Matayos 27 ~ Matthieu 27

picture

1 G oortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan.

Dès que le matin fut venu, tous les principaux sacrificateurs et les anciens du peuple tinrent conseil contre Jésus, pour le faire mourir.

2 M arkaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa. Yuudas Dhimashadiisa

Après l'avoir lié, ils l'emmenèrent, et le livrèrent à Ponce Pilate, le gouverneur.

3 M arkaas Yuudas, oo ahaa kii gacangeliyey, goortuu arkay in la xukumay, ayuu isqoomameeyey, oo soddonkii gogo' oo lacagta ahaa ayuu wadaaddadii sare iyo waayeelladii ku celiyey,

Alors Judas, qui l'avait livré, voyant qu'il était condamné, se repentit, et rapporta les trente pièces d'argent aux principaux sacrificateurs et aux anciens,

4 o o wuxuu ku yidhi, Waan dembaabay markaan gacangeliyey dhiig eed la'. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, Maxaa noogu jira? Yeelkaa.

en disant: J'ai péché, en livrant le sang innocent. Ils répondirent: Que nous importe? Cela te regarde.

5 M arkaasuu lacagtii macbudka gudihiisa ku daadshay oo ka tegey, wuuna baxay oo isdeldelay.

Judas jeta les pièces d'argent dans le temple, se retira, et alla se pendre.

6 K olkaasaa wadaaddadii sare lacagtii qaadeen oo waxay yidhaahdeen, Xalaal ma aha in khasnadda quduuska ah lagu rido, waayo, waa dhiig iibkiis.

Les principaux sacrificateurs les ramassèrent, et dirent: Il n'est pas permis de les mettre dans le trésor sacré, puisque c'est le prix du sang.

7 M arkaasay ka wada hadleen oo waxay ku iibsadeen dhulka dheriyasameeyaha in shisheeyaha lagu aaso.

Et, après en avoir délibéré, ils achetèrent avec cet argent le champ du potier, pour la sépulture des étrangers.

8 S idaa darteed ilaa maanta dhulkaas waxaa loogu yeedhaa dhulkii dhiigga.

C'est pourquoi ce champ a été appelé champ du sang, jusqu'à ce jour.

9 M arkaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga hadlay markuu yidhi, Waxay qaateen soddonkii gogo' oo lacagta ahaa oo ah iibkii lagu qiimeeyey isaga, kii bini Israa'iil ku qiimeeyeen.

Alors s'accomplit ce qui avait été annoncé par Jérémie, le prophète: Ils ont pris les trente pièces d'argent, la valeur de celui qui a été estimé, qu'on a estimé de la part des enfants d'Israël;

10 W axayna ka bixiyeen dhulka dheriyasameeyaha sida Rabbigu iigu amray. Ciise Oo Bilaatos Hor Taagan

et il les ont données pour le champ du potier, comme le Seigneur me l'avait ordonné.

11 C iise wuxuu hor istaagay taliyaha, oo taliyihiina waa weyddiiyey oo ku yidhi, Ma Boqorkii Yuhuudda baad tahay? Ciisena wuxuu ku yidhi, Waad tidhi.

Jésus comparut devant le gouverneur. Le gouverneur l'interrogea, en ces termes: Es-tu le roi des Juifs? Jésus lui répondit: Tu le dis.

12 G oortii wadaaddadii sare iyo waayeelladii ay ashtakeeyeen, waxba uma uu jawaabin.

Mais il ne répondit rien aux accusations des principaux sacrificateurs et des anciens.

13 M arkaasaa Bilaatos ku yidhi, Miyaanad maqlaynin waxa badan oo ay kugu marag furayaan?

Alors Pilate lui dit: N'entends-tu pas de combien de choses ils t'accusent?

14 L aakiin uguma uu jawaabin xataa eray keliya, sidaa darteed taliyihii ayaa aad ula yaabay.

Et Jésus ne lui donna de réponse sur aucune parole, ce qui étonna beaucoup le gouverneur.

15 T aliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan.

A chaque fête, le gouverneur avait coutume de relâcher un prisonnier, celui que demandait la foule.

16 M arkaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas.

Ils avaient alors un prisonnier fameux, nommé Barabbas.

17 H addaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?

Comme ils étaient assemblés, Pilate leur dit: Lequel voulez-vous que je vous relâche, Barabbas, ou Jésus, qu'on appelle Christ?

18 W aayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen.

Car il savait que c'était par envie qu'ils avaient livré Jésus.

19 K olkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.

Pendant qu'il était assis sur le tribunal, sa femme lui fit dire: Qu'il n'y ait rien entre toi et ce juste; car aujourd'hui j'ai beaucoup souffert en songe à cause de lui.

20 L aakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.

Les principaux sacrificateurs et les anciens persuadèrent à la foule de demander Barabbas, et de faire périr Jésus.

21 L aakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas.

Le gouverneur prenant la parole, leur dit: Lequel des deux voulez-vous que je vous relâche? Ils répondirent: Barabbas.

22 M arkaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

Pilate leur dit: Que ferai-je donc de Jésus, qu'on appelle Christ? Tous répondirent: Qu'il soit crucifié!

23 O o wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

Le gouverneur dit: Mais quel mal a-t-il fait? Et ils crièrent encore plus fort: Qu'il soit crucifié!

24 B ilaatos goortuu arkay inuusan waxba ka tari karin in rabshad kacdo maahee, ayuu biyo qaatay oo dadka hortooda ku gacmo dhaqday oo wuxuu yidhi, Anigu waan ka eedla'ahay ninkan xaqa ah dhiiggiisa. Idinku yeelkiinna.

Pilate, voyant qu'il ne gagnait rien, mais que le tumulte augmentait, prit de l'eau, se lava les mains en présence de la foule, et dit: Je suis innocent du sang de ce juste. Cela vous regarde.

25 D adkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.

Et tout le peuple répondit: Que son sang retombe sur nous et sur nos enfants!

26 M arkaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo. Ciise Waa Lagu Qodbay Iskutallaabta

Alors Pilate leur relâcha Barabbas; et, après avoir fait battre de verges Jésus, il le livra pour être crucifié.

27 M arkaasaa taliyaha askartiisii waxay Ciise geeyeen guriga taliyaha, oo waxay isaga ku soo ururiyeen askartii oo dhan.

Les soldats du gouverneur conduisirent Jésus dans le prétoire, et ils assemblèrent autour de lui toute la cohorte.

28 D harkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

Ils lui ôtèrent ses vêtements, et le couvrirent d'un manteau écarlate.

29 M arkaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.

Ils tressèrent une couronne d'épines, qu'ils posèrent sur sa tête, et ils lui mirent un roseau dans la main droite; puis, s'agenouillant devant lui, ils le raillaient, en disant: Salut, roi des Juifs!

30 W ayna ku candhuufeen, markaasay cawsduurkii ka qaadeen oo madaxay kaga dhufteen.

Et ils crachaient contre lui, prenaient le roseau, et frappaient sur sa tête.

31 O o goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

Après s'être ainsi moqués de lui, ils lui ôtèrent le manteau, lui remirent ses vêtements, et l'emmenèrent pour le crucifier.

32 G oortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.

Lorsqu'ils sortirent, ils rencontrèrent un homme de Cyrène, appelé Simon, et ils le forcèrent à porter la croix de Jésus.

33 O o goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada,

Arrivés au lieu nommé Golgotha, ce qui signifie lieu du crâne,

34 w axay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo.

ils lui donnèrent à boire du vin mêlé de fiel; mais, quand il l'eut goûté, il ne voulut pas boire.

35 O o goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.

Après l'avoir crucifié, ils se partagèrent ses vêtements, en tirant au sort, afin que s'accomplît ce qui avait été annoncé par le prophète: Ils se sont partagé mes vêtements, et ils ont tiré au sort ma tunique.

36 M eeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen.

Puis ils s'assirent, et le gardèrent.

37 W axay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA.

Pour indiquer le sujet de sa condamnation, on écrivit au-dessus de sa tête: Celui-ci est Jésus, le roi des Juifs.

38 M arkaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda.

Avec lui furent crucifiés deux brigands, l'un à sa droite, et l'autre à sa gauche.

39 K uwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen,

Les passants l'injuriaient, et secouaient la tête,

40 w axay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg.

en disant: Toi qui détruis le temple, et qui le rebâtis en trois jours, sauve-toi toi-même! Si tu es le Fils de Dieu, descends de la croix!

41 S idaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen,

Les principaux sacrificateurs, avec les scribes et les anciens, se moquaient aussi de lui, et disaient:

42 K uwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye.

Il a sauvé les autres, et il ne peut se sauver lui-même! S'il est roi d'Israël, qu'il descende de la croix, et nous croirons en lui.

43 I laah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah.

Il s'est confié en Dieu; que Dieu le délivre maintenant, s'il l'aime. Car il a dit: Je suis Fils de Dieu.

44 T uugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen. Ciise Waa Dhintay

Les brigands, crucifiés avec lui, l'insultaient de la même manière.

45 H adda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa.

Depuis la sixième heure jusqu'à la neuvième, il y eut des ténèbres sur toute la terre.

46 A bbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?

Et vers la neuvième heure, Jésus s'écria d'une voix forte: Éli, Éli, lama sabachthani? c'est-à-dire: Mon Dieu, mon Dieu, pourquoi m'as-tu abandonné?

47 K uwa halkaas taagnaa qaarkood ayaa goortay maqleen, yidhi, Kanu wuxuu u yeedhayaa Eliyaas.

Quelques-un de ceux qui étaient là, l'ayant entendu, dirent: Il appelle Élie.

48 K olkiiba midkood baa orday oo qaaday geed isbonji la yidhaahdo, oo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo.

Et aussitôt l'un d'eux courut prendre une éponge, qu'il remplit de vinaigre, et, l'ayant fixée à un roseau, il lui donna à boire.

49 K uwa kale ayaa yidhi, Daaya aynu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo badbaadiyo.

Mais les autres disaient: Laisse, voyons si Élie viendra le sauver.

50 M arkaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey.

Jésus poussa de nouveau un grand cri, et rendit l'esprit.

51 O o bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray, dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen.

Et voici, le voile du temple se déchira en deux, depuis le haut jusqu'en bas, la terre trembla, les rochers se fendirent,

52 X abaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey.

les sépulcres s'ouvrirent, et plusieurs corps des saints qui étaient morts ressuscitèrent.

53 S arakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan.

Étant sortis des sépulcres, après la résurrection de Jésus, ils entrèrent dans la ville sainte, et apparurent à un grand nombre de personnes.

54 B oqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.

Le centenier et ceux qui étaient avec lui pour garder Jésus, ayant vu le tremblement de terre et ce qui venait d'arriver, furent saisis d'une grande frayeur, et dirent: Assurément, cet homme était Fils de Dieu.

55 W axaana halkaas joogay dumar badan oo meel fog ka eegayay, kuwii Ciise ka soo raacay Galili oo u adeegi jiray isaga,

Il y avait là plusieurs femmes qui regardaient de loin; qui avaient accompagné Jésus depuis la Galilée, pour le servir.

56 o o waxaa ku dhex jirtay Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yoosee hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood. Ciise Waa La Aasay

Parmi elles étaient Marie de Magdala, Marie, mère de Jacques et de Joseph, et la mère des fils de Zébédée.

57 G oortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.

Le soir étant venu, arriva un homme riche d'Arimathée, nommé Joseph, lequel était aussi disciple de Jésus.

58 K aasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.

Il se rendit vers Pilate, et demanda le corps de Jésus. Et Pilate ordonna de le remettre.

59 Y uusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,

Joseph prit le corps, l'enveloppa d'un linceul blanc,

60 o o wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.

et le déposa dans un sépulcre neuf, qu'il s'était fait tailler dans le roc. Puis il roula une grande pierre à l'entrée du sépulcre, et il s'en alla.

61 O o halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.

Marie de Magdala et l'autre Marie étaient là, assises vis-à-vis du sépulcre.

62 M aalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,

Le lendemain, qui était le jour après la préparation, les principaux sacrificateurs et les pharisiens allèrent ensemble auprès de Pilate,

63 o o waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.

et dirent: Seigneur, nous nous souvenons que cet imposteur a dit, quand il vivait encore: Après trois jours je ressusciterai.

64 H addaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.

Ordonne donc que le sépulcre soit gardé jusqu'au troisième jour, afin que ses disciples ne viennent pas dérober le corps, et dire au peuple: Il est ressuscité des morts. Cette dernière imposture serait pire que la première.

65 B ilaatos wuxuu ku yidhi, Waardiyayaal baad leedihiin. Taga oo adkeeya in alla intaad adkayn taqaaniin.

Pilate leur dit: Vous avez une garde; allez, gardez-le comme vous l'entendrez.

66 M arkaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

Ils s'en allèrent, et s'assurèrent du sépulcre au moyen de la garde, après avoir scellé la pierre.