Yoo'eel 3 ~ Joël 3

picture

1 B al eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,

Car voici, en ces jours, en ce temps-là, Quand je ramènerai les captifs de Juda et de Jérusalem,

2 a yaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

Je rassemblerai toutes les nations, Et je les ferai descendre dans la vallée de Josaphat; Là, j'entrerai en jugement avec elles, Au sujet de mon peuple, d'Israël, mon héritage, Qu'elles ont dispersé parmi les nations, Et au sujet de mon pays qu'elles se sont partagé.

3 O o iyagu dadkaygii way u saami riteen, oo wiil bay dhillo kiro u siiyeen, oo gabadhna waxay ku iibiyeen khamri ay cabbaan.

Ils ont tiré mon peuple au sort; Ils ont donné le jeune garçon pour une prostituée, Ils ont vendu la jeune fille pour du vin, et ils ont bu.

4 H addaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa.

Que me voulez-vous, Tyr et Sidon, Et vous tous, districts des Philistins? Voulez-vous tirer vengeance de moi? Si vous voulez vous venger, Je ferai bien vite retomber votre vengeance sur vos têtes.

5 W axaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

Vous avez pris mon argent mon or; Et ce que j'avais de plus précieux et de plus beau, Vous l'avez emporté dans vos temples.

6 o o weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed.

Vous avez vendu les enfants de Juda et de Jérusalem aux enfants de Javan, Afin de les éloigner de leur territoire.

7 H addaba bal ogaada, iyagii waxaan ka soo kicin doonaa meeshii aad ka iibiseen, oo abaalgudkiinnana waxaan ku soo celin doonaa madaxiinna,

Voici, je les ferai revenir du lieu où vous les avez vendus, Et je ferai retomber votre vengeance sur vos têtes.

8 o o wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

Je vendrai vos fils et vos filles aux enfants de Juda, Et ils les vendront aux Sabéens, nation lointaine; Car l'Éternel a parlé.

9 H addaba quruumaha dhexdooda saas ka naadiya, Dagaal isu diyaariya, oo ragga xoogga badan oo dhan soo kiciya. Ragga dagaalyahanka ah oo dhammu ha soo dhowaadeen oo iyagu ha soo baxeen.

Publiez ces choses parmi les nations! Préparez la guerre! Réveillez les héros! Qu'ils s'approchent, qu'ils montent, Tous les hommes de guerre!

10 H addaba birtii marashiyadiinna seefo ka tunta, oo manjooyinkiinnana warmo ka tunta, oo kii itaal yaru ha yidhaahdo, Xoog baan leeyahay.

De vos hoyaux forgez des épées, Et de vos serpes des lances! Que le faible dise: Je suis fort!

11 Q uruumaha nagu wareegsan oo dhammow, kaalaya oo soo dhaqsada, oo dhammaantiin isa soo wada urursada. Rabbiyow, kuwaaga xoogga badan halkan u soo dir.

Hâtez-vous et venez, vous toutes, nations d'alentour, Et rassemblez-vous! Là, ô Éternel, fais descendre tes héros!

12 H addaba quruumuhu ha kaceen, oo ha yimaadeen dooxada Yehooshaafaad, waayo, halkaasaan u fadhiisan doonaa inaan xukumo quruumaha hareeraha ku wareegsan oo dhan.

Que les nations se réveillent, et qu'elles montent Vers la vallée de Josaphat! Car là je siégerai pour juger toutes les nations d'alentour.

13 W axa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay.

Saisissez la faucille, Car la moisson est mûre! Venez, foulez, Car le pressoir est plein, Les cuves regorgent! Car grande est leur méchanceté,

14 D ad badan oo badan ayaa ku jira dooxada xukunka la gooyay, waayo, maalintii Rabbigu way ku soo dhow dahay dooxada xukunka.

C'est une multitude, une multitude, Dans la vallée du jugement; Car le jour de l'Éternel est proche, Dans la vallée du jugement.

15 Q orraxdii iyo dayaxii way madoobaadeen, oo xiddigihiina iftiinkoodii way ceshadeen.

Le soleil et la lune s'obscurcissent, Et les étoiles retirent leur éclat.

16 R abbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu kaga hadli doonaa Yeruusaalem, oo kolkaasay samooyinka iyo dhulkuba gariiri doonaan, laakiinse Rabbigu wuxuu dadkiisa u ahaan doonaa magangal, oo reer binu Israa'iilna wuxuu u ahaan doonaa qalcad adag. Barakaynta Dadka Ilaah

De Sion l'Éternel rugit, De Jérusalem il fait entendre sa voix; Les cieux et la terre sont ébranlés. Mais l'Éternel est un refuge pour son peuple, Un abri pour les enfants d'Israël.

17 O o sidaasaad ku ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, oo aan deggan ahay Siyoon oo ah buurtayda quduuska ah, oo markaasay Yeruusaalem quduus noqon doontaa, oo shisheeyayaal dambena iyada ma dhex mari doonaan innaba.

Et vous saurez que je suis l'Éternel, votre Dieu, Résidant à Sion, ma sainte montagne. Jérusalem sera sainte, Et les étrangers n'y passeront plus.

18 O o wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo kurahana caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.

En ce temps-là, le moût ruissellera des montagnes, Le lait coulera des collines, Et il y aura de l'eau dans tous les torrents de Juda; Une source sortira aussi de la maison de l'Éternel, Et arrosera la vallée de Sittim.

19 D ulmigii dadka Yahuudah lagu sameeyey aawadeed ayaa dalka Masar cidlo noqon doonaa, oo dalka reer Edomna wuxuu ahaan doonaa lamadegaan abaar ah, maxaa yeelay, iyagu dhiig aan xaq qabin ayay dalkooda ku dhex daadiyeen.

L'Égypte sera dévastée, Édom sera réduit en désert, A cause des violences contre les enfants de Juda, Dont ils ont répandu le sang innocent dans leur pays.

20 L aakiinse dadka Yahuudah weligiis wuu jiri doonaa, oo Yeruusaalemna way raagi doontaa ab ka ab.

Mais Juda sera toujours habité, Et Jérusalem, de génération en génération.

21 O o waxaan u aari doonaa dhiiggoodii aanan hore ugu aarin, waayo, Rabbigu Buur Siyoon buu deggan yahay.

Je vengerai leur sang que je n'ai point encore vengé, Et L'Éternel résidera dans Sion.