live to God.

20 W axaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.

I have been crucified with Christ; it is no longer I who live, but Christ lives in me; and the life which I now live in the flesh I live by faith in the Son of God, who loved me and gave Himself for me.

21 N imcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.

I do not set aside the grace of God; for if righteousness comes through the law, then Christ died in vain.”