Cobadyaah 1 ~ Obadiah 1

picture

1 K uwanu waa wixii la tusay Cobadyaah. Sayidka Rabbiga ahu sidan buu dalka Edom ka leeyahay: Annagu Rabbiga xaggiisa ayaannu war ka maqalnay, oo farriinwade ayaa quruumaha dhexdooda loo soo diray, isagoo leh, War kaca, oo kaalaya aan dadka Edom dagaal ugu kacnee.

The vision of Obadiah. Thus says the Lord God concerning Edom (We have heard a report from the Lord, And a messenger has been sent among the nations, saying, “Arise, and let us rise up against her for battle”):

2 B al eega, quruumaha dhexdooda waan idinku yareeyey, oo si weyn baa laydiin quudhsaday.

“Behold, I will make you small among the nations; You shall be greatly despised.

3 K uwiinna qararka dillaacyadooda ku hoyda oo hoygoodu meesha sare ku yaal, waxaa idin khiyaanay kibirka qalbigiinna, oo waxaad qalbiga iska tidhaahdaan, Bal yaa dhulka nagu soo ridi kara?

The pride of your heart has deceived you, You who dwell in the clefts of the rock, Whose habitation is high; You who say in your heart, ‘Who will bring me down to the ground?’

4 I n kastood meel kore fuushaan sida gorgorka, iyo in kastoo buulkiinna laga dhiso xiddigaha dhexdooda, halkaas waan idinka soo dejin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

Though you ascend as high as the eagle, And though you set your nest among the stars, From there I will bring you down,” says the Lord.

5 H addii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah?

“If thieves had come to you, If robbers by night— Oh, how you will be cut off!— Would they not have stolen till they had enough? If grape-gatherers had come to you, Would they not have left some gleanings?

6 S idee baa loo dhacay alaabtii reer Ceesaw! Oo khasnadihiisii qarsoonaa sidee baa loo baadhay!

“Oh, how Esau shall be searched out! How his hidden treasures shall be sought after!

7 K ulli dadkii aad axdiga la lahaan jirteen oo dhammu waxay idinku celiyeen tan iyo soohdinta, oo dadkii nabadda idinla lahaan jiray ayaa idin khiyaanay, wayna idinka adkaadeen, oo kuwii kibistiina cuni jiray ayaa dabin idiin dhigay, oo innaba waxgarasho ma leh.

All the men in your confederacy Shall force you to the border; The men at peace with you Shall deceive you and prevail against you. Those who eat your bread shall lay a trap for you. No one is aware of it.

8 R abbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ragga xigmadda leh sow kama aan baabbi'in doono reer Edom oo waxgarashadana sow kama baabbi'in doono buurta Ceesaw?

“Will I not in that day,” says the Lord, “Even destroy the wise men from Edom, And understanding from the mountains of Esau?

9 R eer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona.

Then your mighty men, O Teman, shall be dismayed, To the end that everyone from the mountains of Esau May be cut off by slaughter. Edom Mistreated His Brother

10 X umaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan.

“For violence against your brother Jacob, Shame shall cover you, And you shall be cut off forever.

11 W aayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen.

In the day that you stood on the other side— In the day that strangers carried captive his forces, When foreigners entered his gates And cast lots for Jerusalem— Even you were as one of them.

12 L aakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga.

“But you should not have gazed on the day of your brother In the day of his captivity; Nor should you have rejoiced over the children of Judah In the day of their destruction; Nor should you have spoken proudly In the day of distress.

13 I ridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin.

You should not have entered the gate of My people In the day of their calamity. Indeed, you should not have gazed on their affliction In the day of their calamity, Nor laid hands on their substance In the day of their calamity.

14 O o meesha jidadka isku gooyaana ha u istaagina si aad u laysaan kuwooda soo fakaday, oo kuwooda wakhtigii cidhiidhiga ka hadhayna cadowgooda ha u gacangelina.

You should not have stood at the crossroads To cut off those among them who escaped; Nor should you have delivered up those among them who remained In the day of distress.

15 W aayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa.

“For the day of the Lord upon all the nations is near; As you have done, it shall be done to you; Your reprisal shall return upon your own head.

16 O o sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.

For as you drank on My holy mountain, So shall all the nations drink continually; Yes, they shall drink, and swallow, And they shall be as though they had never been. Israel’s Final Triumph

17 L aakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

“But on Mount Zion there shall be deliverance, And there shall be holiness; The house of Jacob shall possess their possessions.

18 R eer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.

The house of Jacob shall be a fire, And the house of Joseph a flame; But the house of Esau shall be stubble; They shall kindle them and devour them, And no survivor shall remain of the house of Esau,” For the Lord has spoken.

19 O o dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad.

The South shall possess the mountains of Esau, And the Lowland shall possess Philistia. They shall possess the fields of Ephraim And the fields of Samaria. Benjamin shall possess Gilead.

20 O o ciidankan dadka Israa'iil ee maxaabiista ahu waxay hantiyi doonaan dalka reer Kancaan tan iyo Sarefta, oo Yeruusaalem maxaabiisteeda Sefaaraad joogtaana waxay hantiyi doonaan magaalooyinka koonfureed.

And the captives of this host of the children of Israel Shall possess the land of the Canaanites As far as Zarephath. The captives of Jerusalem who are in Sepharad Shall possess the cities of the South.

21 O o badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

Then saviors shall come to Mount Zion To judge the mountains of Esau, And the kingdom shall be the Lord ’s.