1 O o markii Boqor Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
And so it was, when King Hezekiah heard it, that he tore his clothes, covered himself with sackcloth, and went into the house of the Lord.
2 M arkaasuu Elyaaqiim oo reerka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo duqowdii wadaaddada iyagoo joonyado qaba u diray Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos.
Then he sent Eliakim, who was over the household, Shebna the scribe, and the elders of the priests, covered with sackcloth, to Isaiah the prophet, the son of Amoz.
3 O o iyana waxay ku yidhaahdeen, Xisqiyaah wuxuu kugu leeyahay, Maanta waa maalin dhibaato, iyo canaan, iyo cay, waayo, carruurtii way dhalan lahayd, laakiinse xoog lagu dhalaa ma jiro.
And they said to him, “Thus says Hezekiah: ‘This day is a day of trouble and rebuke and blasphemy; for the children have come to birth, but there is no strength to bring them forth.
4 W axaa laga yaabaa in Rabbiga Ilaahaaga ahu uu wada maqlo erayadii Rabshaaqeeh, kaasoo sayidkiisii ahaa boqorka Ashuur uu u soo diray inuu caayo Ilaaha nool, waana suurtowdaa inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu canaanto kan uu erayadiisii maqlay, haddaba sidaas daraaddeed u ducee kuwa hadhay.
It may be that the Lord your God will hear the words of the Rabshakeh, whom his master the king of Assyria has sent to reproach the living God, and will rebuke the words which the Lord your God has heard. Therefore lift up your prayer for the remnant that is left.’”
5 S idaas daraaddeed Boqor Xisqiyaah addoommadiisii waxay u yimaadeen, Ishacyaah.
So the servants of King Hezekiah came to Isaiah.
6 O o Ishacyaah wuxuu ku yidhi, Waxaad sayidkiinnii ku tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ha ka cabsan erayadii aad maqashay oo midiidinnadii boqorka Ashuur ay igu caayeen.
And Isaiah said to them, “Thus you shall say to your master, ‘Thus says the Lord: “Do not be afraid of the words which you have heard, with which the servants of the king of Assyria have blasphemed Me.
7 B al ogow, ruux baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
Surely I will send a spirit upon him, and he shall hear a rumor and return to his own land; and I will cause him to fall by the sword in his own land.”’” Sennacherib’s Threat and Hezekiah’s Prayer
8 M arkaasaa Rabshaaqeeh intuu noqday wuxuu helay boqorkii Ashuur oo la diriraya Libnaah, waayo, wuxuu maqlay inuu Laakiish ka tegey.
Then the Rabshakeh returned, and found the king of Assyria warring against Libnah, for he heard that he had departed from Lachish.
9 O o markuu maqlay iyadoo la leeyahay, Boqorka Itoobiya oo Tirhaaqaah ah ayaa kugu soo baxay si uu kuula diriro, ayuu haddana wargeeyayaal u diray Xisqiyaah isagoo leh,
And the king heard concerning Tirhakah king of Ethiopia, “He has come out to make war with you.” So when he heard it, he sent messengers to Hezekiah, saying,
10 X isqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah waxaad ku tidhaahdaan, Ilaahaaga aad isku hallaysaa yuusan ku khiyaanayn, isagoo kugu leh, Yeruusaalem gacanta loo gelin maayo boqorka Ashuur.
“Thus you shall speak to Hezekiah king of Judah, saying: ‘Do not let your God in whom you trust deceive you, saying, “Jerusalem shall not be given into the hand of the king of Assyria.”
11 B al eeg, waad maqashay wixii ay boqorrada Ashuur dalalkan oo dhan ku sameeyeen iyo sidii ay dhammaantood u wada baabbi'iyeen, haddaba adiga ma lagu samatabbixinayaa?
Look! You have heard what the kings of Assyria have done to all lands by utterly destroying them; and shall you be delivered?
12 Q uruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
Have the gods of the nations delivered those whom my fathers have destroyed, Gozan and Haran and Rezeph, and the people of Eden who were in Telassar?
13 O o bal meeye boqorkii Xamaad, iyo boqorkii Arfaad, iyo boqorkii magaalada Sefarwayiim, iyo kii Xeenac iyo kii Ciwaah? Baryadii Xisqiyaah
Where is the king of Hamath, the king of Arpad, and the king of the city of Sepharvaim, Hena, and Ivah?’”
14 M arkaasaa Xisqiyaah warqaddii ka qaaday gacantii wargeeyayaashii oo akhriyey, dabadeedna wuxuu tegey gurigii Rabbiga, oo warqaddii ku kala bixiyey Rabbiga hortiisa.
And Hezekiah received the letter from the hand of the messengers, and read it; and Hezekiah went up to the house of the Lord, and spread it before the Lord.
15 O o Xisqiyaah wuxuu baryay Rabbiga, oo yidhi,
Then Hezekiah prayed to the Lord, saying:
16 R abbiyow, Rabbiga ciidammadow, Ilaaha reer binu Israa'iil, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
“O Lord of hosts, God of Israel, the One who dwells between the cherubim, You are God, You alone, of all the kingdoms of the earth. You have made heaven and earth.
17 R abbiyow, dhegta u dhig oo maqal, oo Rabbiyow, indhahaaga fur oo arag, bal maqal Seenxeeriib erayadii uu u soo diray inuu Ilaaha nool ku caayo oo dhan.
Incline Your ear, O Lord, and hear; open Your eyes, O Lord, and see; and hear all the words of Sennacherib, which he has sent to reproach the living God.
18 R abbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,
Truly, Lord, the kings of Assyria have laid waste all the nations and their lands,
19 o o ilaahyadoodiina dab bay ku dhex tuureen, waayo, iyagu ilaahyo ma ay ahayn, laakiinse waxay ahaayeen wax gacanta lagu sameeyey, oo ahaa qoryo iyo dhagaxyo, oo sidaas daraaddeed iyagu way baabbi'iyeen.
and have cast their gods into the fire; for they were not gods, but the work of men’s hands—wood and stone. Therefore they destroyed them.
20 H addaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaahayagow, gacantiisa naga badbaadi, in boqortooyooyinka dunida oo dhammu ay ogaadaan inaad adiga keliyuhu Rabbiga tahay. Dhiciddii Seenxeeriib
Now therefore, O Lord our God, save us from his hand, that all the kingdoms of the earth may know that You are the Lord, You alone.” The Word of the Lord Concerning Sennacherib
21 M arkaasaa Ishacyaah ina Aamoos u soo cid diray Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Seenxeeriib oo ah boqorka Ashuur waad iga bariday,
Then Isaiah the son of Amoz sent to Hezekiah, saying, “Thus says the Lord God of Israel, ‘Because you have prayed to Me against Sennacherib king of Assyria,
22 t aas aawadeed Rabbigu wuxuu ku hadlay eraygan isaga ku saabsan, Gabadha bikradda ah oo Siyoon ahu Way ku fududaysatay, oo intay kugu qososhay ayay ku quudhsatay, Yeruusaalem madaxay kaa ruxatay.
this is the word which the Lord has spoken concerning him: “The virgin, the daughter of Zion, Has despised you, laughed you to scorn; The daughter of Jerusalem Has shaken her head behind your back!
23 B al adigu kumaad yaraysatay oo aad cayday? Oo bal yaad codkaaga kor ugu qaadday Oo aad indhahaaga ku taagtay? Waa kan quduuska ah oo reer binu Israa'iil.
“Whom have you reproached and blasphemed? Against whom have you raised your voice, And lifted up your eyes on high? Against the Holy One of Israel.
24 A ddoommadaada ayaad Sayidka ku cayday Oo waxaad tidhi, Gaadhifardoodkayga badan Ayaan ku soo fuulay buuraha meesha ugu dheer, Iyo meelaha ugu hooseeya ee Lubnaan gudaheeda, Oo waxaan jari doonaa geedaheeda dhaadheer oo kedarka ah, iyo geedaheeda la doortay oo berooshka ah, Oo waxaan geli doonaa meeshiisa ugu dheer oo fog iyo kaynta berrinkeeda oo midhaha badan.
By your servants you have reproached the Lord, And said, ‘By the multitude of my chariots I have come up to the height of the mountains, To the limits of Lebanon; I will cut down its tall cedars And its choice cypress trees; I will enter its farthest height, To its fruitful forest.
25 A nigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.
I have dug and drunk water, And with the soles of my feet I have dried up All the brooks of defense.’
26 W ar sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah.
“Did you not hear long ago How I made it, From ancient times that I formed it? Now I have brought it to pass, That you should be For crushing fortified cities into heaps of ruins.
27 O o sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
Therefore their inhabitants had little power; They were dismayed and confounded; They were as the grass of the field And the green herb, As the grass on the housetops And grain blighted before it is grown.
28 L aakiinse waan aqaan fadhigaaga, iyo bixiddaada, iyo soo geliddaada, iyo cadhadaadii aad ii cadhootayba.
“But I know your dwelling place, Your going out and your coming in, And your rage against Me.
29 C adhadaadii aad ii cadhootay Iyo islaweynaantaadii waxay soo gaadheen dhegahayga, Oo sidaas daraaddeed sanka waxaan kaa sudhi doonaa qabatadayda, Bushimahaagana waxaan gelin doonaa xakamahayga, Oo waxaan kugu celin doonaa jidkii aad ku timid.
Because your rage against Me and your tumult Have come up to My ears, Therefore I will put My hook in your nose And My bridle in your lips, And I will turn you back By the way which you came.”’
30 O o tanu waxay kuu ahaan doontaa calaamad, sannaddan waxaad cuni doontaan waxa iska soo baxa, oo sannadda labaadna waxaad cuni doontaan wax kii hore uun ka soo baxay, oo sannadda saddexaadna idinku wax beerta, oo haddana goosta, oo beero canab ah tabcada, oo midhahooda cuna.
“This shall be a sign to you: You shall eat this year such as grows of itself, And the second year what springs from the same; Also in the third year sow and reap, Plant vineyards and eat the fruit of them.
31 M arkaasay kuwii hadhay oo reer Yahuudah ka baxsaday mar kalay xididdo hoos u bixin doonaan, midhona kor bay u dhali doonaan.
And the remnant who have escaped of the house of Judah Shall again take root downward, And bear fruit upward.
32 W aayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.
For out of Jerusalem shall go a remnant, And those who escape from Mount Zion. The zeal of the Lord of hosts will do this.
33 H addaba Rabbigu saasuu uga hadlay boqorka Ashuur oo yidhi, Isagu magaaladan iman maayo, fallaadhna ku soo gani maayo, horteedana gaashaan la iman maayo, taallo ciid ahna ag tuuli maayo.
“Therefore thus says the Lord concerning the king of Assyria: ‘He shall not come into this city, Nor shoot an arrow there, Nor come before it with shield, Nor build a siege mound against it.
34 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Jidkuu ku yimid ayuu ku noqon doonaa, oo magaaladan iman maayo.
By the way that he came, By the same shall he return; And he shall not come into this city,’ Says the Lord.
35 W aayo, anigu magaaladan waxaan u daafici doonaa oo u badbaadin doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
‘For I will defend this city, to save it For My own sake and for My servant David’s sake.’” Sennacherib’s Defeat and Death
36 M arkaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.
Then the angel of the Lord went out, and killed in the camp of the Assyrians one hundred and eighty-five thousand; and when people arose early in the morning, there were the corpses—all dead.
37 M arkaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay.
So Sennacherib king of Assyria departed and went away, returned home, and remained at Nineveh.
38 O o markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
Now it came to pass, as he was worshiping in the house of Nisroch his god, that his sons Adrammelech and Sharezer struck him down with the sword; and they escaped into the land of Ararat. Then Esarhaddon his son reigned in his place.