Taariikhdii Kowaad 16 ~ 1 Chronicles 16

picture

1 O o iyana sanduuqii Ilaah gudahay soo geliyeen, oo dhex dhigeen teendhadii Daa'uud u dhisay, oo waxay Ilaah hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.

And they brought in the ark of God, and set it in the midst of the tent that David had spread for it; and they presented burnt-offerings and peace-offerings before God.

2 O o Daa'uudna markuu dhammeeyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaannadii nabaadiinada ee uu bixinayay ayuu dadkii ugu duceeyey magicii Rabbiga.

And when David had ended offering up the burnt-offerings and the peace-offerings, he blessed the people in the name of Jehovah.

3 O o markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan, nin iyo naagba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah.

And he dealt to every one of Israel, both man and woman, to every one a loaf of bread and a measure and a raisin-cake.

4 O o kuwii reer Laawi qaarkoodna wuxuu u doortay inay ka adeegaan sanduuqa Rabbiga hortiisa, iyo inay xusuustaan oo ku mahadnaqaan oo ammaanaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

And he appointed certain of the Levites to do the service before the ark of Jehovah, and to celebrate, and to thank and praise Jehovah the God of Israel:

5 k uwaasoo ahaa Aasaaf oo kii kowaad ahaa, iyo Sekaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yecii'eel, iyo Shemiiraamood, iyo Yexii'eel, iyo Matityaah, iyo Elii'aab, iyo Benaayaah, iyo Cobeed Edoom, iyo Yecii'eel oo haysan jiray shareerado iyo kataarado, oo Aasaafna wuxuu aad uga dhawaajin jiray suxuun laysku garaaco.

Asaph the chief, and second to him Zechariah, Jeiel, and Shemiramoth, and Jehiel, and Mattithiah, and Eliab, and Benaiah and Obed-Edom, and Jeiel, with instruments of lutes and with harps; and Asaph sounding with cymbals;

6 O o Benaayaah iyo Yaxasii'eel oo wadaaddo ahaana turumbooyin ayay had iyo goorba ku haysan jireen sanduuqii axdiga Ilaah hortiisa. Sabuur Mahadnaqid Ah Ee Daa'uud

and Benaiah and Jahaziel the priests with trumpets continually, before the ark of the covenant of God.

7 O o maalintaas ayaa Daa'uud markii ugu horraysay ku amray inay Aasaaf iyo walaalihiis Rabbiga ku mahadnaqaan.

Then on that day David delivered first to give thanks to Jehovah through Asaph and his brethren.

8 R abbiga ku mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, Falimihiisana dadyowga ka dhex sheega.

Give thanks unto Jehovah, call upon his name; Make known his acts among the peoples.

9 I saga u gabya, oo ammaan ugu gabya, Shuqulladiisa yaabka badan oo dhanna ka hadla.

Sing unto him, sing psalms unto him; Meditate upon all his wondrous works.

10 K u faana magiciisa quduuska ah, Kuwa Rabbiga doondoona qalbigoodu ha reyreeyo.

Glory in his holy name: Let the heart of them rejoice that seek Jehovah.

11 R abbiga iyo xooggiisa doondoona, Oo weligiinba wejigiisa doondoona.

Seek Jehovah and his strength, Seek his face continually;

12 X usuusta shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey, Iyo cajaa'ibyadiisii iyo xukummadii afkiisa,

Remember his wondrous works which he hath done; His miracles, and the judgments of his mouth:

13 K uwiinna farcanka addoonkiisii Israa'iilow, Kuwiisa uu doortay oo reer Yacquub ahow.

Ye seed of Israel his servant, Ye sons of Jacob, his chosen ones.

14 I sagu waa Rabbiga Ilaaheenna ah, Xukummadiisiina waxay ku jiraan dhulka oo dhan.

He, Jehovah, is our God; His judgments are in all the earth.

15 B al idinku weligiin xusuusta axdigiisa, Kaasoo ah hadalkiisii uu dadkii kun qarni ku amray;

Be ye ever mindful of his covenant, The word which he commanded to a thousand generations,—

16 K aasu waa axdigii uu Ibraahim la dhigtay, Oo uu Isxaaq ugu dhaartay,

Which he made with Abraham, And of his oath unto Isaac;

17 O o isla kaas wuxuu u adkeeyey oo qaynuun uga dhigay Yacquub, Oo Israa'iilna wuxuu uga dhigay axdi weligiis jiraya,

And he confirmed it unto Jacob for a statute, Unto Israel for an everlasting covenant,

18 O o wuxuu ku yidhi, Dalka Kancaan waxaan kuu siinayaa Inuu ahaado qaybtii dhaxalkiinna,

Saying, Unto thee will I give the land of Canaan, The lot of your inheritance;

19 M arkaad dad tiro yar ahaydeen, Oo aad aad u yaraydeen, qariibna dalka ku ahaydeen.

When ye were a few men in number, Of small account, and strangers in it.

20 O o iyaguna quruunba quruun bay uga baxeen. Oo intay boqortooyo ka tageen ayay dad kale u gudbeen.

And they went from nation to nation, And from one kingdom to another people.

21 I sagu ninna uma oggolaanin inuu wax yeelo, Haah, oo daraaddood ayuu boqorro u canaantay,

He suffered no man to oppress them, And reproved kings for their sakes,

22 O o wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.

Touch not mine anointed ones, And do my prophets no harm.

23 D adka dhulka oo dhammow, Rabbiga u gabya, Oo badbaadintiisana muujiya maalin ka maalin.

Sing unto Jehovah, all the earth; Publish his salvation from day to day.

24 A mmaantiisana quruumaha dhexdooda ka sheega, Oo shuqulladiisa yaabka badanna dadyowga oo dhan ka dhex sheega.

Declare his glory among the nations, His wondrous works among all peoples.

25 W aayo, Rabbigu waa weyn yahay, waana mudan yahay in aad loo ammaano, Isaga waa in laga cabsado in ka sii badan ilaahyada oo dhan.

For Jehovah is great, and exceedingly to be praised; And he is terrible above all gods.

26 W aayo, dadyowga ilaahyadooda oo dhammu waa sanamyo, Laakiinse Rabbigu isagaa sameeyey samooyinka.

For all the gods of the peoples are idols; But Jehovah made the heavens.

27 S haraf iyo haybaduba hortiisay yaalliin, Xoog iyo farxaduna meeshiisay ku jiraan.

Majesty and splendour are before him; Strength and gladness in his place.

28 D adka qolooyinkiisow, Rabbiga ammaana, Waxaad Rabbiga ka sheegtaan ammaan iyo xoog.

Give unto Jehovah, ye families of peoples, Give unto Jehovah glory and strength!

29 W axaad Rabbiga ka sheegtaan ammaanta magiciisu mudan yahay, Qurbaan u keena, oo hortiisa kaalaya, Rabbiga ku caabuda quruxda quduusnimada,

Give unto Jehovah the glory of his name! Bring an oblation, and come before him: Worship Jehovah in holy splendour.

30 D adka dhulka oo dhammow, hortiisa ku gariira. Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.

Tremble before him, all the earth: The world also is established, it shall not be moved.

31 H addaba samooyinku ha farxeen, dhulkuna ha reyreeyo, Oo quruumaha dhexdooda ha laga yidhaahdo, Rabbigu waa boqor.

Let the heavens rejoice, and let the earth be glad; And let them say among the nations, Jehovah reigneth!

32 B adda iyo waxa ka buuxaba ha guuxeen, Berriga iyo waxa ku jira oo dhammuna ha farxeen,

Let the sea roar, and the fulness thereof; Let the field exult, and all that is therein.

33 O o markaasay dhirta duurka Rabbiga hortiisa ku gabyi doonaan farxad daraaddeed, Waayo, isagu waa u imanayaa inuu dhulka xukumo.

Then shall the trees of the forest sing out at the presence of Jehovah, For he cometh to judge the earth.

34 R abbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna way sii waartaa weligeedba.

Give thanks unto Jehovah, for he is good; For his loving-kindness for ever.

35 O o waxaad tidhaahdaan, Ilaaha badbaadadayadow, Na badbaadi, Oo na soo wada ururi oo quruumahana naga samatabbixi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.

And say, Save us, O God of our salvation, And gather us, and deliver us from the nations, To give thanks unto thy holy name, To triumph in thy praise.

36 W axaa mahad leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Tan iyo weligiis iyo weligiisba. Markaasaa dadkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, oo Rabbigay ammaaneen.

Blessed be Jehovah the God of Israel, from eternity and to eternity! And all the people said, Amen! and praised Jehovah.

37 K olkaasuu halkaas sanduuqii axdiga Rabbiga hortiisa kaga tegey Aasaaf iyo walaalihiis inay had iyo goor ka adeegaan sanduuqa hortiisa sidii maalin walba shuqulkeeda loo doonayay,

And he left there, before the ark of the covenant of Jehovah, Asaph and his brethren, to do the service before the ark continually, as every day's duty required;

38 i saga iyo Cobeed Edoom oo ay la jiraan siddeed iyo lixdan nin oo walaalahood ah, oo weliba Cobeed Edoom oo ahaa ina Yeduutuun iyo Xosaahna wuxuu uga tegey inay ahaadaan iridjoogayaal.

and Obed-Edom, and their brethren, sixty-eight; Obed-Edom also, the son of Jeduthun, and Hosah as doorkeepers.

39 O o wadaadkii Saadooq iyo wadaaddadii walaalihiis ahaana wuxuu kaga hor tegey taambuuggii Rabbiga oo ku yiil meeshii sare oo Gibecoon,

And Zadok the priest, and his brethren the priests, before the tabernacle of Jehovah in the high place that was at Gibeon,

40 i n had iyo goor subax iyo habeenba meeshii qurbaanka la gubo ay Rabbiga ugu dul bixiyaan qurbaanno la gubo kuwaasoo ahaa sidii dhammaan waxa ku qoran sharciga Rabbiga, oo uu reer binu Israa'iil ku amray.

to offer up burnt-offerings to Jehovah on the altar of burnt-offering continually, morning and evening, and according to all that is written in the law of Jehovah, which he commanded Israel;

41 O o wuxuu kaloo la reebay Heemaan iyo Yeduutuun iyo kuwii kaloo la doortay oo loo magacaabay inay Rabbiga ku mahadnaqaan, maxaa yeelay, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

and with them Heman and Jeduthun, and the rest that were chosen, who were expressed by name, to give thanks to Jehovah, because his loving-kindness for ever;

42 O o waxaa iyaga la jiray Heemaan iyo Yeduutuun oo haystay turumbooyin iyo suxuun laysku garaaco oo ay leeyihiin kuwa aad wax uga dhawaajiya, iyo alaabtii lagu qaadi jiray gabayadii Ilaah, oo ilma Yeduutuunna wuxuu kaga tegey inay iridda joogaan.

and with them, Heman and Jeduthun, trumpets and cymbals for those that should sound aloud; and the musical instruments of God. And the sons of Jeduthun were at the gate.

43 M arkaasaa dadkii oo dhan qof waluba gurigiisii tegey, oo Daa'uudna wuxuu u noqday inuu reerkiisii u duceeyo aawadeed.

And all the people departed every one to his house; and David returned to bless his household.