1 M arkaasuu dib igu soo celiyey iriddii dibadda ee meesha quduuska ah oo xagga bari u sii jeedday, oo way xidhnayd.
Then he brought me back by the way of the outer gate of the sanctuary, which looketh toward the east; and it was shut.
2 K olkaasaa Rabbigu igu yidhi, Albaabkanu waa xidhnaanayaa, oo lama furi doono, oo ciduna kama soo geli doonto, waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil baa ka galay, oo sidaas daraaddeed buu u xidhnaanayaa.
And Jehovah said unto me, This gate shall be shut; it shall not be opened, neither shall any man enter in by it; for Jehovah, the God of Israel, hath entered in by it; therefore it shall be shut.
3 X agga amiirka amiir ahaan buu ugu fadhiisan doonaa oo Rabbiga hortiisa kibis ugu cuni doonaa. Wuxuu ka soo geli doonaa jidka balbalada ee iridda, oo isla jidkaas ayuu ka bixi doonaa.
As for the prince, he shall sit therein as prince to eat bread before Jehovah; he shall enter by the way of the porch of the gate, and shall go out by the way of the same.
4 M arkaasuu i keenay jidkii iridda woqooyi ee daarta ku hor yiil, oo waan fiiriyey oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii Rabbiga ka buuxsantay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
Then he brought me by the way of the north gate before the house; and I looked, and, behold, the glory of Jehovah filled the house of Jehovah: and I fell upon my face.
5 M arkaasaa Rabbigu igu yidhi, Wiilka Aadamow, aad u fiirso, oo bal indhaha ku arag, oo bal dhegaha ku maqal waxa aan kugu leeyahay ee ku saabsan qaynuunnada daarta Rabbiga oo dhan, iyo sharciyadeeda oo dhan, oo aad u fiirso daarta iridda laga soo galo, iyo meesha quduuska ah meelaheeda laga baxo oo dhan.
And Jehovah said unto me, Son of man, mark well, and behold with thine eyes, and hear with thine ears all that I say unto thee concerning all the ordinances of the house of Jehovah, and all the laws thereof; and mark well the entrance of the house, with every egress of the sanctuary.
6 O o waxaad caasiyiinta reer binu Israa'iil ah ku tidhaahdaa, Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa ee hore ha idinku filnaadeen,
And thou shalt say to the rebellious, even to the house of Israel, Thus saith the Lord Jehovah: O ye house of Israel, let it suffice you of all your abominations,
7 w aayo, meeshayda quduuska ah waxaad soo geliseen shisheeyayaal aan qalbiga ka gudnayn, oo aan jidhka ka gudnaynba inay soo galaan, oo ay nijaaseeyaan xataa daartayda markaad bixinaysaan cuntadayda ah baruurta iyo dhiigga, oo axdigaygii baad ku jebiseen waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa oo dhan.
in that ye have brought in foreigners, uncircumcised in heart and uncircumcised in flesh, to be in my sanctuary, to profane it, even my house, when ye offer my bread, the fat and the blood, and they have broken my covenant, to add unto all your abominations.
8 O o idinku ma aydaan dhawrin adeegiddii waxyaalahayga quduuska ah, laakiinse waxaad meeshayda quduuska ah dhigateen kuwo adeegidda idiin dhawra.
And ye have not kept the charge of my holy things; but ye have set keepers of my charge in my sanctuary for yourselves.
9 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shisheeyaha reer binu Israa'iil ku dhex jira oo ah shisheeye aan qalbiga ka gudnayn oo aan jidhka ka gudnayn toona waa inuusan meeshayda quduuska ah gelin.
Thus saith the Lord Jehovah, No foreigner, uncircumcised in heart and uncircumcised in flesh, shall enter into my sanctuary, of any foreigners that are among the children of Israel.
10 O o markay reer binu Israa'iil baadiyoobeen kuwii reer Laawi oo iga fogaaday, oo intay iga fogaadeen sanamyadoodii ka daba galay, waxay sidan doonaan xumaantooda.
But the Levites that went far from me, when Israel went astray, that went astray from me after their idols, they shall bear their iniquity.
11 L aakiinse iyagu waxay ka dhex adeegi doonaan meeshayda quduuska ah, iyagoo daarta irdaheeda u taliya, oo daarta ka adeegaya, oo waxay dadka u gowraci doonaan qurbaanka la gubo iyo allabariga, oo hortooday u istaagi doonaan inay iyaga u adeegaan.
Yet they shall be ministers in my sanctuary, having oversight at the gates of the house, and ministering in the house: they shall slay the burnt-offering and the sacrifice for the people, and they shall stand before them to minister unto them.
12 S ayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxay iyaga ugu hor adeegeen sanamyadooda, oo waxay reer binu Israa'iil u noqdeen xumaan ay ku turunturoodaan, sidaas daraaddeed ayaan gacantayda ugu qaaday, oo waxay sidan doonaan xumaantoodii.
Because they ministered unto them before their idols, and became a stumblingblock of iniquity unto the house of Israel; therefore have I lifted up my hand against them, saith the Lord Jehovah, and they shall bear their iniquity.
13 O o iyagu iima ay soo dhowaan doonaan inay ii sameeyaan shuqulkii wadaadnimada, oo waxyaalahayga quduuska ahna uma ay soo dhowaan doonaan kuwaasoo ah waxyaalaha ugu quduusan, laakiinse iyagaa sidan doona ceebtoodii iyo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen.
And they shall not come near unto me, to execute the office of priest unto me, nor to come near to any of my holy things, unto the things that are most holy; but they shall bear their shame, and their abominations which they have committed.
14 L aakiinse waxaan iyaga ka dhigi doonaa kuwo daarta taladeeda haya, oo sameeya hawsheeda oo dhan, iyo waxa gudaheeda lagu samayn doono oo dhan.
Yet will I make them keepers of the charge of the house, for all the service thereof, and for all that shall be done therein.
15 L aakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wadaaddadii reer Laawi oo ah farcankii Saadooq oo adeegiddii meeshayda quduuska ah xajiyey markay reer binu Israa'iil iga baadiyoobeen, iyagu way ii soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan aawadeed, oo hortayday u soo istaagi doonaan inay baruurta iyo dhiigga ii soo bixiyaan.
But the priests the Levites, the sons of Zadok, that kept the charge of my sanctuary when the children of Israel went astray from me, they shall come near to me to minister unto me; and they shall stand before me to offer unto me the fat and the blood, saith the Lord Jehovah:
16 M eeshayda quduuska ah way soo geli doonaan, oo miiskayga way ugu soo dhowaan doonaan inay ii adeegaan, oo adeegiddaydana way xajin doonaan.
they shall enter into my sanctuary, and they shall come near to my table, to minister unto me, and they shall keep my charge.
17 O o markay irdaha barxadda gudaha soo galaan waa inay dhar linen ah xidhaan, oo intay irdaha barxadda gudaha iyo daarta gudaheeda ka adeegayaan waa inaan wax dhogor ahu korkooda taaban.
And it shall be that, when they enter in at the gates of the inner court, they shall be clothed with linen garments; and no wool shall come upon them, while they minister in the gates of the inner court, and within.
18 W aa inay madaxa ku duubtaan cimaamado linen ah, oo dhexdana waa inay surwaallo linen ah ku xidhaan, oo innaba waa inayan wax ka dhididiya guntaan.
They shall have linen tires upon their heads, and shall have linen breeches upon their loins; they shall not gird themselves with anything that causeth sweat.
19 O o markay barxadda dibadda u soo baxaan taasoo ah barxadda dibadda ee uu dadku joogo waa inay dharkii ay ku adeegeen iska bixiyaan, oo waa inay qolladaha quduuska ah dhigaan, oo waa inay dhar kale gashadaan si ayan dadka kale dharkooda quduus ugaga dhigin.
And when they go forth into the outer court, even into the outer court to the people, they shall put off their garments wherein they minister, and lay them in the holy chambers; and they shall put on other garments, that they sanctify not the people with their garments.
20 O o waa inayan madaxooda xiirin ama ayan timahoodu inay dheeraadaan u oggolaan, waase inay timahooda jaraan.
Neither shall they shave their heads, nor suffer their locks to grow long; they shall only cut off the hair of their heads.
21 O o markay barxadda gudaha soo galaanna wadaadna waa inuusan innaba khamri cabbin.
Neither shall any of the priests drink wine, when they enter into the inner court.
22 O o waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.
Neither shall they take for their wives a widow, nor her that is put away; but they shall take virgins of the seed of the house of Israel, or a widow that is the widow of a priest.
23 O o waa inay dadkayga baraan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn waxay ku kala duwan yihiin, oo waxay ka dhigi doonaan inay kala gartaan waxa nijaasta ah iyo waxa nadiifta ah.
And they shall teach my people the difference between the holy and the common, and cause them to discern between the unclean and the clean.
24 O o markay dacwo timaadona waa inay garsoorid u istaagaan, oo waa inay si xukummadayda waafaqsan wax u xukumaan, oo iidahayga oo dhanna waa inay sharciyadayda iyo qaynuunnadaydaba ku dhawraan, oo sabtiyadaydana waa inay quduus ka dhigaan.
And in a controversy they shall stand to judge; according to mine ordinances shall they judge it: and they shall keep my laws and my statutes in all my appointed feasts; and they shall hallow my sabbaths.
25 O o waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.
And they shall go in to no dead person to defile themselves; but for father, or for mother, or for son, or for daughter, for brother, or for sister that hath had no husband, they may defile themselves.
26 O o markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.
And after he is cleansed, they shall reckon unto him seven days.
27 O o Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu meesha quduuska ah iyo barxadda gudaha ah galo, si uu meesha quduuska ah uga dhex adeego aawadeed, waa inuu qurbaankiisii dembiga bixiyaa.
And in the day that he goeth into the sanctuary, into the inner court, to minister in the sanctuary, he shall offer his sin-offering, saith the Lord Jehovah.
28 O o dhaxalkay heli doonaan waa aniga. Anigaa ah dhaxalkoodii, oo waa inaydaan innaba dalka reer binu Israa'iil hanti ku siin, waayo, anigaa ah hantidoodii.
And they shall have an inheritance: I am their inheritance; and ye shall give them no possession in Israel; I am their possession.
29 O o iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.
They shall eat the meal-offering, and the sin-offering, and the trespass-offering; and every devoted thing in Israel shall be theirs.
30 O o wax kasta oo midhaha ugu horreeya cayn kastaba, iyo qurbaannadiinna oo dhan cayn kasta oo ay yihiinba waxaa iska leh wadaaddada. Oo cajiinkiinna cadka ugu horreeyana waa inaad wadaadka siisaan si ay barako reerkiinna ugu soo degto.
And the first of all the first-fruits of every thing, and every oblation of everything, of all your oblations, shall be for the priest: ye shall also give unto the priests the first of your dough, to cause a blessing to rest on thy house.
31 W adaaddadu waa inayan wax iska bakhtiyey, ama wax bahal dilay haad iyo dugaag midu yahayba cunin.
The priests shall not eat of anything that dieth of itself, or is torn, whether it be bird or beast.