Baxniintii 29 ~ Exode 29

picture

1 O o waxyaalahan waa waxa aad ku samayso iyaga inaad quduus ka dhigtid inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada; waxaad wadataa dibi yar iyo laba wan oo aan iin lahayn,

Voici ce que tu feras pour les sanctifier, afin qu'ils soient à mon service dans le sacerdoce. Prends un jeune taureau et deux béliers sans défaut.

2 i yo kibis aan khamiir lahayn, iyo moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, oo waxaad ka samaysaa bur wanaagsan oo sarreen ah.

Fais, avec de la fleur de farine de froment, des pains sans levain, des gâteaux sans levain pétris à l'huile, et des galettes sans levain arrosées d'huile.

3 O o waa inaad isku dambiil ku riddaa oo dambiisha ku keentaa, adigoo wada dibigii iyo labadii wan.

Tu les mettras dans une corbeille, en offrant le jeune taureau et les deux béliers.

4 O o Haaruun iyo wiilashiisa waa inaad ilaa iridda teendhada shirka keentaa, oo waa inaad biyo ugu maydhaa.

Tu feras avancer Aaron et ses fils vers l'entrée de la tente d'assignation, et tu les laveras avec de l'eau.

5 O o waxaad qaadataa dharkii, oo waxaad Haaruun u gelisaa jubbadda, iyo khamiiska eefodka, iyo eefodka, iyo laabgashiga, oo dhexdana waxaad ugu xidhaa dhex-xidhka daabaca leh oo eefodka;

Tu prendras les vêtements; tu revêtiras Aaron de la tunique, de la robe de l'éphod, de l'éphod et du pectoral, et tu mettras sur lui la ceinture de l'éphod.

6 o o duubkana waa inaad madaxiisa saartaa, oo taajka quduuska ahna duubka saar.

Tu poseras la tiare sur sa tête, et tu placeras le diadème de sainteté sur la tiare.

7 O o markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo madaxiisa ku shub, oo ugu subag isaga.

Tu prendras l'huile d'onction, tu en répandras sur sa tête, et tu l'oindras.

8 O o waxaad soo kaxaysaa wiilashiisa oo iyagana jubbado u geli.

Tu feras approcher ses fils, et tu les revêtiras des tuniques.

9 O o dhex-xidho ugu xidh, duubabna u duub Haaruun iyo wiilashiisaba; oo qaynuun weligiis ah ayay hawsha wadaadnimada ku lahaan doonaan, oo Haaruun iyo wiilashiisaba waa inaad quduus ka dhigtaa.

Tu mettras une ceinture à Aaron et à ses fils, et tu attacheras des bonnets aux fils d'Aaron. Le sacerdoce leur appartiendra par une loi perpétuelle. Tu consacreras donc Aaron et ses fils.

10 O o dibiga waxaad keentaa teendhada shirka horteeda, Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen dibiga madaxiisa.

Tu amèneras le taureau devant la tente d'assignation, et Aaron et ses fils poseront leurs mains sur la tête du taureau.

11 O o dibiga waxaad ku qashaa Rabbiga hortiisa xagga iridda teendhada shirka.

Tu égorgeras le taureau devant l'Éternel, à l'entrée de la tente d'assignation.

12 O o waxaad qaaddaa dibiga dhiiggiisa, oo fartaada ku mari meesha allabariga geesaheeda; oo dhiigga oo dhan waxaad ku qubtaa meesha allabariga hoosteeda.

Tu prendras du sang du taureau, tu en mettras avec ton doigt sur les cornes de l'autel, et tu répandras tout le sang au pied de l'autel.

13 O o waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub.

Tu prendras toute la graisse qui couvre les entrailles, le grand lobe du foie, les deux rognons et la graisse qui les entoure, et tu brûleras cela sur l'autel.

14 L aakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey.

Mais tu brûleras au feu hors du camp la chair du taureau, sa peau et ses excréments: c'est un sacrifice pour le péché.

15 O o haddana waxaad qaaddaa wan; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

Tu prendras l'un des béliers, et Aaron et ses fils poseront leurs mains sur la tête du bélier.

16 O o markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad ku dul rushaysaa meesha allabariga.

Tu égorgeras le bélier; tu en prendras le sang, et tu le répandras sur l'autel tout autour.

17 O o markaas waa inaad wanka kala googooysaa, oo waxaad maydhaa uurkujirtiisa iyo lugihiisa, oo meel la dhig googo'iisa iyo madaxiisaba.

Tu couperas le bélier par morceaux, et tu laveras les entrailles et les jambes, que tu mettras sur les morceaux et sur sa tête.

18 O o wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga.

Tu brûleras tout le bélier sur l'autel; c'est un holocauste à l'Éternel, c'est un sacrifice consumé par le feu, d'une agréable odeur à l'Éternel.

19 O o haddana waxaad qaaddaa wanka kale; oo Haaruun iyo wiilashiisuna gacmaha ha dul saareen wanka madaxiisa.

Tu prendras l'autre bélier, et Aaron et ses fils poseront leurs mains sur la tête du bélier.

20 O o markaas waa inaad wanka gowracdaa, oo dhiiggiisa intaad qaadatid waxaad marisaa dhegta midig oo Haaruun caaraddeeda, iyo dhegta midig oo wiilashiisa caaraddeeda, iyo suulka gacantooda midig, iyo suulka cagtooda midig, oo haddana waxaad dhiigga ku dul rushaysaa meesha allabariga.

Tu égorgeras le bélier; tu prendras de son sang, tu en mettras sur le lobe de l'oreille droite d'Aaron et sur le lobe de l'oreille droite de ses fils, sur le pouce de leur main droite et sur le gros orteil de leur pied droit, et tu répandras le sang sur l'autel tout autour.

21 O o waxaad qaaddaa dhiigga meesha allabariga ku dul yaal, iyo saliidda lagu subkado, oo waxaad ku rushaysaa Haaruun, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga; oo waa in quduus laga dhigaa isaga, iyo dharkiisa, iyo wiilashiisa, iyo dharkii wiilashiisa isaga la jooga.

Tu prendras du sang qui sera sur l'autel et de l'huile d'onction, et tu en feras l'aspersion sur Aaron et sur ses vêtements, sur ses fils et sur leurs vêtements. Ainsi seront consacrés Aaron et ses vêtements, ses fils et leurs vêtements.

22 O o waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda.

Tu prendras la graisse du bélier, la queue, la graisse qui couvre les entrailles, le grand lobe du foie, les deux rognons et la graisse qui les entoure, et l'épaule droite, car c'est un bélier de consécration;

23 O o dambiisha hor taal Rabbiga oo ay ku jirto kibista aan khamiirka lahaynu waxaad kala soo baxdaa xabbad kibis ah, iyo xabbad ah moofo saliid leh, iyo xabbad canjeero ah;

tu prendras aussi dans la corbeille de pains sans levain, placée devant l'Éternel, un gâteau de pain, un gâteau à l'huile et une galette.

24 o o kulligood waxaad saartaa gacmaha Haaruun, iyo gacmaha wiilashiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux inay ahaadaan qurbaanka la ruxruxo.

Tu mettras toutes ces choses sur les mains d'Aaron et sur les mains de ses fils, et tu les agiteras de côté et d'autre devant l'Éternel.

25 O o markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga.

Tu les ôteras ensuite de leurs mains, et tu les brûleras sur l'autel, par-dessus l'holocauste; c'est un sacrifice consumé par le feu devant l'Éternel, d'une agréable odeur à l'Éternel.

26 O o waxaad qaaddaa Haaruun wankiisa quduuskadhigidda sakaarkiisa, oo Rabbiga hortiisa ku ruxrux sidii qurbaanka la ruxruxo, oo wuxuuna noqon doonaa qaybtaada.

Tu prendras la poitrine du bélier qui aura servi à la consécration d'Aaron, et tu l'agiteras de côté et d'autre devant l'Éternel: ce sera ta portion.

27 O o waa inaad quduus ka dhigtaa sakaarka qurbaanka la ruxruxo, iyo bowdada qurbaanka sare loo qaado, oo la ruxruxo, oo sarena loo qaado, ee wanka quduuskadhigidda, xataa qaybta Haaruun iyo qaybta wiilashiisaba,

Tu sanctifieras la poitrine et l'épaule du bélier qui aura servi à la consécration d'Aaron et de ses fils, la poitrine en l'agitant de côté et d'autre, l'épaule en la présentant par élévation.

28 o o intaas waa inay Haaruun iyo wiilashiisu amar ahaan uga lahaadaan reer binu Israa'iil weligoodba, waayo, waa qurbaan sare loo qaado; waana inay ahaato qurbaan sare loo qaado, oo ay reer binu Israa'iil bixiyaan markay ku allabaryaan qurbaannadooda nabaadiinada. Waa qurbaankooda sare loogu qaado Rabbiga.

Elles appartiendront à Aaron et à ses fils, par une loi perpétuelle qu'observeront les enfants d'Israël, car c'est une offrande par élévation; et, dans les sacrifices d'actions de grâces des enfants d'Israël, l'offrande par élévation sera pour l'Éternel.

29 O o dharka Haaruun oo quduuska ah waxaa qaadan doona wiilashiisa isaga dabadiis, si loogu subko oo quduus looga dhigo iyagoo gashan.

Les vêtements sacrés d'Aaron seront après lui pour ses fils, qui les mettront lorsqu'on les oindra et qu'on les consacrera.

30 O o wiilka isaga meeshiisa wadaad ka noqdaa toddoba maalmood waa inuu gashanaadaa markuu teendhada shirka galo inuu ka adeego meesha quduuska ah.

Ils seront portés pendant sept jours par celui de ses fils qui lui succédera dans le sacerdoce, et qui entrera dans la tente d'assignation, pour faire le service dans le sanctuaire.

31 O o waa inaad qaaddaa wanka quduuskadhigidda, oo hilibkiisa waxaad ku karisaa meel quduus ah.

Tu prendras le bélier de consécration, et tu en feras cuire la chair dans un lieu saint.

32 O o Haaruun iyo wiilashiisu waa inay hilibka wanka iyo kibista ku jirta dambiisha cunaan xagga iridda taambuugga shirka.

Aaron et ses fils mangeront, à l'entrée de la tente d'assignation, la chair du bélier et le pain qui sera dans la corbeille.

33 O o waa inay cunaan waxyaalahaas lagu kafaaro guday, inay daahir iyo quduus ku noqdaan; laakiinse qof qalaadu yaanu waxba ka cunin, waayo, iyagu waa quduus.

Ils mangeront ainsi ce qui aura servi d'expiation afin qu'ils fussent consacrés et sanctifiés; nul étranger n'en mangera, car ce sont des choses saintes.

34 O o haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus.

S'il reste de la chair de consécration et du pain jusqu'au matin, tu brûleras dans le feu ce qui restera; on ne le mangera point, car c'est une chose sainte.

35 O o Haaruun iyo wiilashiisa waxaad ku samaysaa sidii aan kugu amray oo dhan, oo toddoba maalmood waa inaad iyaga quduus ka dhigtaa.

Tu suivras à l'égard d'Aaron et de ses fils tous les ordres que je t'ai donnés. Tu emploieras sept jours à les consacrer.

36 M aalin walba waa inaad dibiga qurbaanka dembiga u bixisaa kafaaraggud aawadiis, oo meesha allabarigana waa inaad daahirisaa markaad u kafaaro gudaysid, oo waa inaad subagtaa inaad quduus ka dhigtid.

Tu offriras chaque jour un taureau en sacrifice pour le péché, pour l'expiation; tu purifieras l'autel par cette expiation, et tu l'oindras pour le sanctifier.

37 O o toddoba maalmood waa inaad meesha allabariga u kafaaro guddaa oo quduus ka dhigtaa, oo meesha allabarigu waa inay ugu wada quduusnaataa, oo wax kasta oo meesha allabariga taabtaa quduus wuu noqon doonaa.

Pendant sept jours, tu feras des expiations sur l'autel, et tu le sanctifieras; et l'autel sera très saint, et tout ce qui touchera l'autel sera sanctifié.

38 H addaba waxanu waa wixii aad meesha allabariga ku dul bixin lahayd; maalin walba had iyo goor waa inaad laba wan oo sannad jira ku bixisaa.

Voici ce que tu offriras sur l'autel: deux agneaux d'un an, chaque jour, à perpétuité.

39 W an waa inaad subaxda bixisaa, wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa.

Tu offriras l'un des agneaux le matin, et l'autre agneau entre les deux soirs.

40 O o bur wanaagsan oo hiin rubuceed oo saliid saafi ah lagu daray toban meelood oo meel waa inaad wanka la bixisaa, iyo weliba hiin rubuceed oo khamri ah oo ah qurbaankii cabniinka.

Tu offriras, avec le premier agneau, un dixième d'épha de fleur de farine pétrie dans un quart de hin d'huile d'olives concassées, et une libation d'un quart de hin de vin.

41 O o wanka kalena waa inaad makhribka bixisaa, oo waxaad u bixisaa sida qurbaanka hadhuudhka ah oo subaxda, iyo qurbaanka cabniinka oo subaxda, caraf udgoon ha lahaado hana ahaado qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

Tu offriras le second agneau entre les deux soirs, avec une offrande et une libation semblables à celles du matin; c'est un sacrifice consumé par le feu, d'une agréable odeur à l'Éternel.

42 O o wuxuu ka ab ka ab ahaan doonaa qurbaan joogto ah oo Rabbiga hortiisa lagu gubo xagga iridda taambuugga shirka, oo ah meesha aan kugula kulmi doono inaan kula hadlo aawadeed.

Voilà l'holocauste perpétuel qui sera offert par vos descendants, à l'entrée de la tente d'assignation, devant l'Éternel: c'est là que je me rencontrerai avec vous, et que je te parlerai.

43 O o halkaas reer binu Israa'iil ayaan kula kulmi doonaa; oo taambuugguna wuxuu quduus ku noqon doonaa ammaantayda.

Je me rencontrerai là avec les enfants d'Israël, et ce lieu sera sanctifié par ma gloire.

44 O o waxaan quduus ka dhigi doonaa taambuugga shirka iyo meesha allabariga; oo Haaruun iyo wiilashiisana quduus baan ka dhigi doonaa, inay hawsha wadaadnimada iiga adeegaan.

Je sanctifierai la tente d'assignation et l'autel; je sanctifierai Aaron et ses fils, pour qu'ils soient à mon service dans le sacerdoce.

45 O o anigu waxaan dhex joogi doonaa reer binu Israa'iil, oo waxaan ahaan doonaa Ilaahood.

J'habiterai au milieu des enfants d'Israël, et je serai leur Dieu.

46 O o iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahood ah oo iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey inaan iyaga dhex joogo. Anigu waxaan ahay Rabbiga ah Ilaahood.

Ils connaîtront que je suis l'Éternel, leur Dieu, qui les ai fait sortir du pays d'Égypte, pour habiter au milieu d'eux. Je suis l'Éternel, leur Dieu.