2 Butros 2 ~ 2 Peter 2

picture

1 L aakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah.

But there were false prophets also among the people, as there shall be also among you false teachers, who shall bring in by the bye destructive heresies, and deny the master that bought them, bringing upon themselves swift destruction;

2 K uwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.

and many shall follow their dissolute ways, through whom the way of the truth shall be blasphemed.

3 D amac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.

And through covetousness, with well-turned words, will they make merchandise of you: for whom judgment of old is not idle, and their destruction slumbers not.

4 M axaa yeelay, Ilaah uma tudhin malaa'igihii dembaabay, laakiinse wuxuu iyagii ku tuuray cadaabta, oo wuxuu ku riday godad gudcur ah iyagoo xukun aawadiis loo hayo.

For if God spared not angels who had sinned, but having cast them down to the deepest pit of gloom has delivered them to chains of darkness kept for judgment;

5 O o dunidii horena uma u tudhin, laakiinse wuxuu badbaadshay Nuux, oo ahaa mid xaqnimada wax ku wacdiya, iyo toddoba qof oo kale, markuu daadkii ku soo daayay dunidii cibaadalaawayaasha.

and spared not old world, but preserved Noe, eighth, a preacher of righteousness, having brought in flood upon world of ungodly;

6 O o magaalooyinkii ahaa Sodom iyo Gomorana wuxuu ka dhigay dambas, oo intuu afgembi ku xukumay, ayuu masaal uga dhigay kuwii cibaadalaawayaal noqon lahaa,

and having reduced cities of Sodom and Gomorrha to ashes, condemned with an overthrow, setting an example to those that should live an ungodly life;

7 o o wuxuu ka samatabbixiyey Luud kii xaqa ahaa oo aad loogu saxariiriyey sharcilaawayaashii dabiicaddoodii nijaasta ahayd.

and saved righteous Lot, distressed with the abandoned conversation of the godless,

8 W aayo, ninkaas xaqa ahaa iyaguu dhex degganaa, oo waxaa naftiisii xaqa ahayd maalin ka maalin silciyey camaladoodii sharciga ka geesta ahaa markuu arkay oo maqlay.

(for the righteous man through seeing and hearing, dwelling among them, tormented righteous soul day after day with lawless works,)

9 R abbigu waa yaqaan sida kuwa cibaadada leh jirrabaadda looga samatabbixiyo iyo sida kuwa aan xaqa ahayn loo hayo iyagoo ciqaaban ilaa maalinta xisaabta,

Lord knows to deliver the godly out of trial, and to keep unjust to day of judgment punished;

10 k husuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.

and specially those who walk after the flesh in lust of uncleanness, and despise lordship. Bold, self-willed; they do not fear speaking injuriously of dignities:

11 M alaa'iguhuna in kastoo ay iyaga itaal iyo xoogba ka badan yihiin, iyaga dacwo cay ah Rabbiga hortiisa kagama dacweeyaan.

when angels, who are greater in might and power, do not bring against them, before the Lord, an injurious charge.

12 L aakiinse kuwanu waa sida xayawaan aan caqli lahayn oo u dhashay in la qabsado oo la dilo, oo waxay caayaan wax aanay garanayn. Hubaal iyagu halligaaddooda ayay ku halligmi doonaan.

But these, as natural animals without reason, made to be caught and destroyed, speaking injuriously in things they are ignorant of, shall also perish in their own corruption,

13 X aqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda.

receiving reward of unrighteousness; accounting ephemeral indulgence pleasure; spots and blemishes, rioting in their own deceits, feasting with you;

14 W axay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed.

having eyes full of adultery, and that cease not from sin, alluring unestablished souls; having a heart practised in covetousness, children of curse;

15 J idkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada.

having left straight way they have gone astray, having followed in the path of Balaam of Bosor, who loved reward of unrighteousness;

16 L aakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga.

but had reproof of his own wickedness— dumb ass speaking with man's voice forbad the folly of the prophet.

17 K uwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka.

These are springs without water, and mists driven by storm, to whom the gloom of darkness is reserved.

18 W aayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta;

For speaking great highflown words of vanity, they allure with lusts of flesh, by dissoluteness, those who have just fled those who walk in error,

19 o o waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada.

promising them liberty, while they themselves are slaves of corruption; for by whom a man is subdued, by him is he also brought into slavery.

20 W aayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore.

For if after having escaped the pollutions of the world through knowledge of the Lord and Saviour Jesus Christ, again entangled, they are subdued by these, their last state is worse than the first.

21 I ntii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas.

For it were better for them not to have known the way of righteousness, than having known to turn back from the holy commandment delivered to them.

22 W ixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.

But that of the true proverb has happened to them: dog turned back to his own vomit; and, washed sow to rolling in mud.