Muujintii 20 ~ Apocalypse 20

picture

1 O o markaasaan arkay malaa'ig samada ka degaysa, oo waxay gacanta ku haysatay furihii yamayska iyo silsilad weyn.

Puis je vis descendre du ciel un ange, qui avait la clef de l'abîme et une grande chaîne dans sa main.

2 O o markaasay qabsatay masduulaagii ahaa maska duqa ah, kaasoo ah Ibliiska iyo Shayddaanka, oo intii kun sannadood ah ayay xidhay,

Il saisit le dragon, le serpent ancien, qui est le diable et Satan, et il le lia pour mille ans.

3 o o waxay ku ridday yamayskii, markaasay xidhay oo shaabad ku awday inaanu quruumaha mar dambe khiyaanayn ilamaa kunka sannadood ay dhammaadaan; oo taas ka dib waa in isaga la furo wakhti yar.

Il le jeta dans l'abîme, ferma et scella l'entrée au-dessus de lui, afin qu'il ne séduisît plus les nations, jusqu'à ce que les mille ans fussent accomplis. Après cela, il faut qu'il soit délié pour un peu de temps.

4 O o markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen.

Et je vis des trônes; et à ceux qui s'y assirent fut donné le pouvoir de juger. Et je vis les âmes de ceux qui avaient été décapités à cause du témoignage de Jésus et à cause de la parole de Dieu, et de ceux qui n'avaient pas adoré la bête ni son image, et qui n'avaient pas reçu la marque sur leur front et sur leur main. Ils revinrent à la vie, et ils régnèrent avec Christ pendant mille ans.

5 O o dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad.

Les autres morts ne revinrent point à la vie jusqu'à ce que les mille ans fussent accomplis. C'est la première résurrection.

6 W axaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood. Furniinka Shayddaanka Iyo Dagaalka Ugu Dambeeya

Heureux et saints ceux qui ont part à la première résurrection! La seconde mort n'a point de pouvoir sur eux; mais ils seront sacrificateurs de Dieu et de Christ, et ils régneront avec lui pendant mille ans.

7 O o markii kunkii sannadood ay dhammaadaan ayaa Shayddaanka laga furi doonaa xabsigii lagu xabbisay,

Quand les mille ans seront accomplis, Satan sera relâché de sa prison.

8 o o wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.

Et il sortira pour séduire les nations qui sont aux quatre coins de la terre, Gog et Magog, afin de les rassembler pour la guerre; leur nombre est comme le sable de la mer.

9 O o waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.

Et ils montèrent sur la surface de la terre, et ils investirent le camp des saints et la ville bien-aimée. Mais un feu descendit du ciel, et les dévora.

10 O o Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba. Sarakicidda Kuwii Dhintay Iyo Xukunka Ugu Dambeeya

Et le diable, qui les séduisait, fut jeté dans l'étang de feu et de soufre, où sont la bête et le faux prophète. Et ils seront tourmentés jour et nuit, aux siècles des siècles.

11 O o markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.

Puis je vis un grand trône blanc, et celui qui était assis dessus. La terre et le ciel s'enfuirent devant sa face, et il ne fut plus trouvé de place pour eux.

12 O o markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.

Et je vis les morts, les grands et les petits, qui se tenaient devant le trône. Des livres furent ouverts. Et un autre livre fut ouvert, celui qui est le livre de vie. Et les morts furent jugés selon leurs oeuvres, d'après ce qui était écrit dans ces livres.

13 M arkaasaa baddii waxay sii daysay kuwii dhintay oo dhexdeedii ku jiray; oo dhimashadii iyo Haadeesna waxay sii daayeen kuwii dhintay oo dhexdoodii ku jiray; markaasaa iyagii waxaa laga xukumay nin walba sidii shuqulladiisu ahaayeen.

La mer rendit les morts qui étaient en elle, la mort et le séjour des morts rendirent les morts qui étaient en eux; et chacun fut jugé selon ses oeuvres.

14 O o dhimashadii iyo Haadeesba waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd. Oo taasu waa dhimashadii labaad oo ah badda dabka ah.

Et la mort et le séjour des morts furent jetés dans l'étang de feu. C'est la seconde mort, l'étang de feu.

15 O o ku alla kii aan kitaabkii nolosha laga helin isagoo ku qoran, waxaa lagu tuuray baddii dabka ahayd.

Quiconque ne fut pas trouvé écrit dans le livre de vie fut jeté dans l'étang de feu.