Sabuurradii 40 ~ Psalm 40

picture

1 A nigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,

I waited patiently for Jehovah; And he inclined unto me, and heard my cry.

2 O o weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.

He brought me up also out of a horrible pit, out of the miry clay; And he set my feet upon a rock, and established my goings.

3 O o afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.

And he hath put a new song in my mouth, even praise unto our God: Many shall see it, and fear, And shall trust in Jehovah.

4 W axaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.

Blessed is the man that maketh Jehovah his trust, And respecteth not the proud, nor such as turn aside to lies.

5 R abbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.

Many, O Jehovah my God, are the wonderful works which thou hast done, And thy thoughts which are to us-ward; They cannot be set in order unto thee; If I would declare and speak of them, They are more than can be numbered.

6 A llabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.

Sacrifice and offering thou hast no delight in; Mine ears hast thou opened: Burnt-offering and sin-offering hast thou not required.

7 O o markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.

Then said I, Lo, I am come; In the roll of the book it is written of me:

8 I laahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.

I delight to do thy will, O my God; Yea, thy law is within my heart.

9 X aqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.

I have proclaimed glad tidings of righteousness in the great assembly; Lo, I will not refrain my lips, O Jehovah, thou knowest.

10 X aqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.

I have not hid thy righteousness within my heart; I have declared thy faithfulness and thy salvation; I have not concealed thy lovingkindness and thy truth from the great assembly.

11 R abbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.

Withhold not thou thy tender mercies from me, O Jehovah; Let thy lovingkindness and thy truth continually preserve me.

12 W aayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.

For innumerable evils have compassed me about; Mine iniquities have overtaken me, so that I am not able to look up; They are more than the hairs of my head; And my heart hath failed me.

13 R abbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.

Be pleased, O Jehovah, to deliver me: Make haste to help me, O Jehovah.

14 K uwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.

Let them be put to shame and confounded together That seek after my soul to destroy it: Let them be turned backward and brought to dishonor That delight in my hurt.

15 K uwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.

Let them be desolate by reason of their shame That say unto me, Aha, aha.

16 K uwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!

Let all those that seek thee rejoice and be glad in thee: Let such as love thy salvation say continually, Jehovah be magnified.

17 L aakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Sayidkuse waa i xusuustaa. Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga, Haddaba ha iga raagin.

But I am poor and needy; Yet the Lord thinketh upon me: Thou art my help and my deliverer; Make no tarrying, O my God.