Tirintii 15 ~ Nombres 15

picture

1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

L'Éternel parla à Moïse, et dit:

2 R eer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad gaadhaan dalka rugtiinna ah oo aan idin siinayo,

Parle aux enfants d'Israël, et dis-leur: Quand vous serez entrés dans le pays que je vous donne pour y établir vos demeures,

3 h addaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,

et que vous offrirez à l'Éternel un sacrifice consumé par le feu, soit un holocauste, soit un sacrifice en accomplissement d'un voeu ou en offrande volontaire, ou bien dans vos fêtes, pour produire avec votre gros ou votre menu bétail une agréable odeur à l'Éternel, -

4 h addaba kii wax bixinayaa qurbaankiisa ha ku bixiyo Rabbiga aawadiis qurbaan hadhuudh ah eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin rubuceed oo saliid ah;

celui qui fera son offrande à l'Éternel présentera en offrande un dixième de fleur de farine pétrie dans un quart de hin d'huile,

5 o o khamri ah qurbaanka cabniinka hiin rubuceed waa inaad qurbaanka la gubo ama allabariga ula diyaarisaan wan kasta.

et tu feras une libation d'un quart de hin de vin, avec l'holocauste ou le sacrifice, pour chaque agneau.

6 O o wankii weynna waxaad qurbaan hadhuudh ah u diyaarisaan eefaah toban meelood loo qaybiyo labadiis meelood oo bur wanaagsan ah oo hiin saddex meelood meel saliid ah lagu daray.

Pour un bélier, tu présenteras en offrande deux dixièmes de fleur de farine pétrie dans un tiers de hin d'huile,

7 O o qurbaanka cabniinkana waxaad u bixisaan hiin saddex meelood meel khamri ah oo Rabbiga u ah caraf udgoon.

et tu feras une libation d'un tiers de hin de vin, comme offrande d'une agréable odeur à l'Éternel.

8 O o markaad dibi u bixinaysid allabariga la gubo amase allabari aad nidar ku samaynaysid, amase qurbaanno nabaadiino oo aad Rabbiga u bixinayso,

Si tu offres un veau, soit comme holocauste, soit comme sacrifice en accomplissement d'un voeu, ou comme sacrifice d'actions de grâces à l'Éternel,

9 m arkaas eefaah toban meelood loo qaybiyey saddexdiis meelood oo bur wanaagsan ah oo lagu daray hiin nuskeed saliid ah qurbaan hadhuudh ha ula bixiyo dibiga.

on présentera en offrande, avec le veau, trois dixièmes de fleur de farine pétrie dans un demi-hin d'huile,

10 Q urbaanka cabniinkana waa inaad u bixisaa hiin nuskeed khamri ah, kaas oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.

et tu feras une libation d'un demi-hin de vin: c'est un sacrifice consumé par le feu, d'une agréable odeur à l'Éternel.

11 O o sidaas ha loo sameeyo dibi kasta, ama wan kasta oo weyn, ama wan kasta oo yar, ama orgi kasta oo yar.

On fera ainsi pour chaque boeuf, pour chaque bélier, pour chaque petit des brebis ou des chèvres.

12 I ntaad diyaarisaan sida tiradu tahay mid kasta u sameeya.

Suivant le nombre des victimes, vous ferez ainsi pour chacune, d'après leur nombre.

13 I nta waddaniga ah oo dhammu waxyaalahan sidaas ha u sameeyeen markay bixinayaan qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.

Tout indigène fera ces choses ainsi, lorsqu'il offrira un sacrifice consumé par le feu, d'une agréable odeur à l'Éternel.

14 O o haddii shisheeye idinla deggan yahay ama mid kasta oo idin dhex jooga qarniyadiinna oo dhan, hadduu doonayo inuu qurbaan dab lagu sameeyo Rabbiga ugu bixiyo caraf udgoon, sidaad idinku yeeshaan isna waa inuu yeelaa.

Si un étranger séjournant chez vous, ou se trouvant à l'avenir au milieu de vous, offre un sacrifice consumé par le feu, d'une agréable odeur à l'Éternel, il l'offrira de la même manière que vous.

15 O o ururkiinna oo dhammu waa inaad idinka iyo shisheeyaha idinla degganu lahaataan qaynuun keliya, kaas oo ahaanaya qaynuun ab ka ab. Waayo, sidaad idinku tihiin, shisheeyuhuna waa inuu Rabbiga hortiisa sidaas oo kale ku ahaadaa.

Il y aura une seule loi pour toute l'assemblée, pour vous et pour l'étranger en séjour au milieu de vous; ce sera une loi perpétuelle parmi vos descendants: il en sera de l'étranger comme de vous, devant l'Éternel.

16 O o idinka iyo shisheeyihii idinla degganuba waa inaad lahaataan isku sharci iyo isku qaynuun.

Il y aura une seule loi et une seule ordonnance pour vous et pour l'étranger en séjour parmi vous.

17 M arkaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

L'Éternel parla à Moïse, et dit:

18 R eer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Dalka aan idin geeynayo markaad gaadhaan,

Parle aux enfants d'Israël, et dis-leur: Quand vous serez arrivés dans le pays où je vous ferai entrer,

19 o o aad dalka cuntadiisa cuntaan waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan sare loo qaado.

et que vous mangerez du pain de ce pays, vous prélèverez une offrande pour l'Éternel.

20 C ajiinkiinna ugu horreeya waa inaad ka bixisaan moofo ah qurbaan sare loo qaado, oo waa inaad taas sare u qaaddaan sidaad sare ugu qaaddaan qurbaanka hadhuudhka ee laga qaado meesha hadhuudhka lagu tumo.

Vous présenterez par élévation un gâteau, les prémices de votre pâte; vous le présenterez comme l'offrande qu'on prélève de l'aire.

21 O o cajiinkiinna ugu horreeya waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado tan iyo ab ka ab. Qurbaankii Dembiga Kama'a Ah

Vous prélèverez pour l'Éternel une offrande des prémices de votre pâte, dans les temps à venir.

22 O o markaad qaldantaan oo aydaan wada xajin amarradan oo dhan oo uu Rabbigu Muuse kula hadlay,

Si vous péchez involontairement, en n'observant pas tous ces commandements que l'Éternel a fait connaître à Moïse,

23 x ataa wixii uu Rabbigu Muuse idinkaga amray oo dhan tan iyo maalintii Rabbigu amarka bixiyey ilaa tan iyo ab ka ab,

tout ce que l'Éternel vous a ordonné par Moïse, depuis le jour où l'Éternel a donné des commandements et plus tard dans les temps à venir;

24 m arkaas haddii qaladkii kama' loo sameeyey iyadoo aan shirku ogayn, shirka oo dhammu waa inay qurbaan la gubo aawadiis dibi yar Rabbiga ugu bixiyaan caraf udgoon, isaga iyo qurbaankiisii hadhuudhka, iyo qurbaankiisii cabniinka, iyo orgi ah qurbaanka dembiga, oo ha loo bixiyo sida qaynuunku leeyahay.

si l'on a péché involontairement, sans que l'assemblée s'en soit aperçue, toute l'assemblée offrira un jeune taureau en holocauste d'une agréable odeur à l'Éternel, avec l'offrande et la libation, d'après les règles établies; elle offrira encore un bouc en sacrifice d'expiation.

25 O o shirka reer binu Israa'iil oo dhan waa in wadaadku u kafaaro gudaa, oo markaas iyaga waa la cafiyayaa, maxaa yeelay, waxay ahayd qalad kama' loo sameeyey, oo iyana waxay qaladkoodii u keeneen qurbaankoodii kaas oo ahaa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga, iyo qurbaankii dembigooda Rabbiga hortiisa loogu bixiyey.

Le sacrificateur fera l'expiation pour toute l'assemblée des enfants d'Israël, et il leur sera pardonné; car ils ont péché involontairement, et ils ont apporté leur offrande, un sacrifice consumé par le feu en l'honneur de l'Éternel et une victime expiatoire devant l'Éternel, à cause du péché qu'ils ont involontairement commis.

26 O o shirka reer binu Israa'iil oo dhan iyo shisheeyaha iyaga dhex degganba waa la cafiyi doonaa, waayo, qaladkaas dadka oo dhammu kama' bay u sameeyeen.

Il sera pardonné à toute l'assemblée des enfants d'Israël et à l'étranger en séjour au milieu d'eux, car c'est involontairement que tout le peuple a péché.

27 O o haddii qof keliya kama' u dembaabo, isagu waa inuu qurbaanka dembiga u bixiyaa ceesaan gu jir ah.

Si c'est une seule personne qui a péché involontairement, elle offrira une chèvre d'un an en sacrifice pour le péché.

28 O o qofkii qaldamay waa in wadaadku u kafaaro gudaa naftiisa markuu qofkaas kama' ugu dembaabo Rabbiga hortiisa, si uu isaga u kafaaro gudo, oo markaas isaga waa la cafiyi doonaa.

Le sacrificateur fera l'expiation pour la personne qui a péché involontairement devant l'Éternel: quand il aura fait l'expiation pour elle, il lui sera pardonné.

29 W aa inaad isku sharci keliya u yeeshaan kii kama' u qaldama ha ahaadee waddanigii reer binu Israa'iil ku dhex dhashay ama shisheeyihii iyaga dhex degganba.

Pour l'indigène parmi les enfants d'Israël et pour l'étranger en séjour au milieu d'eux, il y aura pour vous une même loi, quand on péchera involontairement.

30 L aakiinse qofkii gacan kibir leh gaf ku sameeyaa hadduu waddani yahay iyo hadduu shisheeye yahayba kaasu wuxuu caayay Rabbiga, oo qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

Mais si quelqu'un, indigène ou étranger, agit la main levée, il outrage l'Éternel; celui-là sera retranché du milieu de son peuple.

31 Q ofkaas dhammaantiis waa in laga gooyaa, oo dembigiisuna waa inuu korkiisa saarnaadaa, maxaa yeelay, isagu Rabbiga ereygiisuu quudhsaday, oo amarkiisiina wuu jebiyey. Diliddii Qofkii Jebiyey Sharciga Sabtida

Il a méprisé la parole de l'Éternel, et il a violé son commandement: celui-là sera retranché, il portera la peine de son iniquité.

32 O o intii reer binu Israa'iil cidladii joogeen, waxay heleen nin maalintii sabtida qoryo guranaya.

Comme les enfants d'Israël étaient dans le désert, on trouva un homme qui ramassait du bois le jour du sabbat.

33 O o kuwii helay isagoo qoryo guranaya waxay u keeneen Muuse iyo Haaruun iyo shirkii oo dhan.

Ceux qui l'avaient trouvé ramassant du bois l'amenèrent à Moïse, à Aaron, et à toute l'assemblée.

34 O o markaasay xidheen, maxaa yeelay, waxa isaga lagu samayn lahaa ayaan weli la caddayn.

On le mit en prison, car ce qu'on devait lui faire n'avait pas été déclaré.

35 M arkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ninka hubaal waa in la dilaa, oo shirka oo dhammu waa inay isaga xerada dibaddeeda ku dhagxiyaan.

L'Éternel dit à Moïse: Cet homme sera puni de mort, toute l'assemblée le lapidera hors du camp.

36 M arkaasaa shirkii oo dhammu waxay isagii keeneen xerada dibaddeedii, kolkaasay dhagxiyeen oo wuu dhintay, sidii Rabbigu Muuse ku amray. Farqintii Darfaha Dharka

Toute l'assemblée le fit sortir du camp et le lapida, et il mourut, comme l'Éternel l'avait ordonné à Moïse.

37 K olkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

L'Éternel dit à Moïse:

38 R eer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad iyaga ku amartaa inay iyagu ab ka ab farqiyaan darfaha dharkooda, iyo inay faraqa daraf kasta u yeelaan xadhig buluug ah.

Parle aux enfants d'Israël, et dis-leur qu'ils se fassent, de génération en génération, une frange au bord de leurs vêtements, et qu'ils mettent un cordon bleu sur cette frange du bord de leurs vêtements.

39 O o wuxuu idiin noqonayaa faraq aad fiirsataan oo aad Rabbiga amarradiisii oo dhan ku xusuusataan inaad samaysaan, si aydaan u raacin qalbigiinna iyo indhihiinna aad daacadnimola'aan ku raaci jirteen,

Quand vous aurez cette frange, vous la regarderez, et vous vous souviendrez de tous les commandements de l'Éternel pour les mettre en pratique, et vous ne suivrez pas les désirs de vos coeurs et de vos yeux pour vous laisser entraîner à l'infidélité.

40 l aakiinse aad xusuusataan oo aad samaysaan amarradayda oo dhan, oo aad quduus uu ahaataan Ilaahiinna.

Vous vous souviendrez ainsi de mes commandements, vous les mettrez en pratique, et vous serez saints pour votre Dieu.

41 A nigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo dalkii Masar idiinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado. Aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

Je suis l'Éternel, votre Dieu, qui vous ai fait sortir du pays d'Égypte, pour être votre Dieu. Je suis l'Éternel, votre Dieu.