Yexesqeel 48 ~ Ézéchiel 48

picture

1 H addana kuwanu waa magacyadii qabiilooyinka. Xagga woqooyi tan iyo jidka Xetlon agtiisa iyo ilaa meesha Xamaad laga galo, iyo Xasar Eenaan iyo ilaa soohdinta Dimishaq xaggeeda woqooyi iyo ilaa xagga Xamaad, kuwaas oo ah dhinacyada bari iyo galbeed, waxaa jiri doonta qaybta reer Daan.

Voici les noms des tribus. Depuis l'extrémité septentrionale, le long du chemin de Hethlon à Hamath, Hatsar Énon, la frontière de Damas au nord vers Hamath, de l'orient à l'occident: Dan, une tribu.

2 O o waxaa soohdinta reer Daan dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Aasheer.

Sur la limite de Dan, de l'orient à l'occident: Aser, une tribu.

3 O o waxaa soohdinta reer Aasheer dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Naftaali.

Sur la limite d'Aser, de l'orient à l'occident: Nephthali, une tribu.

4 O o waxaa soohdinta reer Naftaali dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Manaseh.

Sur la limite de Nephthali, de l'orient à l'occident: Manassé, une tribu.

5 O o waxaa soohdinta reer Manaseh dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Efrayim.

Sur la limite de Manassé, de l'orient à l'occident: Éphraïm, une tribu.

6 O o waxaa soohdinta reer Efrayim dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Ruubeen.

Sur la limite d'Éphraïm, de l'orient à l'occident: Ruben, une tribu.

7 O o waxaa soohdinta reer Ruubeen dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Yahuudah.

Sur la limite de Ruben, de l'orient à l'occident: Juda, une tribu.

8 O o soohdinta reer Yahuudah dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeedna waxaa ku xigi doonta meeshaad qurbaan ahaan u bixinaysaan oo ballaadhkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna ula mid yahay sida qaybaha kale middood tan iyo dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed inta ka dhex leh, oo meesha quduuska ahuna waxay ku oolli doontaa meeshaas dhexdeeda.

Sur la frontière de Juda, de l'orient à l'occident, sera la portion que vous prélèverez, large de vingt-cinq mille cannes et longue comme l'une des parts de l'orient à l'occident; et le sanctuaire sera au milieu.

9 O o meesha aad Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixinaysaan dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna toban kun.

La portion que vous prélèverez pour l'Éternel aura vingt-cinq mille cannes de longueur et dix mille de largeur.

10 O o meeshaas ah qurbaanka quduuska ah waxaa iska lahaan doona wadaaddada. Dhankeeda woqooyi dhererkiisu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo dhankeeda galbeed ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda bari ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda koonfureed dhererkiisuna shan iyo labaatan kun, oo meesha quduuska ah ee Rabbiguna waa inay dhexdeeda ku taallaa.

C'est aux sacrificateurs qu'appartiendra cette portion sainte: vingt-cinq mille cannes au septentrion, dix mille en largeur à l'occident, dix mille en largeur à l'orient, et vingt-cinq mille en longueur au midi; et le sanctuaire de l'Éternel sera au milieu.

11 O o meeshaas waxaa iska lahaan doona wadaaddada quduuska laga dhigay ee reer Saadooq oo adeegiddaydii xajiyey oo aan u baadiyoobin sidii ay reer Laawi u baadiyoobeen markay reer Israa'iil baadiyoobeen.

Elle appartiendra aux sacrificateurs consacrés, aux fils de Tsadok, qui ont fait le service de mon sanctuaire, qui ne se sont point égarés, lorsque les enfants d'Israël s'égaraient, comme s'égaraient les Lévites.

12 O o meeshaasu waxay iyaga u ahaan doontaa dal qurbaan ah oo ka mid ah dhulka qurbaan ahaan loo bixiyey, oo soohdinta reer Laawi ku xigta.

Elle leur appartiendra comme portion très sainte, prélevée sur la portion du pays qui aura été prélevée, à côté de la limite des Lévites.

13 O o meel soohdinta wadaaddada ku xigtana waxay reer Laawi ku lahaan doonaan dhul dhererkiisu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay toban kun, oo dhererka oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo ballaadhkuna waa inuu ahaadaa toban kun.

Les Lévites auront, parallèlement à la limite des sacrificateurs, vingt-cinq mille cannes en longueur et dix mille en largeur, vingt-cinq mille pour toute la longueur et dix mille pour la largeur.

14 O o iyagu waa inayan innaba iibsan, ama ayan beddelan, ama ayan dalka midhihiisa hore innaba shisheeye u gudbin, waayo, dhulkaasu Rabbiguu quduus u yahay.

Ils n'en pourront rien vendre ni échanger; et les prémices du pays ne seront point aliénées, car elles sont consacrées à l'Éternel.

15 O o shanta kun oo ka hadhay ballaadhka ah shan iyo labaatanka kun waxay ahaan doontaa meel dadka ka dhexaysa oo ah magaalada la dego iyo agagaarkeeda, oo magaaladuna waa inay ku dhex taallaa.

Les cinq mille cannes qui resteront en largeur sur les vingt-cinq mille seront destinées à la ville, pour les habitations et la banlieue; et la ville sera au milieu.

16 O o kuwanuna waa inay qiyaasteeda ahaadaan: dhanka woqooyi waa inuu ahaadaa afar kun iyo shan boqol, dhanka koonfureedna afar kun iyo shan boqol, dhanka barina afar kun iyo shan boqol, dhanka galbeedna afar kun iyo shan boqol.

En voici les mesures: du côté septentrional quatre mille cinq cents, du côté méridional quatre mille cinq cents, du côté oriental quatre mille cinq cents, et du côté occidental quatre mille cinq cents.

17 O o magaalada agagaarkeeduna xagga woqooyi waa inuu ahaadaa laba boqol iyo konton, xagga koonfureedna laba boqol iyo konton, xagga barina laba boqol iyo konton, xagga galbeedna laba boqol iyo konton.

La ville aura une banlieue de deux cent cinquante au nord, de deux cent cinquante au midi, de deux cent cinquante à l'orient, et de deux cent

18 O o dhererka ka hadhay oo ku xiga dalka qurbaanka ee quduuska ah dhankiisa bari waa inuu ahaadaa toban kun, oo dhankiisa galbeedna waa inuu ahaadaa toban kun, oo waa inuu ku xigaa dalka qurbaanka ee quduuska ah; oo waxa dhulkaas ka baxaana cunto bay u ahaan doonaan kuwa magaalada ku hawshooda.

Le reste sur la longueur, parallèlement à la portion sainte, dix mille à l'orient et dix mille à l'occident, parallèlement à la portion sainte, formera les revenus destinés à l'entretien de ceux qui travailleront pour la ville.

19 O o dhulkaas waxaa beeri doona kuwa magaalada ku hawshooda ee qabiilooyinka reer binu Israa'iil ka soo baxa oo dhan.

Le sol en sera cultivé par ceux de toutes les tribus d'Israël qui travailleront pour la ville.

20 O o dhulka qurbaanka ah oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo dherer ah iyo shan iyo labaatan kun oo ballaadh ah. Dalka qurbaanka ee quduuska ah oo aad bixinaysaan waa inuu ahaadaa afar gees iyadoo hantida magaaladu ku taal.

Toute la portion prélevée sera de vingt-cinq mille cannes en longueur sur vingt-cinq mille en largeur; vous en séparerez un carré pour la propriété de la ville.

21 O o inta hadhana waxaa iska lahaan doona amiirka, dhinacan iyo dhinacaas oo dalka qurbaanka ee quduuska ah, iyo meesha ay magaaladu ku taalloba, oo ka soo hor jeedda shan iyo labaatanka kun oo dalka qurbaanka ah oo xagga soohdinta bari, iyo dhanka galbeed oo ka soo hor jeeda shan iyo labaatanka kun oo xagga soohdinta galbeed, oo ku xiga qaybaha. Oo intaas waxaa lahaan doona amiirka, oo dalka qurbaanka ee quduuska ah iyo meesha quduuska ah ee daartana waa inay ku dhex yaallaan.

Ce qui restera sera pour le prince, aux deux côtés de la portion sainte et de la propriété de la ville, le long des vingt-cinq mille cannes de la portion sainte jusqu'à la limite de l'orient, et à l'occident le long des vingt-cinq mille cannes vers la limite de l'occident, parallèlement aux parts. C'est là ce qui appartiendra au prince; et la portion sainte et le sanctuaire de la maison seront au milieu.

22 O o weliba xagga hantida reer Laawi iyo xagga hantida magaalada oo ku dhex yaal meesha amiirka oo u dhaxaysa soohdinta reer Yahuudah iyo soohdinta reer Benyaamiinba waxaa iska lahaan doona amiirka.

Ainsi ce qui appartiendra au prince sera l'espace compris depuis la propriété des Lévites et depuis la propriété de la ville; ce qui sera entre la limite de Juda et la limite de Benjamin appartiendra au prince.

23 O o qabiilooyinka kale oo hadhana tan iyo dhanka bari iyo ilaa dhanka galbeed reer Benyaamiin waa inay qayb ka helaan.

Voici les autres tribus. De l'orient à l'occident: Benjamin, une tribu.

24 O o waxaa soohdinta reer Benyaamiin dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Simecoon.

Sur la limite de Benjamin, de l'orient à l'occident: Siméon, une tribu.

25 O o waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar.

Sur la limite de Siméon, de l'orient à l'occident: Issacar, une tribu.

26 O o waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.

Sur la limite d'Issacar, de l'orient à l'occident: Zabulon, une tribu.

27 O o waxaa soohdinta reer Sebulun dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Gaad.

Sur la limite de Zabulon, de l'orient à l'occident: Gad, une tribu.

28 O o xagga soohdinta reer Gaadna dhankeeda koonfureed soohdintu waa inay ahaataa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn.

Sur la limite de Gad, du côté méridional, au midi, la frontière ira depuis Thamar, jusqu'aux eaux de Meriba à Kadès, jusqu'au torrent vers la grande mer.

29 K aasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. Irdaha Magaalada

Tel est le pays que vous diviserez en héritages par le sort pour les tribus d'Israël et telles sont leurs parts, dit le Seigneur, l'Éternel.

30 O o kuwanuna waa meelaha magaalada laga baxo, xagga dhanka woqooyi waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur.

Voici les issues de la ville. Du côté septentrional quatre mille cinq cents cannes.

31 O o magaalada irdaheedana waa in lagu magacaabaa qabiilooyinka reer binu Israa'iil magacyadooda. Saddexda irdood oo xagga woqooyi irid waa in reer Ruubeen lagu magacaabaa, iridna reer Yahuudah, iridna reer Laawi.

et les portes de la ville d'après les noms des tribus d'Israël, trois portes au nord: la porte de Ruben, une, la porte de Juda, une, la porte de Lévi, une.

32 O o xagga dhanka barina waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo xagga barina irid waa in reer Yuusuf lagu magacaabaa, iridna reer Benyaamiin, iridna reer Daan.

Du côté oriental quatre mille cinq cents cannes, et trois portes: la porte de Joseph, une, la porte de Benjamin, une, la porte de Dan, une.

33 O o xagga dhanka koonfureedna qiyaastiisu waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo dhanka koonfureed irid waa in reer Simecoon lagu magacaabaa, iridna reer Isaakaar, iridna reer Sebulun.

Du côté méridional quatre mille cinq cents cannes, et trois portes: la porte de Siméon, une, la porte d'Issacar, une, la porte de Zabulon, une.

34 O o xagga dhanka galbeedna waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddex irdood leh, oo irid waa in reer Gaad lagu magacaabaa, iridna reer Aasheer, iridna reer Naftaali.

Du côté occidental quatre mille cinq cents cannes, et trois portes: la porte de Gad, une, la porte d'Aser, une, la porte de Nephthali, une.

35 O o magaalada wareeggeeduna wuxuu ahaan doonaa siddeed iyo toban kun oo cawsduur, oo maalintaas intii laga bilaabona magaalada magaceedu wuxuu ahaan doonaa, Rabbigaa halkaas jooga.

Circuit: dix-huit mille cannes. Et, dès ce jour, le nom de la ville sera: l'Éternel est ici.