Bilowgii 11 ~ Genesis 11

picture

1 D hulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.

And the whole earth had one language, and the same words.

2 W axaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.

And it came to pass as they journeyed from the east, that they found a plain in the land of Shinar, and dwelt there.

3 O o waxay isku yidhaahdeen, Ina keena, aynu leben samaysannee, oo aynu aad u dubnee. Oo waxay dhagaxa meeshiisa u haysteen leben, nuuradda meesheedana dhoobo.

And they said one to another, Come on, let us make bricks, and burn thoroughly. And they had brick for stone, and they had asphalt for mortar.

4 O o waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.

And they said, Come on, let us build ourselves a city and a tower, the top of which to the heavens; and let us make ourselves a name, lest we be scattered over the face of the whole earth.

5 R abbiguna wuxuu u soo degay inuu arko magaaladii iyo munaaraddii ay binu-aadmigu dhisayeen.

And Jehovah came down to see the city and the tower which the children of men built.

6 O o Rabbigu wuxuu yidhi, Bal eega, iyagu waa isku dad keliya, oo dhammaan isku af keliya bay leeyihiin, oo waxanuna waa waxa ay bilaabayaan inay sameeyaan, oo haatan wax ka hor joogsan doona waxay damcaan inay sameeyaan ma jiraane.

And Jehovah said, Behold, the people is one, and have all one language; and this have they begun to do. And now will they be hindered in nothing that they meditate doing.

7 I na keena, aynu degnee, oo halkaas aynu afkooda iskaga qasnee, yaan midna midka kale hadalkiisa garanine.

Come, let us go down, and there confound their language, that they may not understand one another's speech.

8 K olkaasaa Rabbigu halkaas ka kaxeeyey oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan, oo dhisiddii magaaladii way joojiyeen.

And Jehovah scattered them thence over the face of the whole earth. And they left off building the city.

9 S idaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan. Qarniyaashii Sheem Ilaa Aabraam

Therefore was its name called Babel; because Jehovah there confounded the language of the whole earth. And Jehovah scattered them thence over the face of the whole earth.

10 K uwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.

These are the generations of Shem. Shem was a hundred years old, and begot Arphaxad two years after the flood.

11 S heemna markuu Arfaksad dhalay ka dib wuxuu noolaa shan boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Shem lived after he had begotten Arphaxad five hundred years, and begot sons and daughters.

12 A rfaksadna wuxuu jiray shan iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Salah:

And Arphaxad lived thirty-five years, and begot Shelah.

13 A rfaksadna markuu Salah dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Arphaxad lived after he had begotten Shelah four hundred and three years, and begot sons and daughters.

14 S alahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.

And Shelah lived thirty years, and begot Eber.

15 S alahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Shelah lived after he had begotten Eber four hundred and three years, and begot sons and daughters.

16 C eeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:

And Eber lived thirty-four years, and begot Peleg.

17 C eeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Eber lived after he had begotten Peleg four hundred and thirty years, and begot sons and daughters.

18 F elegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:

And Peleg lived thirty years, and begot Reu.

19 F elegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Peleg lived after he had begotten Reu two hundred and nine years, and begot sons and daughters.

20 R ecuna wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Seruug.

And Reu lived thirty-two years, and begot Serug.

21 R ecuna markuu Seruug dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo toddoba sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Reu lived after he had begotten Serug two hundred and seven years, and begot sons and daughters.

22 S eruugna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Naaxoor:

And Serug lived thirty years, and begot Nahor.

23 S eruugna markuu Naaxoor dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Serug lived after he had begotten Nahor two hundred years, and begot sons and daughters.

24 N aaxoorna wuxuu jiray sagaal iyo labaatan sannadood, wuxuuna dhalay Terax;

And Nahor lived twenty-nine years, and begot Terah.

25 N aaxoorna markuu Terax dhalay ka dib wuxuu noolaa boqol iyo sagaal iyo toban sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

And Nahor lived after he had begotten Terah a hundred and nineteen years, and begot sons and daughters.

26 T eraxna wuxuu jiray toddobaatan sannadood, wuxuuna dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan.

And Terah lived seventy years, and begot Abram, Nahor, and Haran.

27 K uwanu waa farcankii Terax. Terax wuxuu dhalay Aabraam, iyo Naaxoor, iyo Haaraan; Haaraanna wuxuu dhalay Luud.

And these are the generations of Terah: Terah begot Abram, Nahor, and Haran; and Haran begot Lot.

28 H aaraanna wuxuu dhintay aabbihiis Terax oo jooga, wuxuuna ku dhintay dhulkii uu ku dhashay, oo la odhan jiray Uur tii reer Kaldayiin.

And Haran died before the face of his father Terah in the land of his nativity at Ur of the Chaldeans.

29 A abraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.

And Abram and Nahor took wives: the name of Abram's wife was Sarai; and the name of Nahor's wife, Milcah, a daughter of Haran, the father of Milcah and the father of Iscah.

30 S aarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn.

And Sarai was barren: she had no child.

31 T eraxna wuxuu kaxaystay wiilkiisii Aabraam, iyo Luud oo ahaa ina Haaraan, wiilkii wiilkiisii, iyo Saaray oo uu soddog u ahaa, oo ahayd naagtii wiilkiisii Aabraam; wayna kala baxeen Uur tii reer Kaldayiin, si ay u tagaan dalkii Kancaan; waxayna yimaadeen Haaraan, oo halkaasay degeen.

And Terah took Abram his son, and Lot the son of Haran his son's son, and Sarai his daughter-in-law, his son Abram's wife; and they went forth together out of Ur of the Chaldeans, to go into the land of Canaan, and came as far as Haran, and dwelt there.

32 W akhtigii Terax noolaa wuxuu ahaa laba boqol iyo shan sannadood, Teraxna wuxuu ku dhintay Haaraan.

And the days of Terah were two hundred and five years; and Terah died in Haran.