Taariikhdii Labaad 12 ~ 2 Chroniques 12

picture

1 M arkii boqortooyadii Rexabcaam ay dhisantay oo uu xoogaystay ayuu ka tegey sharcigii Rabbiga, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammuba la jiraan.

Lorsque Roboam se fut affermi dans son royaume et qu'il eut acquis de la force, il abandonna la loi de l'Éternel, et tout Israël l'abandonna avec lui.

2 O o sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay, maxaa yeelay, iyagu waxay ku xadgudbeen Rabbiga,

La cinquième année du règne de Roboam, Schischak, roi d'Égypte, monta contre Jérusalem, parce qu'ils avaient péché contre l'Éternel.

3 o o wuxuu kaxaystay kun iyo laba boqol oo gaadhifaras iyo lixdan kun oo fardooley ah, oo dadkii isaga Masar kala soo baxayna tiro ma ay lahayn, waxayna ahaayeen reer Luubiim iyo reer Sukiyiim iyo reer Itoobiya.

Il avait mille deux cents chars et soixante mille cavaliers; et il vint d'Égypte avec lui un peuple innombrable, des Libyens, des Sukkiens et des Éthiopiens.

4 O o isagu wuxuu qabsaday magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalka Yahuudah, oo haddana wuxuu yimid Yeruusaalem.

Il prit les villes fortes qui appartenaient à Juda, et arriva jusqu'à Jérusalem.

5 H addaba Nebi Shemacyaah ayaa u yimid Rexabcaam iyo amiirradii dalka Yahuudah oo Yeruusaalem ugu urursanaa Shiishaq daraaddiis, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waad i dayriseen oo sidaas daraaddeed ayaan gacanta Shiishaq idinkaga tegey.

Alors Schemaeja, le prophète, se rendit auprès de Roboam et des chefs de Juda qui s'étaient retirés dans Jérusalem à l'approche de Schischak, et il leur dit: Ainsi parle l'Éternel: Vous m'avez abandonné; je vous abandonne aussi, et je vous livre entre les mains de Schischak.

6 M arkaasaa amiirradii dadka Israa'iil iyo boqorkiiba is-hoosaysiiyeen, oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa xaq.

Les chefs d'Israël et le roi s'humilièrent et dirent: L'Éternel est juste!

7 O o Rabbiguna markuu arkay inay is-hoosaysiiyeen ayaa eraygii Rabbigu u yimid Shemacyaah, wuxuuna ku yidhi, Iyagu way is-hoosaysiiyeen oo taas aawadeed anigu baabbi'in maayo, laakiinse waan samatabbixin doonaa, oo cadhadayduna Yeruusaalem kuma degi doonto iyadoo gacanta Shiishaq ku timid.

Et quand l'Éternel vit qu'ils s'humiliaient, la parole de l'Éternel fut ainsi adressée à Schemaeja: Ils se sont humiliés, je ne les détruirai pas, je ne tarderai pas à les secourir, et ma colère ne se répandra pas sur Jérusalem par Schischak;

8 H abase ahaatee waxay ahaan doonaan addoommadiisa, si ay u ogaadaan adeegiddayda iyo adeegidda boqortooyooyinka waddammadaba.

mais ils lui seront assujettis, et ils sauront ce que c'est que me servir ou servir les royaumes des autres pays.

9 H addaba sidaas daraaddeed Shiishaq oo ahaa boqorkii Masar wuxuu ku kacay Yeruusaalem oo wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorkaba, oo dhammaantood wuu wada qaatay, oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey.

Schischak, roi d'Égypte, monta contre Jérusalem. Il prit les trésors de la maison de l'Éternel et les trésors de la maison du roi, il prit tout. Il prit les boucliers d'or que Salomon avait faits.

10 O o Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabka guriga boqorka dhawri jiray.

Le roi Roboam fit à leur place des boucliers d'airain, et il les remit aux soins des chefs des coureurs, qui gardaient l'entrée de la maison du roi.

11 O o mar alla markuu boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu iman jireen oo ay gaashaammada soo qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.

Toutes les fois que le roi allait à la maison de l'Éternel, les coureurs venaient et les portaient; puis ils les rapportaient dans la chambre des coureurs.

12 O o markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray.

Comme Roboam s'était humilié, l'Éternel détourna de lui sa colère et ne le détruisit pas entièrement. Et il y avait encore de bonnes choses en Juda.

13 H addaba Boqor Rexabcaam wuxuu ku xoogaystay Yeruusaalem oo xukumay, oo Rexabcaam markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo; oo hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon.

Le roi Roboam s'affermit dans Jérusalem et régna. Il avait quarante et un ans lorsqu'il devint roi, et il régna dix-sept ans à Jérusalem, la ville que l'Éternel avait choisie sur toutes les tribus d'Israël pour y mettre son nom. Sa mère s'appelait Naama, l'Ammonite.

14 O o isagu wuxuu sameeyey wax shar ah, maxaa yeelay, qalbigiisa uma uu diyaarin inuu Rabbiga doondoono.

Il fit le mal, parce qu'il n'appliqua pas son coeur à chercher l'Éternel.

15 H addaba Rexabcaam falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, sow kuma qorna taariikhdii Nebi Shemacyaah iyo tii Iddo oo ahaa waxarkihii, siday ahaayeen abtirsiinyadii? Oo had iyo goorna dagaal baa ka dhaxayn jiray Rexabcaam iyo Yaaraabcaam.

Les actions de Roboam, les premières et les dernières, ne sont-elles pas écrites dans les livres de Schemaeja, le prophète et d'Iddo, le prophète, parmi les registres généalogiques? Il y eut toujours guerre entre Roboam et Jéroboam.

16 O o Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaah.

Roboam se coucha avec ses pères, et il fut enterré dans la ville de David. Et Abija, son fils, régna à sa place.