Sabuurradii 146 ~ Psalm 146

picture

1 R abbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.

Hallelujah! Praise Jehovah, O my soul.

2 I ntaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa, Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.

As long as I live will I praise Jehovah; I will sing psalms unto my God while I have my being.

3 H a isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.

Put not confidence in nobles, in a son of man, in whom there is no salvation.

4 N aftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.

His breath goeth forth, he returneth to his earth; in that very day his purposes perish.

5 W axaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,

Blessed is he who hath the God of Jacob for his help, whose hope is in Jehovah his God,

6 O o sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,

Who made the heavens and the earth, the sea and all that is therein; who keepeth truth for ever;

7 O o kuwa la dulmay u garsoora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa.

Who executeth judgment for the oppressed, who giveth bread to the hungry. Jehovah looseth the prisoners;

8 R abbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.

Jehovah openeth the blind; Jehovah raiseth up them that are bowed down; Jehovah loveth the righteous;

9 R abbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.

Jehovah preserveth the strangers; he lifteth up the fatherless and the widow; but the way of the wicked doth he subvert.

10 R abbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.

Jehovah will reign for ever, thy God, O Zion, from generation to generation. Halleluiah!