1 M arkaasaa waxaa ii yimid qaar odayaashii reer binu Israa'iil ka mid ah oo hortayday fadhiisteen.
Now some of the elders of Israel came to me and sat before me.
2 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
And the word of the Lord came to me, saying,
3 W iilka Aadamow, nimankanu qalbigooday sanamyadoodii dabaggeliyeen, oo wejigoodana waxay hor dhigeen waxa ay ku turunturoodaan ee xumaantooda ah. Haddaba miyey waajib igu tahay inaan u jawaabo markay wax i weyddiistaan?
“Son of man, these men have set up their idols in their hearts, and put before them that which causes them to stumble into iniquity. Should I let Myself be inquired of at all by them?
4 S idaas daraaddeed iyaga la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Nin kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah oo sanamkiisa qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ahna wejigiisa hor dhiga, oo haddana nebiga u yimaada, aniga Rabbiga ah ayaa kii u yimaada u jawaabi doona sida sanamyadiisa faraha badan,
“Therefore speak to them, and say to them, ‘Thus says the Lord God: “Everyone of the house of Israel who sets up his idols in his heart, and puts before him what causes him to stumble into iniquity, and then comes to the prophet, I the Lord will answer him who comes, according to the multitude of his idols,
5 s i aan reer binu Israa'iil qalbigooda ugu qabto, maxaa yeelay, iyagu sanamyadooda aawadood ayay kulligood iiga shisheeyoobeen.
that I may seize the house of Israel by their heart, because they are all estranged from Me by their idols.”’
6 S idaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Soo noqda, oo sanamyadiinna ka soo noqda, oo wejigiinnana waxyaalihiinna karaahiyada ah oo dhan ka sii jeediya.
“Therefore say to the house of Israel, ‘Thus says the Lord God: “Repent, turn away from your idols, and turn your faces away from all your abominations.
7 W aayo, mid kasta oo reer binu Israa'iil ka mid ah ama mid kasta oo shisheeyayaasha reer binu Israa'iil dhex deggan ka mid ah oo iska kay sooca, oo sanamyadiisana qalbigiisa dabaggeliya, oo waxa uu ku turunturoodo ee xumaantiisa ah wejigiisa hor dhiga, haddana nebiga ugu yimaada inuu wax i weyddiisto, aniga Rabbiga ah qudhaydaa u jawaabi doona.
For anyone of the house of Israel, or of the strangers who dwell in Israel, who separates himself from Me and sets up his idols in his heart and puts before him what causes him to stumble into iniquity, then comes to a prophet to inquire of him concerning Me, I the Lord will answer him by Myself.
8 O o ninkaas wejigaygaan u jeedin doonaa, oo waxaan isaga ka dhigi doonaa yaab iyo calaamad iyo maahmaah, oo dadkaygaan ka dhex gooyn doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
I will set My face against that man and make him a sign and a proverb, and I will cut him off from the midst of My people. Then you shall know that I am the Lord.
9 O o haddii nebi intuu wax ku hadlo la khiyaaneeyo, nebigaas aniga Rabbiga ah ayaa khiyaaneeyey, oo gacantaydaan ku soo kor fidin doonaa, oo dadkayga reer binu Israa'iil dhexdiisa ayaan ka baabbi'in doonaa.
“And if the prophet is induced to speak anything, I the Lord have induced that prophet, and I will stretch out My hand against him and destroy him from among My people Israel.
10 O o iyana ciqaabta xumaantooday qaadan doonaan. Nebiga ciqaabtiisuna waxay ahaan doontaa sidii ciqaabta kan isaga wax weyddiista,
And they shall bear their iniquity; the punishment of the prophet shall be the same as the punishment of the one who inquired,
11 s i ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. Xukun Aan Laga Baxsan Karin
that the house of Israel may no longer stray from Me, nor be profaned anymore with all their transgressions, but that they may be My people and I may be their God,“ says the Lord God.’” Judgment on Persistent Unfaithfulness
12 O o haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
The word of the Lord came again to me, saying:
13 W iilka Aadamow, marka dalku xadgudub xun iigu dembaabo, oo aan gacantayda ku soo dul fidiyo, oo aan usha cuntadiisa jebiyo, oo aan abaar ku soo daayo, oo aan dad iyo duunyaba ka dhex gooyo,
“Son of man, when a land sins against Me by persistent unfaithfulness, I will stretch out My hand against it; I will cut off its supply of bread, send famine on it, and cut off man and beast from it.
14 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, xataa haddii saddexdaas nin oo ah Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, xaqnimadooda waxay ku samatabbixin lahaayeen naftooda oo keliya.
Even if these three men, Noah, Daniel, and Job, were in it, they would deliver only themselves by their righteousness,” says the Lord God.
15 H addaan dalka dugaag baas ku soo dhex daayo, oo ay dadka ka baabbi'iyaan si uu meel cidla ah u noqdo, oo aan ciduna dugaagga aawadiis u soo dhex marin,
“If I cause wild beasts to pass through the land, and they empty it, and make it so desolate that no man may pass through because of the beasts,
16 x ataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen. Iyaga keligood ayaa samatabbixi lahaa, laakiinse dalku waa cidloobi lahaa.
even though these three men were in it, as I live,” says the Lord God, “they would deliver neither sons nor daughters; only they would be delivered, and the land would be desolate.
17 A mase haddaan dalkaas seef ku soo daayo, oo aan ku idhaahdo, Seefay, dalka dhex mar, si aan dhexdiisa dad iyo duunyaba uga wada gooyo,
“Or if I bring a sword on that land, and say, ‘Sword, go through the land,’ and I cut off man and beast from it,
18 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Xataa hadday saddexdaas nin dhex joogi lahaayeen wiilal iyo gabdho toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagoo keliya ayaa samatabbixi lahaa.
even though these three men were in it, as I live,” says the Lord God, “they would deliver neither sons nor daughters, but only they themselves would be delivered.
19 A mase haddaan dalkaas belaayo ku soo dhex daayo, oo aan cadhadaydana dhiig ugu kor shubo, si aan dad iyo duunyoba uga gooyo,
“Or if I send a pestilence into that land and pour out My fury on it in blood, and cut off from it man and beast,
20 x ataa haddii Nuux iyo Daanyeel iyo Ayuub ay dhex joogi lahaayeen, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Wiil iyo gabadh toona ma samatabbexeen, laakiinse iyagu xaqnimadooda ayay naftooda oo keliya ku samatabbixin lahaayeen.
even though Noah, Daniel, and Job were in it, as I live,” says the Lord God, “they would deliver neither son nor daughter; they would deliver only themselves by their righteousness.”
21 W aayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
For thus says the Lord God: “How much more it shall be when I send My four severe judgments on Jerusalem—the sword and famine and wild beasts and pestilence—to cut off man and beast from it?
22 L aakiinse bal ogaada, waxaa dhexdeeda ku hadhi doona kuwa la soo bixin doono, oo wiilal iyo gabdhoba leh. Oo bal ogaada, idinkay idiin soo bixi doonaan, oo waxaad arki doontaan jidkooda iyo falimahoodaba, oo belaayada aan Yeruusaalem ku soo daayay, kuwaasoo ah xataa waxyaalaha aan iyada ku soo dejiyey oo dhan waa laydiinka qalbi qabowjin doonaa.
Yet behold, there shall be left in it a remnant who will be brought out, both sons and daughters; surely they will come out to you, and you will see their ways and their doings. Then you will be comforted concerning the disaster that I have brought upon Jerusalem, all that I have brought upon it.
23 O o markaad jidkooda iyo falimahoodaba aragtaan way idiin qalbi qabowjin doonaan, oo Sayidka Rabbiga ahuna wuxuu leeyahay, Idinku waxaad ogaan doontaan inaanan sababla'aan ugu samayn wixii aan dhexdeeda ku sameeyey oo dhan.
And they will comfort you, when you see their ways and their doings; and you shall know that I have done nothing without cause that I have done in it,” says the Lord God.