1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
And Jehovah spoke to Moses, saying,
2 R eer binu Israa'iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,)
Command the children of Israel, and say unto them, When ye come into the land of Canaan, this shall be the land that shall fall to you for an inheritance, the land of Canaan according to the borders thereof.
3 w aaxdiinna koonfureed waxay ahaan doontaa cidlada Sin iyo tan iyo dhinaca Edom, oo soohdintiinna koonfureedna waxay ka bilaaban doontaa Badda Cusbada leh darafkeeda bari,
Then your south side shall be from the wilderness of Zin alongside of Edom, and your southern border shall be from the end of the salt sea eastward;
4 o o soohdintiinnuna waxay la soo wareegi doontaa xagga koonfureed oo jiirtii Caqrabbiim, oo waxay u gudbi doontaa ilamaa Sin, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Qaadeesh Barneeca xaggeeda koonfureed, oo waxay u sii bixi doontaa xagga Hasar Addaar, oo waxay u sii dhaafi doontaa ilaa Casmoon.
and your border shall turn from the south of the ascent of Akrabbim, and pass on to Zin, and shall end southward at Kadesh-barnea, and shall go on to Hazar-Addar, and pass on to Azmon.
5 O o soohdintu waxay la soo wareegi doontaa Casmoon ilaa tan iyo durdurka Masar, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa xagga badda.
And the border shall turn from Azmon unto the torrent of Egypt, and shall end at the sea.
6 O o soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed.
And as west border ye shall have the great sea, and coast. This shall be your west border.
7 O o intanuna waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi, waxaad ka tilmaansataan badda weyn ilaa tan iyo Buur Xor.
And this shall be your north border: from the great sea ye shall mark out for you mount Hor;
8 O o Buur Xorna waxaad ka tilmaansataan ilaa tan iyo meesha Hamaad laga galo, oo soohdinta dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Sedaad.
from mount Hor ye shall mark out the entrance to Hamath, and the end of the border shall be toward Zedad;
9 O o soohdintu waxay u bixi doontaa xagga Sifron, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Hasar Eenaan. Taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi.
and the border shall go to Ziphron, and shall end at Hazar-enan. This shall be your north border.
10 O o soohdintiinna barina waxaad ka tilmaansataan Hasar Eenaan ilamaa tan iyo Shefaam.
And ye shall mark out for you as eastern border from Hazar-enan to Shepham:
11 O o soohdintu waxay hoos uga dhaadhici doontaa Shefaam iyo ilamaa Riblaah oo ah Cayn xaggeeda bari, oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa oo gaadhi doontaa badda Kinnered dhinaceeda bari.
and the border shall go down from Shepham to Riblah, on the east side of Ain; and the border shall descend, and shall strike upon the extremity of the sea of Chinnereth eastward;
12 O o soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin.
and the border shall go down to the Jordan, and shall end at the salt sea. This shall be your land according to the borders thereof round about.
13 M arkaasaa Muuse amray reer binu Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis,
And Moses commanded the children of Israel, saying, This is the land which ye shall take for yourselves as inheritance by lot, which Jehovah commanded to give to the nine tribes, and to the half tribe.
14 w aayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii.
For the tribe of the children of the Reubenites according to their fathers' houses, and the tribe of the children of the Gadites according to their fathers' houses, have received, and half the tribe of Manasseh have received their inheritance;
15 L abadaas qabiil iyo qabiilka badhkiis waxay dhaxalkoodii u heleen Webi Urdun shishadiisa, ee Yerixoo barigeeda ah, xagga qorrax ka soo baxa.
the two tribes and the half tribe have received their inheritance on this side the Jordan of Jericho eastward, toward the sun-rising.
16 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
And Jehovah spoke to Moses, saying,
17 N imanka dalka dhaxal idiinku qaybin doonaa magacyadoodii waa kuwan: wadaadka Elecaasaar ah iyo Yashuuca ina Nuun.
These are the names of the men who shall divide the land unto you: Eleazar the priest, and Joshua the son of Nun.
18 O o qabiil kastana waa inaad amiir kala soo baxdaan inay dalka dhaxal u kala qaybiyaan.
And ye shall take one prince of every tribe, to divide the land.
19 O o nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh.
And these are the names of the men: for the tribe of Judah, Caleb the son of Jephunneh;
20 Q abiilka reer Simecoonna, Shemuu'eel ina Cammiihuud.
and for the tribe of the children of Simeon, Samuel the son of Ammihud;
21 Q abiilka reer Benyaamiinna, Eliidaad ina Kisloon.
for the tribe of Benjamin, Elidad the son of Chislon;
22 Q abiilka reer Daanna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Buqii ina Yaaglii.
and for the tribe of the children of Dan, a prince, Bukki the son of Jogli;
23 R eer Yuusufna, qabiilka reer Manaseh waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Xannii'eel ina Eefod.
for the children of Joseph: for the tribe of the children of Manasseh, a prince, Hanniel the son of Ephod,
24 Q abiilka reer Efrayimna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Qemuu'eel ina Shiftaan.
and for the tribe of the children of Ephraim, a prince, Kemuel the son of Shiphtan;
25 Q abiilka reer Sebulunna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Eliisaafaan ina Farnaag.
and for the tribe of the children of Zebulun, a prince, Elizaphan the son of Pharnach;
26 Q abiilka reer Isaakaarna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Faltii'eel ina Casaan.
and for the tribe of the children of Issachar, a prince, Phaltiel the son of Azzan;
27 Q abiilka reer Aasheerna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Axiihuud ina Shelomii.
and for the tribe of the children of Asher, a prince, Ahihud the son of Shelomi;
28 Q abiilka Naftaalina waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Fedaheel ina Cammiihuud.
and for the tribe of the children of Naphtali, a prince, Phedahel the son of Ammihud.
29 K uwaasu waa inta Rabbigu ku amray inay reer binu Israa'iil dhaxalka ugu qaybiyaan dalka Kancaan.
These are they whom Jehovah commanded to distribute to the children of Israel their inheritance in the land of Canaan.