Ruud 2 ~ Руфь 2

picture

1 O o Nimco waxaa ninkeedii qaraabo u ahaan jiray nin xoog badan oo xoolo leh oo reer Eliimeleg ah, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Bocas.

У Ноемини был родственник по мужу ее, человек весьма знатный, из племени Елимелехова, имя ему Вооз.

2 M arkaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay Nimco ku tidhi, Bal i daa aan beerta tagee, oo kii iga raalli noqda, intaan raaco, aan hadhuudh ka soo xaabxaabee. Oo iyana waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tag.

И сказала Руфь Моавитянка Ноемини: пойду я на поле и буду подбирать колосья по следам того, у кого найду благоволение. Она сказала ей: пойди, дочь моя.

3 M arkaasay tagtay, oo markay timid, kuwii beerta gooynayay ayay dabadood beertii xaabxaabtay. Oo nasiibkeeduna waxaa weeye inay timaado beertii uu lahaa Bocas oo ahaa reer Eliimeleg.

Она пошла, и пришла, и подбирала в поле позади жнецов. И случилось, что та часть поля принадлежала Воозу, который из племени Елимелехова.

4 O o bal eeg, Bocas baa wuxuu ka yimid Beytlaxam, oo wuxuu ku yidhi kuwii beerta gooynayay, Rabbigu ha idinla jiro. Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Rabbigu ha ku barakeeyo.

И вот, Вооз пришел из Вифлеема и сказал жнецам: Господь с вами! Они сказали ему: да благословит тебя Господь!

5 M arkaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo?

И сказал Вооз слуге своему, приставленному к жнецам: чья это молодая женщина?

6 M arkaasaa midiidinkii kuwii beerta gooynayay madaxda u ahaa wuxuu Bocas ugu jawaabay, Waa gabadhii reer Moo'aab ee Nimco kala soo noqotay waddankii reer Moo'aab.

Слуга, приставленный к жнецам, отвечал и сказал: эта молодая женщина--Моавитянка, пришедшая с Ноеминью с полей Моавитских;

7 O o waxay igu tidhi, Waan ku baryayaaye aan beerta xaabxaabo, oo aan kuwa beerta gooynaya dabadood xidmooyinka wax ka dhex urursado. Taas aawadeed way timid, oo wax bay urursanaysay subaxdii ilaa haatan, in yar oo ay guriga ku maqnayd mooyaane.

она сказала: 'буду я подбирать и собирать между снопами позади жнецов'; и пришла, и находится с самого утра доселе; мало бывает она дома.

8 M arkaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog.

И сказал Вооз Руфи: послушай, дочь моя, не ходи подбирать на другом поле и не переходи отсюда, но будь здесь с моими служанками;

9 O o waxaad fiirisaa beerta ay gooynayaan, oo iyaga iska daba gal. Miyaanan ragga dhallinyarada ah ku amrin inaanay ku taaban? Oo markaad oontidna xagga weelasha tag oo ka soo cab biyaha ragga dhallinyarada ahu soo dhaamiyeen.

пусть в глазах твоих будет то поле, где они жнут, и ходи за ними; вот, я приказал слугам моим не трогать тебя; когда захочешь пить, иди к сосудам и пей, откуда черпают слуги мои.

10 M arkaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad?

Она пала на лице свое и поклонилась до земли и сказала ему: чем снискала я в глазах твоих милость, что ты принимаешь меня, хотя я и чужеземка?

11 M arkaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.

Вооз отвечал и сказал ей: мне сказано все, что сделала ты для свекрови своей по смерти мужа твоего, что ты оставила твоего отца и твою мать и твою родину и пришла к народу, которого ты не знала вчера и третьего дня;

12 H addaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan.

да воздаст Господь за это дело твое, и да будет тебе полная награда от Господа Бога Израилева, к Которому ты пришла, чтоб успокоиться под Его крылами!

13 K olkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.

Она сказала: да буду я в милости пред очами твоими, господин мой! Ты утешил меня и говорил по сердцу рабы твоей, между тем как я не стою ни одной из рабынь твоих.

14 O o wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay.

И сказал ей Вооз: время обеда; приди сюда и ешь хлеб и обмакивай кусок твой в уксус. И села она возле жнецов. Он подал ей хлеба; она ела, наелась, и еще осталось.

15 O o markay u kacday inay beerta soo xaabxaabto ayaa Bocas wuxuu ku amray raggiisii dhallinyarada ahaa, Xataa xidhmooyinka ha ka dhex xaabxaabto, oo hana canaananina.

И встала, чтобы подбирать. Вооз дал приказ слугам своим, сказав: пусть подбирает она и между снопами, и не обижайте ее;

16 O o weliba xidhmooyinkana qaar uga soo siiba oo u daaya, ha xaabxaabtee, oo hana dagaalina.

да и от снопов откидывайте ей и оставляйте, пусть она подбирает, и не браните ее.

17 S idaas daraaddeed waxay beertii xaabxaabaysay ilaa fiidkii, oo way tuntay wixii ay soo xaabxaabtay, oo waxay u noqotay in ku dhow eefaah shaciir ah.

Так подбирала она на поле до вечера и вымолотила собранное, и вышло около ефы ячменя.

18 M arkaasay kor u qaadatay oo magaaladii gashay; oo soddohdeedna way aragtay wixii ay soo xaabxaabtay; oo waxay u soo bixisay oo siisay wixii ay hambaysay markay dheregtay.

Взяв это, она пошла в город, и свекровь ее увидела, что она набрала. И вынула и дала ей то, что оставила, наевшись сама.

19 M arkaasaa soddohdeed waxay ku tidhi, Xaggee baad maanta wax ka soo xaabxaabtay? Oo xaggee baad ka shaqaysay? Ha barakaysnaado kii ku gartay. Oo iyana waxay soddohdeed u sheegtay kii ay la shaqaysay, oo waxay ku tidhi, Ninkii aan maanta la shaqeeyey magiciisa waxaa la yidhaahdaa Bocas.

И сказала ей свекровь ее: где ты собирала сегодня и где работала? да будет благословен принявший тебя!! объявила свекрови своей, у кого она работала, и сказала: человеку тому, у которого я сегодня работала, имя Вооз.

20 M arkaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood.

И сказала Ноеминь снохе своей: благословен он от Господа за то, что не лишил милости своей ни живых, ни мертвых! И сказала ей Ноеминь: человек этот близок к нам; он из наших родственников.

21 M arkaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan.

Руфь Моавитянка сказала: он даже сказал мне: будь с моими служанками, доколе не докончат они жатвы моей.

22 M arkaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto.

И сказала Ноеминь снохе своей Руфи: хорошо, дочь моя, что ты будешь ходить со служанками его, и не будут оскорблять тебя на другом поле.

23 S idaas daraaddeed waxay la sii joogtay gabdhihii Bocas inay xaabxaabto beerta ilaa gooyntii shaciirka iyo gooyntii sarreenkuba dhammaadeen, oo waxayna la degganayd soddohdeed.

Так была она со служанками Воозовыми и подбирала, доколе не кончилась жатва ячменя и жатва пшеницы, и жила у свекрови своей.