Yexesqeel 47 ~ Ezekiel 47

picture

1 O o haddana wuxuu mar kale i geeyey daarta albaabkeedii, oo bal eeg, biyaa ka soo hoos baxayay marinkii daarta dhankeeda bari, waayo, daarta horteedu waxay u sii jeedday xagga bari, oo biyuhuna waxay ka soo hoos baxayeen daarta dhankeeda midigta oo ah meesha allabariga dhinaceeda koonfureed.

Then he brought me back to the door of the temple; and there was water, flowing from under the threshold of the temple toward the east, for the front of the temple faced east; the water was flowing from under the right side of the temple, south of the altar.

2 M arkaasuu jidkii iridda xagga woqooyi iga soo bixiyey, oo wuxuu ila wareejiyey jidkii dibadda ahaa oo iridda dibadda loo mari jiray oo ku dhinac yiil jidkii xagga bari u sii jeeday, oo bal eeg, biyaa dhankeeda midigta ka dareerayay.

He brought me out by way of the north gate, and led me around on the outside to the outer gateway that faces east; and there was water, running out on the right side.

3 O o ninkii markuu xagga bari tegey isagoo gacanta xadhigga ku haysta wuxuu qiyaasay kun dhudhun, oo wuxuu i soo dhex mariyey biyihii oo anqowyada i jooga.

And when the man went out to the east with the line in his hand, he measured one thousand cubits, and he brought me through the waters; the water came up to my ankles.

4 O o haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo biyuhu waxay i joogeen lowyaha. Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo biyuhuu i soo dhex mariyey, oo markanna biyuhu waxay i joogeen dhexda.

Again he measured one thousand and brought me through the waters; the water came up to my knees. Again he measured one thousand and brought me through; the water came up to my waist.

5 O o haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo markan waxay ahaayeen webi aanan lug kaga gudbi karin, waayo, biyihii kor bay u keceen, oo waxay noqdeen biyo lagu dabaasho iyo webi aan lug lagaga gudbi karin.

Again he measured one thousand, and it was a river that I could not cross; for the water was too deep, water in which one must swim, a river that could not be crossed.

6 O o wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxan ma aragtay? Oo haddana wuu i soo waday oo wuxuu igu soo celiyey webiga qarkiisii.

He said to me, “Son of man, have you seen this? ” Then he brought me and returned me to the bank of the river.

7 H addaba markaan soo noqday, bal eeg, webiga qarkiisii waxaa ku yiil geedo tiro badan oo dhankan iyo dhankaasba kaga yaal.

When I returned, there, along the bank of the river, were very many trees on one side and the other.

8 O o markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.

Then he said to me: “This water flows toward the eastern region, goes down into the valley, and enters the sea. When it reaches the sea, its waters are healed.

9 O o meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba wax kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqaaba way noolaan doonaan, oo waxaa jiri doona kalluun aad iyo aad u faro badan, maxaa yeelay, biyahaasu halkaasay u tagaan inay biyaha baddu bogsadaan aawadeed iyo in wax kastaaba ay soo noolaadaan meel alla meeshuu webigaasu gaadhoba.

And it shall be that every living thing that moves, wherever the rivers go, will live. There will be a very great multitude of fish, because these waters go there; for they will be healed, and everything will live wherever the river goes.

10 O o kalluumaystayaashuna waxay istaagi doonaan badda qarkeeda, oo tan iyo Ceyn Gedii iyo ilaa Ceyn Ceglayim inta ka dhex leh waxay ahaan doontaa meel shabagyo lagu wadho, oo kalluunkooduna wuxuu ahaan doonaa cayn badan oo sida kalluunka badda weyn aad iyo aad u tiro badan.

It shall be that fishermen will stand by it from En Gedi to En Eglaim; they will be places for spreading their nets. Their fish will be of the same kinds as the fish of the Great Sea, exceedingly many.

11 L aakiinse meelaheeda dhoobada iyo biyagaleenka ahuba ma ay bogsan doonaan, illowse waxay ahaan doonaan cusbo miidhan.

But its swamps and marshes will not be healed; they will be given over to salt.

12 O o webiga qarkiisana dhinacan iyo dhinacaasba waxaa ka bixi doona geed kasta oo la cuno, oo aan caleentiisu dhari doonin, oo aan midhihiisu dhammaan doonin. Oo bil kastaba wuxuu soo bixin doonaa midho cusub, maxaa yeelay, biyahoodu waxay ka soo baxaan meesha quduuska ah. Oo midhahoodu waxay ahaan doonaan cunto, caleentooduna dawo. Soohdimihii Dalka

Along the bank of the river, on this side and that, will grow all kinds of trees used for food; their leaves will not wither, and their fruit will not fail. They will bear fruit every month, because their water flows from the sanctuary. Their fruit will be for food, and their leaves for medicine.” Borders of the Land

13 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.

Thus says the Lord God: “These are the borders by which you shall divide the land as an inheritance among the twelve tribes of Israel. Joseph shall have two portions.

14 O o waa inaad dhaxashaan, oo intii midkiin helo waa in kan kalena uu intaas oo kale helaa, waayo, gacantaydaan kor ugu qaaday oo ku dhaartay inaan awowayaashiin siinayo, oo dalkaasu dhaxal buu idiin ahaan doonaa.

You shall inherit it equally with one another; for I raised My hand in an oath to give it to your fathers, and this land shall fall to you as your inheritance.

15 O o dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad,

“This shall be the border of the land on the north: from the Great Sea, by the road to Hethlon, as one goes to Zedad,

16 i yo Xamaad, iyo Beerotaah, iyo Sibrayim oo u dhaxaysa soohdinta Dimishaq iyo soohdinta Xamaad, iyo Xasar Hatiikoon oo ku ag taal soohdinta Xawraan.

Hamath, Berothah, Sibraim (which is between the border of Damascus and the border of Hamath), to Hazar Hatticon (which is on the border of Hauran).

17 O o soohdinta tan iyo badduna waxay ahaan doontaa Xasar Eenaan oo ah soohdinta Dimishaq, oo xagga woqooyina waa soohdinta Xamaad. Taasu waa soohdinta dhanka woqooyi.

Thus the boundary shall be from the Sea to Hazar Enan, the border of Damascus; and as for the north, northward, it is the border of Hamath. This is the north side.

18 O o tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari.

“On the east side you shall mark out the border from between Hauran and Damascus, and between Gilead and the land of Israel, along the Jordan, and along the eastern side of the sea. This is the east side.

19 O o dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed.

“The south side, toward the South, shall be from Tamar to the waters of Meribah by Kadesh, along the brook to the Great Sea. This is the south side, toward the South.

20 O o tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed.

“The west side shall be the Great Sea, from the southern boundary until one comes to a point opposite Hamath. This is the west side.

21 S idaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.

“Thus you shall divide this land among yourselves according to the tribes of Israel.

22 O o waa inaad dhaxal ahaan saami ugu qaybsataan idinka iyo shisheeyayaasha idin dhex deggan oo dhexdiinna carruurta ku dhalay, oo waxay idiin ahaan doonaan sida kuwa dalka ku dhex dhashay oo reer binu Israa'iil oo kale, oo iyaguna waa inay dhaxal idinkula qaataan qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhexdooda.

It shall be that you will divide it by lot as an inheritance for yourselves, and for the strangers who dwell among you and who bear children among you. They shall be to you as native-born among the children of Israel; they shall have an inheritance with you among the tribes of Israel.

23 O o Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kan shisheeyaha ahu qabiilkii uu dhex deggan yahay halkaas waa inaad dhaxalkiisa kala siisaan.

And it shall be that in whatever tribe the stranger dwells, there you shall give him his inheritance,” says the Lord God.