1 O o waagaas ayaa Abiiyaah oo ahaa ina Yaaraabcaam bukooday.
En aquel tiempo, Abías hijo de Jeroboán cayó enfermo.
2 M arkaasaa Yaaraabcaam wuxuu bilcantiisii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kac oo isbeddel, oo yaan lagu aqoon inaad tahay bilcantii Yaaraabcaam; oo waxaad tagtaa Shiiloh, waayo, halkaas waxaa jooga Nebi Axiiyaah oo ii sheegay inaan dadkan boqor u ahaanayo.
Entonces el rey llamó a su esposa y le dijo: «Quiero que vayas a Silo, donde encontrarás al profeta Ajías, el que me dijo que yo sería rey de este pueblo. Pero disfrázate, para que nadie sepa que eres mi esposa.
3 O o waxaad qaaddaa toban xabbadood oo kibis ah, iyo buskuddo, iyo ubbo malab ah, oo isaga u tag; oo wuxuu kuu sheegi doonaa waxa wiilka ku dhici doona.
Llévale diez panes, y tortas y un tarro con miel, y pregúntale qué va a pasar con nuestro hijo.»
4 O o Yaaraabcaam bilcantiisiina sidaasay yeeshay, oo waxay u kacday Shiiloh oo gurigii Axiiyaah bay timid. Haddaba Axiiyaah waxba ma arki karin, waayo, indhihiisii waxay la dhaceen dugow aawadiis.
La mujer de Jeroboán hizo lo que éste le ordenó y fue a Silo. Llegó a la casa de Ajías, que por su avanzada edad ya no podía ver.
5 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Axiiyaah ku yidhi, Bal eeg, Yaaraabcaam bilcantiisii ayaa kuugu imanaysa inay ku weyddiiso wax ku saabsan wiilkeeda, maxaa yeelay, isagu wuu bukaa; haddaba iyada saas iyo saas ku dheh; waayo, markay kuu timaado waxay iska dhigaysaa naag kale.
Pero el Señor le había dicho: «Ajías, la mujer de Jeroboán va a venir a consultarte acerca de su hijo enfermo. Viene disfrazada, pero cuando llegue le dirás lo que yo te mande.»
6 O o markii Axiiyaah maqlay sanqadhii cagaheeda, markii ay albaabka soo gashay ayuu ku yidhi, Soo gal, Yaaraabcaam bilcantiisay, maxaadse isaga dhigaysaa mid kale? Waayo, waxaa la iigu soo kaa dhiibay war xun.
Cuando ella llegó y cruzó la puerta, Ajías escuchó sus pisadas y le dijo: «Entra, mujer de Jeroboán. ¿Por qué vienes disfrazada? Escucha bien, que tengo un mensaje muy duro para ti.
7 H addaba tag, oo Yaaraabcaam waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu dadka oo dhan waan kaa sara mariyey, oo waxaan amiir kaaga dhigay dadkaygii Israa'iil,
Regresa con Jeroboán y dile: “Así ha dicho el Señor, el Dios de Israel: Yo te levanté de en medio del pueblo y te hice jefe de los israelitas.
8 o o boqortooyadiina intaan reerkii Daa'uud ka soo xoogay ayaan ku siiyey, oo weliba ma aadan ahaan sidii addoonkaygii Daa'uud, kii amarradaydii xajiyey, oo qalbigiisa oo dhanna igu raacay inuu sameeyo wixii hortayda ku qummanaa oo keliya,
Yo deshice el reino de la casa de David y te lo entregué, pero tú no te has conducido como mi siervo David, pues él obedeció mis mandamientos, me buscó con todo su corazón, y se esforzó por vivir con rectitud delante de mí.
9 l aakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.
Pero tú has actuado peor que todos los que reinaron antes de ti; te has fabricado dioses ajenos y has fundido sus imágenes para hacerme enojar, y luego me volviste la espalda.
10 S idaas daraaddeed, bal ogow, shar baan ku soo dejin doonaa reer Yaaraabcaam, oo Yaaraabcaam waxaan ka baabbi'in doonaa wiil kasta, ha ahaado mid kasta oo dalka Israa'iil ku dhex xidhan ama mid kasta oo ku dhex furan, oo reer Yaaraabcaam oo dhanna waan xaaqi doonaa ilaa uu wada baabbo'o sida digo dibadda loogu xaaqo.
Por eso yo haré que tu descendencia caiga en desgracia, y que muera todo varón que te nazca, lo mismo si es siervo que si es libre; barreré a tus descendientes como se barre el estiércol, hasta que no quede nada.
11 O o Yaaraabcaam dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha, oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada, waayo, Rabbigu saasuu ku hadlay.
A cualquier descendiente de Jeroboán que muera en la ciudad, se lo comerán los perros, y al que muera en el campo se lo comerán las aves de rapiña. Así lo ha dicho el Señor.”
12 H addaba kac, oo gurigaaga tag, oo mar alla markay cagahaagu magaalada galaan ayuu wiilkii dhiman doonaa.
»Y tú, mujer, regresa a tu casa, pero en cuanto pongas un pie en la ciudad tu hijo morirá.
13 O o dadka dalka Israa'iil oo dhan ayaa u barooran doona oo aasi doona, waayo, dadka Yaaraabcaam oo dhan isaga keliya ayaa xabaasha gelaya, maxaa yeelay, reer Yaaraabcaam isaga keliya ayaa laga helay wax ku wanaagsan xagga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
Todo el pueblo de Israel llorará por tu hijo y lo sepultarán, porque de todos los hijos de Jeroboán él es el único que le agradó al Señor; por eso será sepultado.
14 O o weliba Rabbigu wuxuu sara kicin doonaa boqor u taliya dadkii Israa'iil, oo kaasuna maalintaas wuxuu baabbi'in doonaa reer Yaaraabcaam, laakiinse taasu waa goorma? Waa haddeer.
El Señor va a elegir a un rey que exterminará a toda la descendencia de Jeroboán, y lo va a hacer ahora mismo.
15 W aayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.
El Señor sacudirá al pueblo de Israel como sacude el agua a los juncos, y lo arrancará de la buena tierra que dio a sus antepasados; luego, por haberse fabricado imágenes de Asera y por ofender así al Señor, los esparcirá más allá del río Éufrates.
16 O o Rabbigu wuxuu dadka dalka Israa'iil u sii daynayaa dembiyadii Yaaraabcaam dembaabay oo uu dadka dalka Israa'iilna dembaajiyey aawadood.
El Señor va a entregar a Israel por causa de los pecados de Jeroboán, pues hizo pecar a mi pueblo.»
17 M arkaasay Yaaraabcaam bilcantiisii kacday oo tagtay, oo waxay timid Tirsaah; oo markay guriga iriddiisii soo gaadhay ayaa wiilkii dhintay.
Después de oír esto, la esposa de Jeroboán se marchó y se fue a Tirsa, y cuando entró en la ciudad su hijo murió.
18 O o dadkii dalka Israa'iil oo dhammu way aaseen, wayna u wada baroorteen siduu ahaa eraygii Rabbigu ku hadlay ee uu nebigii ahaa addoonkiisii Axiiyaah u soo dhiibay.
Sepultaron al niño, y el pueblo lloró por él como el Señor le había dicho al profeta Ajías.
19 O o Yaaraabcaam falimihiisii kale ee ku saabsanaa siduu u diriray, iyo siduu u talin jiray, waxay ku qoran yihiin kitaabka taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
Todo los hechos de Jeroboán, y las guerras que libró, han quedado registradas en el libro de las historias de los reyes de Israel.
20 O o Yaaraabcaamna wuxuu talinayay laba iyo labaatan sannadood; markaasuu dhintay oo awowayaashiis la seexday, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Naadaab. Rexabcaam, Boqorkii Dalka Yahuudah
Jeroboán reinó veintidós años, y cuando fue a reunirse con sus antepasados, reinó en su lugar su hijo Nadab. Reinado de Roboán
21 O o Rexabcaam ina Sulaymaanna boqor buu ka ahaa dalka Yahuudah. Oo markuu Rexabcaam boqor noqday wuxuu jiray kow iyo afartan sannadood, oo toddoba iyo toban sannadood ayuu boqor ku ahaa Yeruusaalem oo ahayd magaaladii Rabbigu ka doortay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan inuu magiciisa halkaas dhigo. Oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon.
Roboán hijo de Salomón comenzó a reinar sobre Judá a los cuarenta y un años de edad, y reinó diecisiete años en Jerusalén, la ciudad que el Señor eligió de entre todas las tribus de Israel para que allí estuviera su nombre. La madre de Roboán se llamaba Noamá, y era amonita.
22 O o reer Yahuudahna waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo waxay Rabbiga kaga hinaasiyeen dembiyadoodii ay galeen oo ka badnaa kuwii ay awowayaashood galeen.
Y el pueblo de Judá hizo lo malo a los ojos del Señor, y le hicieron enojar más que sus antepasados, a pesar de que éstos cometieron muchos pecados.
23 W aayo, waxay buur kasta oo dheer dusheed iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiis ka dhisteen meelo sarsare, iyo tiirar, iyo geedo Asheeraah.
También construyeron altares en los montes y bajo los árboles frondosos; hicieron estatuas e imágenes de la diosa Asera;
24 O o weliba dalka waxaa joogay makhnuudyo, oo waxay u wada sameeyeen sidii kulli karaahiyadii ay samayn jireen quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
practicaron actos repugnantes, como la prostitución masculina, que era una costumbre de los pueblos que el Señor había arrojado del territorio ocupado por los israelitas.
25 O o sannaddii shanaad oo Boqor Rexabcaam ayaa Shiishaq oo boqorkii Masar ahaa Yeruusaalem ku kacay,
Cuando Roboán llevaba cinco años en el trono, llegó Sisac, rey de Egipto, y atacó Jerusalén
26 o o wuxuu qaatay khasnadihii guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka, oo dhammaantood wuu wada qaatay; oo wuxuu kaloo wada qaatay gaashaammadii dahabka ahaa oo Sulaymaan sameeyey.
y se adueñó de los tesoros del templo del Señor y del palacio real. Fue un saqueo total, que incluyó los escudos de oro que Salomón había mandado hacer.
27 O o Boqor Rexabcaam ayaa meeshoodii ka sameeyey gaashaammo naxaas ah, oo wuxuu u dhiibay saraakiishii waardiyayaashii albaabkii guriga boqorka dhawri jiray.
Para reponerlos, Roboán mandó hacer escudos de bronce y los puso al cuidado de los oficiales que vigilaban la entrada del palacio real.
28 O o mar alla markii boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu gaashaammada qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.
Cuando el rey entraba en el templo del Señor, los guardias se llevaban los escudos y los ponían en la sala de la guardia.
29 H addaba Rexabcaam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
Todos los hechos de Roboán se hallan registrados en las crónicas de los reyes de Judá.
30 O o Rexabcaam iyo Yaaraabcaamna dagaal baa ka dhexayn jiray had iyo goorba.
Y entre Roboán y Jeroboán hubo siempre constantes guerras.
31 O o Rexabcaamna wuu dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagula aasay awowayaashiis magaaladii Daa'uud; oo hooyadiis magaceeduna wuxuu ahaa Nacamaah tii reer Cammoon. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Abiiyaam.
Cuando Roboán murió y fue a reunirse con sus antepasados, fue sepultado junto a ellos en la ciudad de David. Noamá, la amonita, fue madre de Roboán. A la muerte del rey, reinó en su lugar su hijo Abías.