1 M arkaasaa waxaa yimid dadkii reer Qiryad Yecaariim, oo waxay qaateen sanduuqii Rabbiga, oo waxay soo geliyeen gurigii Abiinaadaab ee buurta ku yiil, oo waxay quduus ka dhigeen wiilkiisii Elecaasaar inuu hayo sanduuqii Rabbiga. Samuu'eel Oo Reer Falastiin Ka Hooseysiiyey Misfaah
Los habitantes de Quiriat Yearín fueron y se llevaron el arca del Señor, y la pusieron en casa de Abinadab, la cual estaba en una colina, y consagraron a Eleazar su hijo, como guardián del arca del Señor.
2 O o ilaa maalintii sanduuqu yiil Qiryad Yecaariim wakhtigu waa dheeraa, maxaa yeelay, waxay ahayd labaatan sannadood, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna Rabbiga ayay ka daba barooran jireen.
Así, pasaron veinte años desde el día en que llegó el arca a Quiriat Yearín, y los israelitas gemían arrepentidos ante el Señor. Samuel, juez de Israel
3 M arkaasaa Samuu'eel wuxuu la hadlay reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigiinna oo dhan Rabbiga ugu soo noqotaan, de haddaba dhexdiinna ka fogeeya ilaahyada qalaad iyo Cashtarod, oo qalbiyadiinna u diyaariya Rabbiga oo keligiis u adeega; oo isna wuu idinka samatabbixin doonaa gacanta reer Falastiin.
Entonces Samuel habló con todos los israelitas y les dijo: «Si de todo corazón se han arrepentido delante del Señor, quiten a Astarot y a todos los dioses ajenos que todavía adoran; entréguense de corazón al Señor, y sírvanle sólo a él; entonces el Señor los librará de la ira de los filisteos.»
4 M arkaasaa reer binu Israa'iil iska fogeeyeen Bacaliim iyo Cashtarod, oo waxay u adeegeen Rabbiga keliya.
Y los israelitas renunciaron a los baales y a Astarot, y sirvieron sólo al Señor.
5 M arkaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil oo dhan Misfaah ku soo wada ururiya, oo anna Rabbigaan idiin baryayaa.
Entonces Samuel les dijo: «Reúnan a todos los israelitas en Mispá, y yo rogaré al Señor por ustedes.»
6 M arkaasay dhammaantood Misfaah ku soo wada urureen, oo intay biyo soo dhaamiyeen ayay Rabbiga hortiisa ku shubeen, oo maalintaasna way soomeen, oo waxay halkaas ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu ku dembaabnay Rabbiga. Oo Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil ku xukumi jiray Misfaah.
Y se reunieron en Mispá, y sacaron agua y la derramaron delante del Señor. Aquel día ayunaron, y dijeron: «Hemos pecado contra el Señor.» Así fue como Samuel se convirtió en Mispá en el caudillo de los israelitas.
7 O o reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.
Y cuando los jefes de los filisteos se enteraron de que los israelitas estaban reunidos en Mispá, se prepararon para ir a luchar contra ellos, y cuando los israelitas lo supieron, se llenaron de miedo
8 O o reer binu Israa'iilna waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Ha joojin inaad noo baridid Rabbiga Ilaaheenna ahu inuu naga badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
y le dijeron a Samuel: «No dejes de clamar por nosotros al Señor nuestro Dios, para que nos libre del poder de los filisteos.»
9 M arkaasaa Samuu'eel soo kaxaystay wan yar oo caanonuug ah oo wuxuu Rabbiga ugu bixiyey allabari la gubo dhammaantiis; markaasaa Samuu'eel Rabbiga u baryay reer binu Israa'iil aawadood; oo Rabbiguna wuu ka aqbalay Samuu'eel.
Entonces Samuel tomó un cordero recién nacido, y lo sacrificó y lo ofreció al Señor; luego rogó por el pueblo de Israel, y el Señor le oyó.
10 O o intii Samuu'eel allabariga la gubo bixinayay ayaa reer Falastiin soo dhowaadeen inay la diriraan reer binu Israa'iil; laakiinse Rabbigu maalintaas wuxuu reer Falastiin ku soo daayay onkod weyn, wuuna baabbi'iyey, oo reer binu Israa'iil hortooday ku jabeen.
Mientras Samuel estaba ofreciendo el holocausto, llegaron los filisteos para pelear contra los israelitas, pero el Señor lanzó fuertes truenos contra ellos, y los atemorizó, y los israelitas los vencieron;
11 K olkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.
salieron de Mispá y persiguieron a los filisteos más allá de Bet Car, y los hirieron de muerte.
12 M arkaasaa Samuu'eel dhagax qaaday oo qotomiyey Misfaah iyo Sheen dhexdooda, oo wuxuu magiciisiina u bixiyey Ebenceser, oo yidhi, Ilaa haatan Rabbigu waa ina caawiyey.
Luego, Samuel tomó una piedra, la puso entre Mispá y Sen, y a ese lugar lo llamó Ebenezer, porque dijo: «Hasta aquí nos ha ayudado el Señor.»
13 S idaas daraaddeed reer Falastiin waa la hoosaysiiyey, oo mar dambena sooma ay gelin xuduudkii reer binu Israa'iil; oo intii Samuu'eel noolaa oo dhan gacanta Rabbigu gees bay ka ahayd reer Falastiin.
Así fueron vencidos los filisteos, y no volvieron a entrar en el territorio de Israel porque el poder del Señor estuvo en contra de ellos mientras Samuel vivió.
14 O o magaalooyinkii reer Falastiin ay ka qabsadeen reer binu Israa'iil waa loo soo celiyey reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen Ceqroon iyo xataa tan iyo Gad; oo xuduudkeedii reer binu Israa'iil waa kala soo baxeen gacantii reer Falastiin. Oo reer binu Israa'iil iyo reer Amorna nabad baa u dhexaysay.
Los israelitas liberaron el territorio que los filisteos tenían en su poder y recuperaron las ciudades que les habían arrebatado, desde Ecrón hasta Gat. Así los israelitas y los amorreos vivieron en paz.
15 O o Samuu'eelna wuxuu reer binu Israa'iil xukumi jiray intuu noolaa oo dhan.
Mientras Samuel vivió, gobernó al pueblo de Israel.
16 O o sannad kastaba wuxuu ku soo wareegi jiray Beytel, iyo Gilgaal, iyo Misfaah, oo meelahaas oo dhanna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray.
Todos los años visitaba Betel, Gilgal y Mispá, y dictaba leyes para todos los israelitas.
17 O o wuxuu ku noqon jiray Raamaah, waayo, halkaasuu gurigiisu ahaa, oo halkaasna reer binu Israa'iil buu ku xukumi jiray; oo halkaasna wuxuu Rabbiga uga dhisay meel allabari.
Después regresaba a Ramá, donde vivía y donde también edificó un altar al Señor, y desde allí impartía justicia al pueblo.