Gabaygii Sulaymaan 4 ~ Cantique des Cantiques 4

picture

1 T aan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale oo indhashareertaada ku qarsoon. Timahaaguna waa sida riyo Buur Gilecaad ka muuqda.

Que tu es belle, mon amie, que tu es belle! Tes yeux sont des colombes, Derrière ton voile. Tes cheveux sont comme un troupeau de chèvres, Suspendues aux flancs de la montagne de Galaad.

2 I lkahaaguna waa sida laxo loo xiiray, Oo ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay, Oo middood kastaaba mataano dhashay, Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.

Tes dents sont comme un troupeau de brebis tondues, Qui remontent de l'abreuvoir; Toutes portent des jumeaux, Aucune d'elles n'est stérile.

3 B ushimahaagu waa sida dun guduudan, Oo afkaaguna waa qurxoon yahay, Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.

Tes lèvres sont comme un fil cramoisi, Et ta bouche est charmante; Ta joue est comme une moitié de grenade, Derrière ton voile.

4 Q oortaaduna waa sida munaaraddii Daa'uud oo loo dhisay inay ahaato meel hubka dagaalka la dhigto, Oo ay sudhan yihiin kun gaashaan, Oo ah gaashaammadii ragga xoogga badan oo dhan.

Ton cou est comme la tour de David, Bâtie pour être un arsenal; Mille boucliers y sont suspendus, Tous les boucliers des héros.

5 O o labadaada naasna waa sida laba gibin oo mataano ah oo cawl dhashay. Oo ubaxshooshannada dhexdooda daaqaya.

Tes deux seins sont comme deux faons, Comme les jumeaux d'une gazelle, Qui paissent au milieu des lis.

6 I laa waagu baryo, oo hoosku baabbo'o, Waxaan u kici doonaa buurta malmalka, Iyo kurta fooxa.

Avant que le jour se rafraîchisse, Et que les ombres fuient, J'irai à la montagne de la myrrhe Et à la colline de l'encens.

7 T aan jeclahayay, adigu waad qurxoon tahay, Oo innaba iin ma lihid.

Tu es toute belle, mon amie, Et il n'y a point en toi de défaut.

8 A roosaddaydiiyey, Buur Lubnaan iga soo raac, Oo kaalay, Buur Lubnaan iga soo raac. Buur Amaanaah dhaladeeda wax ka fiiri, Oo Buur Seniir iyo Buur Xermoon dhaladooda wax ka fiiri, Oo wax ka soo fiiri boholaha libaaxyada, Iyo buuraha shabeelladaba.

Viens avec moi du Liban, ma fiancée, Viens avec moi du Liban! Regarde du sommet de l'Amana, Du sommet du Senir et de l'Hermon, Des tanières des lions, Des montagnes des léopards.

9 W alaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

Tu me ravis le coeur, ma soeur, ma fiancée, Tu me ravis le coeur par l'un de tes regards, Par l'un des colliers de ton cou.

10 W alaashayay, aroosaddaydiiyey, jacaylkaagu qurux badanaa! Oo jacaylkaagu intee buu khamri ka sii fiican yahay! Oo saliiddaada carafteeduna way ka fiican tahay dhirta udgoon oo dhan.

Que de charmes dans ton amour, ma soeur, ma fiancée! Comme ton amour vaut mieux que le vin, Et combien tes parfums sont plus suaves que tous les aromates!

11 A roosaddaydiiyey, bushimahaaga malab baa ka soo tiftifqaya, Oo carrabkaaga hoostiisana malab iyo caanaa ku jira. Oo dharkaaga caraftiisuna waa sida carafta Buur Lubnaan.

Tes lèvres distillent le miel, ma fiancée; Il y a sous ta langue du miel et du lait, Et l'odeur de tes vêtements est comme l'odeur du Liban.

12 W alaashayay, aroosaddaydiiyey, waxaad tahay sida beer la xidhay, Iyo ilbiyood la awday, iyo durdur la xidhay.

Tu es un jardin fermé, ma soeur, ma fiancée, Une source fermée, une fontaine scellée.

13 D hirtaadu waa beer ay ku dhex yaalliin rummaan, iyo dhir kale oo midho aad u wanaagsan, Iyo xinne iyo naaradiin,

Tes jets forment un jardin, où sont des grenadiers, Avec les fruits les plus excellents, Les troënes avec le nard;

14 N aaradiin iyo huruud, Iyo kalamus iyo qorfe, iyo dhir kasta oo foox dhasha, Iyo malmal iyo cuud iyo dhir udgoon oo fiican oo dhan.

Le nard et le safran, le roseau aromatique et le cinnamome, Avec tous les arbres qui donnent l'encens; La myrrhe et l'aloès, Avec tous les principaux aromates;

15 W axaad tahay ilbiyood beero waraabisa, Iyo ceel biyo nool leh, Iyo durdurro Buur Lubnaan ka soo qulqulaya. Gacalisada Hadlaysaa

Une fontaine des jardins, Une source d'eaux vives, Des ruisseaux du Liban.

16 D abaysha woqooyay, soo kac, oo tan koonfureeday, kaalay, Oo beertayda necaw ku afuufa si ay dhirteeda udgoonu uga soo carfaan, Gacaliyahaygu beertiisa ha soo galo oo midhaheeda wacan ha cuno.

Lève-toi, aquilon! viens, autan! Soufflez sur mon jardin, et que les parfums s'en exhalent! -Que mon bien-aimé entre dans son jardin, Et qu'il mange de ses fruits excellents! -