Cesraa 3 ~ Ezra 3

picture

1 O o markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.

And when the seventh month had come, and the children of Israel were in the cities, the people gathered together as one man to Jerusalem.

2 M arkaasaa waxaa istaagay Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, iyo walaalihiisii wadaaddada ahaa, iyo Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo walaalihiis, oo waxay dhiseen meeshii allabariga Ilaaha reer binu Israa'iil inay ku dul bixiyaan qurbaanno la gubo, sida ay ugu qoran tahay sharcigii Muuse oo ahaa ninka Ilaah.

Then Jeshua the son of Jozadak and his brethren the priests, and Zerubbabel the son of Shealtiel and his brethren, arose and built the altar of the God of Israel, to offer burnt offerings on it, as it is written in the Law of Moses the man of God.

3 O o meeshii allabariga waxay saareen saldhiggeedii, waayo, iyagu waxay ka cabsanayeen dadkii dalalka degganaa, oo waxay Rabbiga ugu dul bixiyeen qurbaanno la gubo oo ahaa kuwii subaxnimada iyo kuwii habeennimada.

Though fear had come upon them because of the people of those countries, they set the altar on its bases; and they offered burnt offerings on it to the Lord, both the morning and evening burnt offerings.

4 O o iiddii taambuugyadana waxay u iideen sidii ay u qornayd, oo maalin kastana waxay tiro ku bixinayeen qurbaannada la gubo, sidii amarku ahaa, iyo intii maalin kasta layska doonayay;

They also kept the Feast of Tabernacles, as it is written, and offered the daily burnt offerings in the number required by ordinance for each day.

5 d abadeedna qurbaankii joogtada ahaa, iyo kuwii bilaha cusub, iyo iidihii Rabbiga oo quduuska ahaa, iyo kii qof waluba Rabbiga ikhtiyaarkiisa ugu bixiyey.

Afterwards they offered the regular burnt offering, and those for New Moons and for all the appointed feasts of the Lord that were consecrated, and those of everyone who willingly offered a freewill offering to the Lord.

6 O o maalintii kowaad oo bishii toddobaad ayay bilaabeen inay Rabbiga u bixiyaan qurbaanno la gubo, laakiinse macbudka aasaaskiisii weli lama dhigin.

From the first day of the seventh month they began to offer burnt offerings to the Lord, although the foundation of the temple of the Lord had not been laid.

7 O o waxay wastaadyadii iyo nijaarradii siiyeen lacag; oo kuwii reer Siidoon iyo kuwii reer Turosna waxay siiyeen cunto, iyo cabniin, iyo saliid si ay geedaha kedarka la yidhaahdo Lubnaan uga keenaan oo ay badda u soo marsiiyaan ilaa Yaafaa, sidii uu Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ugu oggolaaday. Dibudhisiddii Macbudka

They also gave money to the masons and the carpenters, and food, drink, and oil to the people of Sidon and Tyre to bring cedar logs from Lebanon to the sea, to Joppa, according to the permission which they had from Cyrus king of Persia. Restoration of the Temple Begins

8 H addaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.

Now in the second month of the second year of their coming to the house of God at Jerusalem, Zerubbabel the son of Shealtiel, Jeshua the son of Jozadak, and the rest of their brethren the priests and the Levites, and all those who had come out of the captivity to Jerusalem, began work and appointed the Levites from twenty years old and above to oversee the work of the house of the Lord.

9 M arkaasaa waxaa dhammaan istaagay Yeeshuuca, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis, iyo Qadmii'eel iyo wiilashiisii oo ahaa reer Yahuudah, inay u sarreeyaan shaqaalaha ku jira guriga Rabbiga, iyo weliba wiilashii Xeenaadaad iyo wiilashoodii iyo walaalahood oo ahaa reer Laawi.

Then Jeshua with his sons and brothers, Kadmiel with his sons, and the sons of Judah, arose as one to oversee those working on the house of God: the sons of Henadad with their sons and their brethren the Levites.

10 O o kuwii gurigii dhisayay markay aasaaskii macbudka Rabbiga dhigeen waxaa istaagay wadaaddadii iyagoo dharkoodii xidhan oo turumbooyin wata, iyo kuwii reer Laawi oo ahaa ilma Aasaaf oo haysta suxuun laysku garaaco, inay Rabbiga ammaanaan sidii uu ahaa amarkii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil.

When the builders laid the foundation of the temple of the Lord, the priests stood in their apparel with trumpets, and the Levites, the sons of Asaph, with cymbals, to praise the Lord, according to the ordinance of David king of Israel.

11 O o markaasay darandoorri u gabyeen iyagoo Rabbiga ammaanaya oo u mahadnaqaya, oo leh, Isagu wuu wanaagsan yahay, reer binu Israa'iilna weligiisba wuu u naxariistaa. Oo markay Rabbiga ammaaneen ayaa dadkii oo dhammu dhawaaq weyn ku dhawaaqay, maxaa yeelay, waxaa la dhigay aasaaskii gurigii Rabbiga.

And they sang responsively, praising and giving thanks to the Lord: “For He is good, For His mercy endures forever toward Israel.” Then all the people shouted with a great shout, when they praised the Lord, because the foundation of the house of the Lord was laid.

12 O o wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen,

But many of the priests and Levites and heads of the fathers’ houses, old men who had seen the first temple, wept with a loud voice when the foundation of this temple was laid before their eyes. Yet many shouted aloud for joy,

13 o o sidaas daraaddeed dadkii wuu kala sooci kari waayay dhawaaqii farxadda iyo qayladii oohinta, oo buuqiina waxaa laga maqlay meel fog.

so that the people could not discern the noise of the shout of joy from the noise of the weeping of the people, for the people shouted with a loud shout, and the sound was heard afar off.