1 O o waagaas markii aanay reer binu Israa'iil boqor lahayn, waxaa jiray nin reer Laawi ah oo degganaa dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo kaasuna addoon buu ka guursaday Beytlaxam Yahuudah.
And it came to pass in those days, when there was no king in Israel, that there was a certain Levite staying in the remote mountains of Ephraim. He took for himself a concubine from Bethlehem in Judah.
2 M arkaasay naagtiisii addoonta ahayd ka dhillowday, oo intay isagii ka tagtay ayay aadday gurigii aabbeheed oo ku yiil Beytlaxam Yahuudah, oo halkaasay joogtay intii afar bilood ah.
But his concubine played the harlot against him, and went away from him to her father’s house at Bethlehem in Judah, and was there four whole months.
3 M arkaasuu ninkeedii kacay oo iyadii doonay, inuu si raxmad leh ula hadlo oo soo celiyo; oo wuxuu u tegey iyadii, isagoo wata midiidinkiisii iyo laba dameer. Markaasay isagii soo gelisay gurigii aabbeheed; oo gabadha aabbeheedna markuu isagii arkay ayuu ku farxay inuu la kulmo.
Then her husband arose and went after her, to speak kindly to her and bring her back, having his servant and a couple of donkeys with him. So she brought him into her father’s house; and when the father of the young woman saw him, he was glad to meet him.
4 M arkaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.
Now his father-in-law, the young woman’s father, detained him; and he stayed with him three days. So they ate and drank and lodged there.
5 O o maalintii afraad aroor hore ayay tooseen, oo wuxuuna u kacay inuu tago. Markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ku yidhi wiilkii uu soddogga u ahaa, Bal nafta ugu raaxee wuxoogaa cunto ah, dabadeedna waad tegaysaaye.
Then it came to pass on the fourth day that they arose early in the morning, and he stood to depart; but the young woman’s father said to his son-in-law, “Refresh your heart with a morsel of bread, and afterward go your way.”
6 S idaas daraaddeed way fadhiisteen, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen oo cabbeen, markaasaa gabadha aabbeheed wuxuu ninkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, raalli ahow, caawa oo dhanna iska joog, oo qalbigaaguna ha faraxsanaado.
So they sat down, and the two of them ate and drank together. Then the young woman’s father said to the man, “Please be content to stay all night, and let your heart be merry.”
7 M arkaasuu ninkii u kacay inuu tago; laakiinse soddoggiis baa ku sii adkeeyey, oo halkaasuu ku hoyday haddana.
And when the man stood to depart, his father-in-law urged him; so he lodged there again.
8 O o haddana maalintii shanaad ayuu aroor hore u kacay inuu tago; markaasaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Waan ku baryayaaye iska raaxayso, oo iska joog ilaa gelinka dambe, oo labadoodiiba wax bay wada cuneen.
Then he arose early in the morning on the fifth day to depart, but the young woman’s father said, “Please refresh your heart.” So they delayed until afternoon; and both of them ate.
9 O o markii ninkii u kacay inuu tago, isagii iyo naagtiisii addoonta ahayd, iyo midiidinkiisiiba, ayaa soddoggiis oo ahaa gabadha aabbeheed ku yidhi, Bal eeg haatan qorraxdu waa sii dhacaysaaye, haddaba waan ku baryayaaye, bal caawa oo dhanna iska joog; bal eeg haatan waa gabbaldhac, de halkan isaga hoyo, in qalbigaagu iska faraxsanaado; oo haddana berri aroorta hore iska tag oo gurigaagii aad.
And when the man stood to depart—he and his concubine and his servant—his father-in-law, the young woman’s father, said to him, “Look, the day is now drawing toward evening; please spend the night. See, the day is coming to an end; lodge here, that your heart may be merry. Tomorrow go your way early, so that you may get home.”
10 L aakiinse ninkii ma doonaynin inuu habeenkaas joogo, wuuse kacay oo tegey, oo wuxuu yimid meel ku toosan Yebuus, (taas oo ah Yeruusaalem); oo wuxuu watay laba dameer oo kooraysan, oo naagtiisii addoonta ahaydna way la socotay.
However, the man was not willing to spend that night; so he rose and departed, and came opposite Jebus (that is, Jerusalem). With him were the two saddled donkeys; his concubine was also with him.
11 O o markay Yebuus ku soo dhowaadeenna maalintii horay u badatay; markaasaa midiidinkii wuxuu sayidkiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay oo aynu ku leexanno magaaladan reer Yebuus oo aynu u hoyanno.
They were near Jebus, and the day was far spent; and the servant said to his master, “Come, please, and let us turn aside into this city of the Jebusites and lodge in it.”
12 K olkaasaa sayidkiisii ku yidhi, Dad shisheeye ah oo aan reer binu Israa'iil ahayn magaaladiis ku leexan mayno; laakiinse waxaynu u gudbaynaa xagga Gibecaah.
But his master said to him, “We will not turn aside here into a city of foreigners, who are not of the children of Israel; we will go on to Gibeah.”
13 O o wuxuu midiidinkiisii ku yidhi, Kaalay oo aynu ku dhowaanno meelahan middood; oo waxaynu u hoyanaynaa Gibecaah, ama Raamaah.
So he said to his servant, “Come, let us draw near to one of these places, and spend the night in Gibeah or in Ramah.”
14 K olkaasay iska sii socdeen oo jidkoodii qaadeen; oo waxaa qorraxdu ugu dhacday iyagoo ag jooga Gibecaah oo ay reer Benyaamiin lahaayeen.
And they passed by and went their way; and the sun went down on them near Gibeah, which belongs to Benjamin.
15 M arkaasay halkaas ku leexdeen inay u hoydaan Gibecaah. Kolkaasuu galay, oo wuxuu fadhiistay jidkii magaalada; waayo, ninna gurigiisii ma gelin inay u hoydaan.
They turned aside there to go in to lodge in Gibeah. And when he went in, he sat down in the open square of the city, for no one would take them into his house to spend the night.
16 O o fiidkii oday baa shuqulkiisii beerta ka yimid. Haddaba ninku wuxuu ahaa reer Efrayimkii dalka buuraha leh degganaa, oo Gibecaahna qariib buu ku ahaa; laakiinse dadkii meesha degganaa waxay ahaayeen reer Benyaamiin.
Just then an old man came in from his work in the field at evening, who also was from the mountains of Ephraim; he was staying in Gibeah, whereas the men of the place were Benjamites.
17 M arkaasuu indhihiisii kor u qaaday, oo wuxuu jidkii magaalada ku arkay ninkii socotada ahaa. Markaasaa odaygii yidhi, Xaggee baad u socotaa? Oo xaggee baad ka timid?
And when he raised his eyes, he saw the traveler in the open square of the city; and the old man said, “Where are you going, and where do you come from?”
18 O o isna wuxuu ku yidhi, Waxaannu ka gudbaynaa Beytlaxam Yahuudah; oo dhanka shishe oo dalka buuraha leh oo reer Efrayim ayaannu tegaynaa. Anigu xaggaas baan ka imid, oo waxaan tegey Beytlaxam Yahuudah; oo haatan waxaan u socdaa guriga Rabbiga, oo nin gurigiisa i geliyeyna ma jiro.
So he said to him, “We are passing from Bethlehem in Judah toward the remote mountains of Ephraim; I am from there. I went to Bethlehem in Judah; now I am going to the house of the Lord. But there is no one who will take me into his house,
19 W eliba dameerahayaga waa loo hayaa caws iyo cuntoba; oo kibis iyo khamrina waa u diyaar aniga iyo gabadhaada addoonta ah, iyo weliba ninka dhallinyarada ah ee nala socda annagoo addoommadaada ah, haddaba wax loo baahan yahay ma jiraan.
although we have both straw and fodder for our donkeys, and bread and wine for myself, for your female servant, and for the young man who is with your servant; there is no lack of anything.”
20 O o markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan.
And the old man said, “Peace be with you! However, let all your needs be my responsibility; only do not spend the night in the open square.”
21 M arkaasuu gurigiisii geliyey, oo dameerihii cuntuu siiyey; oo iyana intay cago maydheen ayay wax cuneen oo cabbeen.
So he brought him into his house, and gave fodder to the donkeys. And they washed their feet, and ate and drank. Gibeah’s Crime
22 O o intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee.
As they were enjoying themselves, suddenly certain men of the city, perverted men, surrounded the house and beat on the door. They spoke to the master of the house, the old man, saying, “Bring out the man who came to your house, that we may know him carnally! ”
23 M arkaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan.
But the man, the master of the house, went out to them and said to them, “No, my brethren! I beg you, do not act so wickedly! Seeing this man has come into my house, do not commit this outrage.
24 B al eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.
Look, here is my virgin daughter and the man’s concubine; let me bring them out now. Humble them, and do with them as you please; but to this man do not do such a vile thing!”
25 L aakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.
But the men would not heed him. So the man took his concubine and brought her out to them. And they knew her and abused her all night until morning; and when the day began to break, they let her go.
26 M arkaasaa naagtii timid markii waagu soo kaahay, oo waxay ku dhacday albaabkii ninkii gurigiisa oo uu sayidkeedii joogay, ilaa ay iftiin noqotay.
Then the woman came as the day was dawning, and fell down at the door of the man’s house where her master was, till it was light.
27 M arkaasaa sayidkeedii kacay aroortii, oo albaabbadii guriga furay, oo inuu tago ayuu dibadda ugu soo baxay; oo bal eeg, naagtiisii addoonta ahayd waxay ku dhacday guriga iriddiisa, oo gacmaheeduna waxay saarnaayeen marinka.
When her master arose in the morning, and opened the doors of the house and went out to go his way, there was his concubine, fallen at the door of the house with her hands on the threshold.
28 M arkaasuu iyadii ku yidhi, Naa bal kac, oo ina keen aan tagnee; laakiinse cidna uma ay jawaabin; markaasuu dameerkiisii saaray, oo meeshiisii u kacay.
And he said to her, “Get up and let us be going.” But there was no answer. So the man lifted her onto the donkey; and the man got up and went to his place.
29 O o markuu gurigiisii galay ayuu mindi qaaday, oo intuu naagtiisii addoonta ahayd qabtay ayuu xubin xubin u kala gooyay, oo wuxuu ka dhigay laba iyo toban cad, oo wuxuu u diray xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan inta ka dhex leh.
When he entered his house he took a knife, laid hold of his concubine, and divided her into twelve pieces, limb by limb, and sent her throughout all the territory of Israel.
30 O o kulli wax alla wixii arkayba waxay yidhaahdeen, Maalintii ay dalka Masar ka soo baxeen ilaa maantadan la joogo reer binu Israa'iil laguma samayn, lagumana arag, shuqul caynkan ah; haddaba bal ka fiirsada, oo ka tashada, oo ka hadla.
And so it was that all who saw it said, “No such deed has been done or seen from the day that the children of Israel came up from the land of Egypt until this day. Consider it, confer, and speak up!”