1 M arkaasaa Daa'uud yidhi, Kanu waa gurigii Rabbiga Ilaaha ah, oo tanuna waa meeshii qurbaanka la gubo oo reer binu Israa'iil. Diyaarintii Macbudka
Then David said, “This is the house of the Lord God, and this is the altar of burnt offering for Israel.”
2 M arkaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed.
So David commanded to gather the aliens who were in the land of Israel; and he appointed masons to cut hewn stones to build the house of God.
3 O o Daa'uud wuxuu diyaariyey bir faro badan in musmaarro looga dhigo albaabbada irdaha iyo qabsatooyinka, oo wuxuu kaloo diyaariyey naxaas tiro badan oo aan miisaan lahayn,
And David prepared iron in abundance for the nails of the doors of the gates and for the joints, and bronze in abundance beyond measure,
4 i yo geedo kedar ah oo aan tiro lahayn, waayo, reer Siidoon iyo reer Turos waxay Daa'uud u keeneen geedo kedar ah oo tiro badan.
and cedar trees in abundance; for the Sidonians and those from Tyre brought much cedar wood to David.
5 M arkaasaa Daa'uud yidhi, Wiilkayga Sulaymaan waa yar yahay, waana tabar daranyahay, oo guriga Rabbiga loo dhisayaana waa inuu ahaado mid aad iyo aad u weyn, oo magac iyo ammaan ku leh kulli waddammada oo dhan, haddaba wax baan u sii diyaarin doonaa. Sidaas daraaddeed Daa'uud waxyaalo faro badan ayuu diyaariyey intuusan dhiman ka hor.
Now David said, “Solomon my son is young and inexperienced, and the house to be built for the Lord must be exceedingly magnificent, famous and glorious throughout all countries. I will now make preparation for it.” So David made abundant preparations before his death.
6 M arkaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Then he called for his son Solomon, and charged him to build a house for the Lord God of Israel.
7 O o haddana Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Waxaa qalbigayga ku jiray inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah.
And David said to Solomon: “My son, as for me, it was in my mind to build a house to the name of the Lord my God;
8 L aakiinse waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, Adigu waxaad daadisay dhiig badan, oo aad baad u dagaallantay. Waa inaadan guri u dhisin magacayga, maxaa yeelay, dhiig badan ayaad dhulka ku daadisay anigoo u jeeda.
but the word of the Lord came to me, saying, ‘You have shed much blood and have made great wars; you shall not build a house for My name, because you have shed much blood on the earth in My sight.
9 O o bal eeg, waxaa kuu dhalan doona wiil, kaasoo ahaan doona nin nasasho, oo waxaan ka nasin doonaa cadaawayaashiisa ku wareegsan oo dhan, oo isaga magiciisu wuxuu ahaan doonaa Sulaymaan, oo wakhtigiisa waxaan reer binu Israa'iil siin doonaa nabad iyo xasilloonaan.
Behold, a son shall be born to you, who shall be a man of rest; and I will give him rest from all his enemies all around. His name shall be Solomon, for I will give peace and quietness to Israel in his days.
10 O o guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.
He shall build a house for My name, and he shall be My son, and I will be his Father; and I will establish the throne of his kingdom over Israel forever.’
11 H addaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay.
Now, my son, may the Lord be with you; and may you prosper, and build the house of the Lord your God, as He has said to you.
12 O o Rabbigu ha ku siiyo xigmad iyo waxgarasho, oo amarka reer binu Israa'iilna ha kuu dhiibo si aad u dhawrtid sharciga Rabbiga Ilaahaaga ah.
Only may the Lord give you wisdom and understanding, and give you charge concerning Israel, that you may keep the law of the Lord your God.
13 M arkaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin.
Then you will prosper, if you take care to fulfill the statutes and judgments with which the Lord charged Moses concerning Israel. Be strong and of good courage; do not fear nor be dismayed.
14 H addaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa.
Indeed I have taken much trouble to prepare for the house of the Lord one hundred thousand talents of gold and one million talents of silver, and bronze and iron beyond measure, for it is so abundant. I have prepared timber and stone also, and you may add to them.
15 O o weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta,
Moreover there are workmen with you in abundance: woodsmen and stonecutters, and all types of skillful men for every kind of work.
16 o o ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro.
Of gold and silver and bronze and iron there is no limit. Arise and begin working, and the Lord be with you.”
17 O o haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan.
David also commanded all the leaders of Israel to help Solomon his son, saying,
18 O o wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda.
“ Is not the Lord your God with you? And has He not given you rest on every side? For He has given the inhabitants of the land into my hand, and the land is subdued before the Lord and before His people.
19 H addaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.
Now set your heart and your soul to seek the Lord your God. Therefore arise and build the sanctuary of the Lord God, to bring the ark of the covenant of the Lord and the holy articles of God into the house that is to be built for the name of the Lord.”