Maahmaahyadii 24 ~ Proverbs 24

picture

1 D ad shar leh ha ka masayrin, Hana jeclaysan inaad iyaga la joogtid.

Be not thou envious against evil men; Neither desire to be with them:

2 W aayo, qalbigoodu wuxuu ka fikiraa kharribaad, Oo bushimahooduna waxay ku hadlaan belaayo.

For their heart studieth oppression, And their lips talk of mischief.

3 G uri wuxuu ku dhismaa xigmad, Wuxuuna ku taagnaadaa waxgarasho,

Through wisdom is a house builded; And by understanding it is established;

4 Q awladuhuna aqoontay kaga buuxsamaan Maal kasta oo qaali ah oo qurux badan.

And by knowledge are the chambers filled With all precious and pleasant riches.

5 N inkii caqli lahu xoog buu leeyahay, Oo ninkii aqoon lahuna itaal buu sii korodhsadaa.

A wise man is strong; Yea, a man of knowledge increaseth might,

6 W aayo, waa inaad talo wanaagsan ku dagaallantaa, Oo waxaa taliyayaal badan la jirta nabadgelyo.

For by wise guidance thou shalt make thy war; And in the multitude of counsellors there is safety.

7 X igmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.

Wisdom is too high for a fool: He openeth not his mouth in the gate.

8 K ii ku fikira inuu xumaan sameeyo, Waxaa loogu yeedhi doonaa belaayo-sameeye.

He that deviseth to do evil, Men shall call him a mischief-maker.

9 F ikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.

The thought of foolishness is sin; And the scoffer is an abomination to men.

10 M aalinta dhibaatada haddaad liicdid, Itaalkaagu waa yar yahay.

If thou faint in the day of adversity, Thy strength is small.

11 S amatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.

Deliver them that are carried away unto death, And those that are ready to be slain see that thou hold back.

12 H addaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?

If thou sayest, Behold, we knew not this; Doth not he that weigheth the hearts consider it? And he that keepeth thy soul, doth not he know it? And shall not he render to every man according to his work?

13 W iilkaygiiyow, malab cun, waayo, wuu wanaagsan yahay, Oo waxaad cuntaa awlallada malabka, taas oo kuu dhadhan macaan.

My son, eat thou honey, for it is good; And the droppings of the honeycomb, which are sweet to thy taste:

14 O o xigmadda aqoonteeduna sidaasoo kalay naftaada u ahaan doontaa, Oo haddaad iyada heshid waxaa jiri doona abaalgud, Oo rajadaaduna ma go'i doonto.

So shalt thou know wisdom to be unto thy soul; If thou hast found it, then shall there be a reward, And thy hope shall not be cut off.

15 S ida nin shar leh, ha u gabban kan xaqa ah gurigiisa, Oo rugtiisa nasashadana ha kharribin.

Lay not wait, O wicked man, against the habitation of the righteous; Destroy not his resting-place:

16 W aayo, nin xaq ahu toddoba goor buu dhacaa, wuuna soo sara kacaa haddana, Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu afgembiyaa belaayo.

For a righteous man falleth seven times, and riseth up again; But the wicked are overthrown by calamity.

17 H a rayrayn markuu cadowgaagu dhaco, Oo qalbigaaguna yaanu farxin markuu turunturoodo,

Rejoice not when thine enemy falleth, And let not thy heart be glad when he is overthrown;

18 W aayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

Lest Jehovah see it, and it displease him, And he turn away his wrath from him.

19 X umaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

Fret not thyself because of evil-doers; Neither be thou envious at the wicked:

20 W aayo, kii shar leh abaalgud ma heli doono, Oo laambadda xumaanfalayaashana waa la bakhtiin doonaa.

For there shall be no reward to the evil man; The lamp of the wicked shall be put out.

21 W iilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,

My son, fear thou Jehovah and the king; And company not with them that are given to change:

22 W aayo, belaayadoodu si degdeg ah ayay u soo kici doontaa, Oo bal yaa yaqaan baabbi'inta labadoodaba? Erayada Kale Oo Kuwa Caqliga Leh

For their calamity shall rise suddenly; And the destruction from them both, who knoweth it?

23 O o weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.

These also are sayings of the wise. To have respect of persons in judgment is not good.

24 K ii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,

He that saith unto the wicked, Thou art righteous; Peoples shall curse him, nations shall abhor him:

25 L aakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.

But to them that rebuke him shall be delight, And a good blessing shall come upon them.

26 K ii jawaab qumman ku jawaabaa Bushimuhuu dhunkadaa.

He kisseth the lips Who giveth a right answer.

27 S huqulkaaga dibadda ku hagaajiso, Oo beerta ku diyaarso, Oo dabadeedna gurigaaga dhiso.

Prepare thy work without, And make it ready for thee in the field; And afterwards build thy house.

28 D eriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.

Be not a witness against thy neighbor without cause; And deceive not with thy lips.

29 H ana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

Say not, I will do so to him as he hath done to me; I will render to the man according to his work.

30 W axaan ag maray ninka caajiska ah beertiisa, Iyo ninka garaadka daran beercanabkiisa,

I went by the field of the sluggard, And by the vineyard of the man void of understanding;

31 O o bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.

And, lo, it was all grown over with thorns, The face thereof was covered with nettles, And the stone wall thereof was broken down.

32 M arkaasaan eegay oo aad uga fiirsaday, Waan fiiriyey oo wax ka bartay.

Then I beheld, and considered well; I saw, and received instruction:

33 W eliba in yar baad seexanaysaa, oo in yar baad gam'aysaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo u laabaysaa,

Yet a little sleep, a little slumber, A little folding of the hands to sleep;

34 H addaba caydhnimo waa kuu iman doontaa sida tuug oo kale, Oo baahina sida nin hub sita oo kale.

So shall thy poverty come as a robber, And thy want as an armed man.