1 R abbigu wuxuu Muuse kula hadlay cidladii Siinay, isagoo ku jira teendhadii shirka, bishii labaad maalinteedii kowaad, oo ah sannaddii labaad oo ay dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed, oo wuxuu ku yidhi,
И сказал Господь Моисею в пустыне Синайской, в скинии собрания, в первый второго месяца, во второй год по выходе их из земли Египетской, говоря:
2 S hirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya.
исчислите все общество сынов Израилевых по родам их, по семействам их, по числу имен, всех мужеского пола поголовно:
3 O o waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.
от двадцати лет и выше, всех годных для войны у Израиля, по ополчениям их исчислите их--ты и Аарон;
4 O o waa inuu idinla jiraa qabiil kasta nin ka mid ah oo reerka aabbihiis madax u ah.
с вами должны быть из каждого колена по одному человеку, который в роде своем есть главный.
5 O o nimanka isla kiin taagi doona magacyadooduna waa kuwan: reer Ruubeen waxaa ka iman Eliisuur ina Shedeeyuur.
И вот имена мужей, которые будут с вами: от Рувима Елицур, сын Шедеура;
6 R eer Simecoonna waxaa ka iman Shelumii'eel ina Suuriishadday.
от Симеона Шелумиил, сын Цуришаддая;
7 R eer Yahuudahna waxaa ka iman Naxshoon ina Cammiinaadaab.
от Иуды Наассон, сын Аминадава;
8 R eer Isaakaarna waxaa ka iman Netaneel ina Suucaar.
от Иссахара Нафанаил, сын Цуара;
9 R eer Sebulunna waxaa ka iman Elii'aab ina Xeelon.
от Завулона Елиав, сын Хелона;
10 O o kuwa reer Yuusufna waxaa reer Efrayim ka iman Eliishaamaac ina Cammiihuud: oo waxaa reer Manaseh ka iman Gamalii'eel ina Fedaahsuur.
от сынов Иосифа: от Ефрема Елишама, сын Аммиуда; от Манассии Гамалиил, сын Педацура;
11 O o reer Benyaamiinna waxaa ka iman Abiidaan ina Gidconii.
от Вениамина Авидан, сын Гидеония;
12 O o reer Daanna waxaa ka iman Axiiceser ina Cammiishadday.
от Дана Ахиезер, сын Аммишаддая;
13 O o reer Aasheerna waxaa ka iman Fagcii'eel ina Cokraan.
от Асира Пагиил, сын Охрана;
14 O o reer Gaadna waxaa ka iman Eliyaasaaf ina Decuu'eel.
от Гада Елиасаф, сын Регуила;
15 O o reer Naftaalina waxaa ka iman Axiirac ina Ceynaan.
от Неффалима Ахира, сын Енана.
16 K uwanu waa kuwa shirka looga yeedhay oo amiirro u ahaa qabiilooyinka aabbayaashood, oo waxay ahaayeen madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil.
Это--избранные мужи общества, начальники колен отцов своих, главы тысяч Израилевых.
17 M arkaasaa Muuse iyo Haaruun waxay kaxaysteen nimankaas la magacaabay,
И взял Моисей и Аарон мужей сих, которые названы поименно,
18 o o shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba.
и собрали они все общество в первый второго месяца. И объявили они родословия свои, по родам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, поголовно,
19 O o Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.
как повелел Господь Моисею. И сделал он счисление им в пустыне Синайской.
20 O o reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
И было сынов Рувима, первенца Израилева, по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, поголовно, всех мужеского пола, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
21 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Ruubeen waxay ahaayeen lix iyo afartan kun iyo shan boqol.
исчислено в колене Рувимовом сорок шесть тысяч пятьсот.
22 O o reer Simecoon farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, kuwii iyaga laga tiriyey sidii ay tirada magacyadoodu ahayd markii madax madax loo tiriyey, nin kasta oo labaatan sannadood jiray iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Симеона по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, поголовно, всех мужеского пола, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
23 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Simecoon waxay ahaayeen sagaal iyo konton kun iyo saddex boqol.
исчислено в колене Симеоновом пятьдесят девять тысяч триста.
24 O o reer Gaadna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Гада по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
25 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Gaad waxay ahaayeen shan iyo afartan kun iyo lix boqol iyo konton.
исчислено в колене Гадовом сорок пять тысяч шестьсот пятьдесят.
26 O o reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Иуды по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
27 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
исчислено в колене Иудином семьдесят четыре тысячи шестьсот.
28 O o reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Иссахара по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
29 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Isaakaar waxay ahaayeen afar iyo konton kun iyo afar boqol.
исчислено в колене Иссахаровом пятьдесят четыре тысячи четыреста.
30 O o reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Завулона по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
31 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Sebulun waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.
исчислено в колене Завулоновом пятьдесят семь тысяч четыреста.
32 O o kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Иосифа, сынов Ефрема по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
33 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilkii reer Efrayim waxay ahaayeen afartan kun iyo shan boqol.
исчислено в колене Ефремовом сорок тысяч пятьсот.
34 O o reer Manasehna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Манассии по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
35 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Manaseh waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.
исчислено в колене Манассиином тридцать две тысячи двести.
36 O o reer Benyaamiinna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Вениамина по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
37 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Benyaamiin waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.
исчислено в колене Вениаминовом тридцать пять тысяч четыреста.
38 O o reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Дана по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
39 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Daan waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.
исчислено в колене Дановом шестьдесят две тысячи семьсот.
40 O o reer Aasheerna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Асира по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
41 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Aasheer waxay ahaayeen kow iyo afartan kun iyo shan boqol.
исчислено в колене Асировом сорок одна тысяча пятьсот.
42 O o reer Naftaalina farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,
Сынов Неффалима по родам их, по племенам их, по семействам их, по числу имен, от двадцати лет и выше, всех годных для войны,
43 i ntii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Naftaali waxay ahaayeen saddex iyo konton kun iyo afar boqol.
исчислено в колене Неффалимовом пятьдесят три тысячи четыреста.
44 K uwaasu waa kuwii la tiriyey, oo ay tiriyeen Muuse iyo Haaruun iyo amiirradii reer binu Israa'iil oo laba iyo toban nin ahaa oo midkood kastaba loo soocay reerkii aabbihiis.
Вот вошедшие в исчисление, которых исчислил Моисей и Аарон и начальники Израиля--двенадцать человек, по одному человеку из каждого племени.
45 H addaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,
И было всех, вошедших в исчисление, сынов Израилевых, по семействам их, от двадцати лет и выше, всех годных для войны у Израиля,
46 x ataa intii la tiriyey oo dhammu waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun, iyo shan boqol iyo konton.
и было всех вошедших в исчисление шестьсот три тысячи пятьсот пятьдесят.
47 L aakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin.
А левиты по поколениям отцов их не были исчислены между ними.
48 W aayo, Rabbigu waa la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi,
И сказал Господь Моисею, говоря:
49 Q abiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,
только колена Левиина не вноси в перепись, и не исчисляй их вместе с сынами Израиля;
50 l aakiinse reer Laawi waxaad u doorataa inay u taliyaan taambuugga maragga, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo waxa uu isagu leeyahay oo dhan. Iyagu waa inay taambuugga iyo alaabtiisa oo dhan sidaan, oo ay u adeegaan, oo ay taambuugga hareerihiisa degaan.
но поручи левитам скинию откровения и все принадлежности ее и всё, что при ней; пусть они носят скинию и все принадлежности ее, и служат при ней, и около скинии пусть ставят стан свой;
51 O o markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.
и когда надобно переносить скинию, пусть поднимают ее левиты, и когда надобно остановиться скинии, пусть ставят ее левиты; а если приступит кто посторонний, предан будет смерти.
52 O o reer binu Israa'iilna markay teendhooyinkooda dhistaan, nin waluba tiisa xeradiisa ha ka dhisto, oo nin waluba calankiisa ha uga ag dhisto sida ciidammadoodu yihiin.
Сыны Израилевы должны становиться каждый в стане своем и каждый при своем знамени, по ополчениям своим;
53 L aakiinse reer Laawi waa inay teendhooyinkooda ka dhistaan taambuugga maragga hareerihiisa, si aan cadho ugu soo degin shirka reer binu Israa'iil; oo reer Laawi waa inay u taliyaan taambuugga maragga.
а левиты должны ставить стан около скинии откровения, чтобы не было гнева на общество сынов Израилевых, и будут левиты стоять на страже у скинии откровения.
54 O o reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay wada yeeleen.
И сделали сыны Израилевы; как повелел Господь Моисею, так они и сделали.