Ishacyaah 49 ~ Isaiah 49

picture

1 G asiiradahow, bal i maqla, dadkiinna fogow, bal i dhegaysta, Rabbigu wuxuu iiga yeedhay maxalka, oo uurkii hooyaday ayuu iga soo magacaabay.

“Listen, O coastlands, to Me, And take heed, you peoples from afar! The Lord has called Me from the womb; From the matrix of My mother He has made mention of My name.

2 O o afkaygana wuxuu ka dhigay sidii seef af badan oo kale, oo hooska gacantiisa ayuu igu qariyey, wuxuuna iga yeelay sidii fallaadh fiiqan oo kale, oo gabooyihiisa ayuu igu xaseeyey.

And He has made My mouth like a sharp sword; In the shadow of His hand He has hidden Me, And made Me a polished shaft; In His quiver He has hidden Me.”

3 O o wuxuu igu yidhi, Israa'iilow, waxaad tahay addoonkaygii oo waan kugu ammaanmi doonaa.

“And He said to me, ‘You are My servant, O Israel, In whom I will be glorified.’

4 M arkaasaan idhi, Wax aan waxba ahayn ayaan u hawshooday, oo xooggaygiina waxaan ku dhammeeyey baabba' iyo wax aan waxba ahayn, laakiinse gartaydu waxay la jirtaa Rabbiga oo abaalgudkayguna wuxuu la jiraa Ilaahayga.

Then I said, ‘I have labored in vain, I have spent my strength for nothing and in vain; Yet surely my just reward is with the Lord, And my work with my God.’”

5 O o haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal)

“And now the Lord says, Who formed Me from the womb to be His Servant, To bring Jacob back to Him, So that Israel is gathered to Him (For I shall be glorious in the eyes of the Lord, And My God shall be My strength),

6 O o isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.

Indeed He says, ‘It is too small a thing that You should be My Servant To raise up the tribes of Jacob, And to restore the preserved ones of Israel; I will also give You as a light to the Gentiles, That You should be My salvation to the ends of the earth.’”

7 R abbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis. Dib U Soo Celintii Reer Binu Israa'iil

Thus says the Lord, The Redeemer of Israel, their Holy One, To Him whom man despises, To Him whom the nation abhors, To the Servant of rulers: “Kings shall see and arise, Princes also shall worship, Because of the Lord who is faithful, The Holy One of Israel; And He has chosen You.”

8 R abbigu wuxuu leeyahay, Wakhti la aqbalay ayaan kuu jawaabay, oo maalintii badbaadintana waan ku caawiyey, waanan ku ilaalin doonaa, oo axdi ahaan baan dadka kuu siin doonaa inaad dhulka hagaajisid oo aad ka yeeshid in ay dhaxlaan meelihii hantida ahaa ee baabba'ay,

Thus says the Lord: “In an acceptable time I have heard You, And in the day of salvation I have helped You; I will preserve You and give You As a covenant to the people, To restore the earth, To cause them to inherit the desolate heritages;

9 i yo inaad kuwa xidhan ku tidhaahdid, Soo baxa, oo kuwa gudcurka ku jirana aad ku tidhaahdid, Ismuujiya. Waxay daaqi doonaan jidadka, oo daaqsintoodana waxay ka heli doonaan meelaha sare oo dhan.

That You may say to the prisoners, ‘Go forth,’ To those who are in darkness, ‘Show yourselves.’ “They shall feed along the roads, And their pastures shall be on all desolate heights.

10 M a ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan, oo kulaylka iyo qorraxdu kuma ay dhici doonaan, waayo, ka iyaga u naxariista ayaa hor kici doona, oo wuxuu ku hoggaamin doonaa ilo biya ah agtood.

They shall neither hunger nor thirst, Neither heat nor sun shall strike them; For He who has mercy on them will lead them, Even by the springs of water He will guide them.

11 O o buurahayga oo dhan waxaan ka dhigi doonaa waddo, oo jidadkayga weynna kor baa loo wada qaadi doonaa.

I will make each of My mountains a road, And My highways shall be elevated.

12 B al eega, kuwanu waxay ka iman doonaan meel fog, oo bal ogaada, kuwanu waxay ka iman doonaan xagga woqooyi iyo xagga galbeed, oo kuwanuna waxay ka iman doonaan dalka reer Siiniim.

Surely these shall come from afar; Look! Those from the north and the west, And these from the land of Sinim.”

13 S amooyinkow, heesa, oo dhulkow, faraxsanow, buurahow, hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo kuwiisa dhibaataysanna wuu u naxariisan doonaa.

Sing, O heavens! Be joyful, O earth! And break out in singing, O mountains! For the Lord has comforted His people, And will have mercy on His afflicted. God Will Remember Zion

14 L aakiinse Siyoon waxay tidhi, Rabbigu waa iga tegey, oo Sayidku waa i illoobay.

But Zion said, “The Lord has forsaken me, And my Lord has forgotten me.”

15 M iyaa naagu ilmeheeda nuuga illoobi kartaa inayan wiilkii uurkeeda ka soo go'ay u naxariisan? Mindhaa kuwaasu way illoobi karaan, aniguse innaba ku illoobi maayo.

“Can a woman forget her nursing child, And not have compassion on the son of her womb? Surely they may forget, Yet I will not forget you.

16 B al eeg, waxaan kugu calaamadeeyey calaacalaha gacmahayga, oo derbiyadaaduna had iyo goorba way i hor yaalliin.

See, I have inscribed you on the palms of My hands; Your walls are continually before Me.

17 C arruurtaadu way soo degdegayaan, oo kuwii ku dumiyey iyo kuwii cidlada kaa dhigayba way kaa bixi doonaan.

Your sons shall make haste; Your destroyers and those who laid you waste Shall go away from you.

18 B al indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale.

Lift up your eyes, look around and see; All these gather together and come to you. As I live,” says the Lord, “You shall surely clothe yourselves with them all as an ornament, And bind them on you as a bride does.

19 W aayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan.

“For your waste and desolate places, And the land of your destruction, Will even now be too small for the inhabitants; And those who swallowed you up will be far away.

20 C arruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee.

The children you will have, After you have lost the others, Will say again in your ears, ‘The place is too small for me; Give me a place where I may dwell.’

21 M arkaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen?

Then you will say in your heart, ‘Who has begotten these for me, Since I have lost my children and am desolate, A captive, and wandering to and fro? And who has brought these up? There I was, left alone; But these, where were they?’”

22 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan.

Thus says the Lord God: “Behold, I will lift My hand in an oath to the nations, And set up My standard for the peoples; They shall bring your sons in their arms, And your daughters shall be carried on their shoulders;

23 O o boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.

Kings shall be your foster fathers, And their queens your nursing mothers; They shall bow down to you with their faces to the earth, And lick up the dust of your feet. Then you will know that I am the Lord, For they shall not be ashamed who wait for Me.”

24 M id xoog badanu wuxuu qabsado miyaa laga qaadaa? Miyaase la samatabbixiyaa maxaabbiistii kan xaqa ah?

Shall the prey be taken from the mighty, Or the captives of the righteous be delivered?

25 L aakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Xataa kii xoog badan maxaabbiistiisa waa laga qaadi doonaa, oo kan laga cabsado wuxuu qabsadona waa laga samatabbixin doonaa, waayo, kii kula dirira waan la diriri doonaa, oo carruurtaadana waan badbaadin doonaa.

But thus says the Lord: “Even the captives of the mighty shall be taken away, And the prey of the terrible be delivered; For I will contend with him who contends with you, And I will save your children.

26 O o kuwii ku dulmana waxaan ku quudin doonaa hilibka jidhkooda, oo dhiiggoodana waxay ugu sakhraami doonaan sida khamri macaan, oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada ogaan doonaan inaan anigoo Rabbiga ahu ahay Badbaadiyahaaga, iyo Bixiyahaaga, iyo Kan xoogga badan ee reer Yacquub.

I will feed those who oppress you with their own flesh, And they shall be drunk with their own blood as with sweet wine. All flesh shall know That I, the Lord, am your Savior, And your Redeemer, the Mighty One of Jacob.”