Ishacyaah 20 ~ Ésaïe 20

picture

1 S annaddii Sargoon oo ahaa boqorkii Ashuur uu Tartaan Ashdood u diray, oo uu tegey, oo la diriray oo qabsaday Ashdood,

L'année où Tharthan, envoyé par Sargon, roi d'Assyrie, vint assiéger Asdod et s'en empara,

2 a yaa Rabbigu Ishacyaah ina Aamoos la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Tag, oo dharka joonyadda ah dhexdaada ka fur, oo kabahaagana iska siib. Oo isna saasuu yeelay, oo wuxuu socday isagoo qaawan oo caga cad.

en ce temps-là l'Éternel adressa la parole à Ésaïe, fils d'Amots, et lui dit: Va, détache le sac de tes reins et ôte tes souliers de tes pieds. Il fit ainsi, marcha nu et déchaussé.

3 M arkaasaa Rabbigu wuxuu yidhi, Sidii addoonkaygii Ishacyaah saddex sannadood qaawanaan iyo cago caddaan uu ugu socday inuu calaamad iyo yaab Masar iyo Itoobiyaba u ahaado

Et l'Éternel dit: De même que mon serviteur Ésaïe marche nu et déchaussé, ce qui sera dans trois ans un signe et un présage pour l'Égypte et pour l'Éthiopie,

4 a yaa boqorka Ashuur kaxaysan doonaa maxaabiista Masar iyo masaafurisyada Itoobiya, yar iyo weynba, iyagoo qaaqaawan oo wada cagacad, oo badhidoodu muuqato, si uu Masriyiinta u ceebeeyo aawadeed.

de même le roi d'Assyrie emmènera de l'Égypte et de l'Éthiopie captifs et exilés les jeunes hommes et les vieillards, nus et déchaussés, et le dos découvert, à la honte de l'Égypte.

5 M arkaasaa la nixi doonaa oo la ceeboobi doonaa Itoobiya oo rajadoodii ahayd aawadeed iyo Masar oo sharaftoodii ahayd aawadeed.

Alors on sera dans l'effroi et dans la confusion, à cause de l'Éthiopie en qui l'on avait mis sa confiance, et de l'Égypte dont on se glorifiait.

6 O o kuwa xeebta degganu waxay wakhtigaas odhan doonaan, Bal eega wixii ku dhacay kuwii aan isku hallaynaynay oo aan caawimaad ugu cararaynay inay boqorka Ashuur naga samatabbixiyaan Oo bal annagu sidee baannu u baxsanaynaa?

Et les habitants de cette côte diront en ce jour: Voilà ce qu'est devenu l'objet de notre attente, sur lequel nous avions compté pour être secourus, pour être délivrés du roi d'Assyrie! Comment échapperons-nous?