Samuu'eel Kowaad 26 ~ 1-я Царств 26

picture

1 O o waxaa Saa'uul Gibecaah ugu yimid kuwii reer Siif, iyagoo leh, Miyuusan Daa'uud ku dhuuman buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka ku hor taal?

Пришли Зифеи к Саулу в Гиву и сказали: вот, Давид скрывается у нас на холме Гахила, что направо от Иесимона.

2 M arkaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif.

И встал Саул и спустился в пустыню Зиф, и с ним три тысячи отборных мужей Израильских, чтоб искать Давида в пустыне Зиф.

3 K olkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay.

И расположился Саул на холме Гахила, что направо от Иесимона, при дороге; Давид же находился в пустыне и видел, что Саул шел за ним в пустыню;

4 S idaas daraaddeed Daa'uud basaasyuu soo diray, wuxuuna ogaaday in Saa'uul xaqiiqa ahaan yimid.

и послал Давид соглядатаев и узнал, что Саул действительно пришел.

5 M arkaasaa Daa'uud soo kacay oo yimid meeshii Saa'uul degay, oo Daa'uud wuxuu arkay meeshii Saa'uul jiifay, isaga iyo Abneer ina Neer oo ahaa sirkaalkii ciidankiisa, oo Saa'uulna wuxuu jiifay meeshii gaadhifardoodku joogay dhexdeeda, oo dadkuna hareerihiisay degeen.

И встал Давид, и пошел к месту, на котором Саул расположился станом, и увидел Давид место, где спал Саул и Авенир, сын Ниров, военачальник его. Саул же спал в шатре, а народ расположился вокруг него.

6 M arkaasaa Daa'uud jawaabay oo ku yidhi kii reer Xeed oo Axiimeleg ahaa iyo Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo Yoo'aabna walaalkiis ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Yaa ii raacaya Saa'uul xeraduu joogo? Kolkaasaa Abiishay ku yidhi, anaa ku raacaya.

И обратился Давид и сказал Ахимелеху Хеттеянину и Авессе, сыну Саруину, брату Иоава, говоря: кто пойдет со мною к Саулу в стан? И отвечал Авесса: я пойду с тобою.

7 S idaasay Daa'uud iyo Abiishay dadkii ugu yimaadeen habeennimo, oo waxay arkeen Saa'uul oo hurda meeshii gaadhifardoodka dhexdeeda, oo warankiisiina dhulkuu ku mudnaa meel madaxiisa u dhow; oo Abneer iyo dadkiina hareerihiisay jiifeen.

И пришел Давид с Авессою к людям ночью; и вот, Саул лежит, спит в шатре, и копье его воткнуто в землю у изголовья его; Авенир же и народ лежат вокруг него.

8 M arkaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo.

Авесса сказал Давиду: предал Бог ныне врага твоего в руки твои; итак позволь, я пригвожду его копьем к земле одним ударом и не повторю.

9 M arkaasaa Daa'uud wuxuu Abiishay ku yidhi, Ha dilin, waayo, bal yaa gacan u qaadi kara Rabbiga kiisa subkan, oo haddana eedla'aan doona?

Но Давид сказал Авессе: не убивай его; ибо кто, подняв руку на помазанника Господня, останется ненаказанным?

10 O o Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.

И сказал Давид: жив Господь! пусть поразит его Господь, или придет день его, и он умрет, или пойдет на войну и погибнет; меня же да не попустит Господь поднять руку мою на помазанника Господня;

11 R abbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.

а возьми его копье, которое у изголовья его, и сосуд с водою, и пойдем к себе.

12 S idaas aawadeed Daa'uud wuxuu Saa'uul madaxiisii ka ag qaatay warankii iyo kusaddii biyaha; kolkaasay tageen, oo ninnaba ma arkin, lamana ogayn, oo midna ma toosin, waayo, kulligood way wada hurdeen, maxaa yeelay, waxaa xagga Rabbiga kaga soo degtay hurdo weyn.

И взял Давид копье и сосуд с водою у изголовья Саула, и пошли они к себе; и никто не видел, и никто не знал, и никто не проснулся, но все спали, ибо сон от Господа напал на них.

13 M arkaasaa Daa'uud dhankii kale u gudbay oo wuxuu ku dul istaagay buur iyaga in yar ka fog, oo waxaana u dhexeeyey bannaan weyn.

И перешел Давид на другую сторону и стал на вершине горы вдали; большое расстояние между ними.

14 K olkaasaa Daa'uud u dhawaaqay dadkii iyo Abneer oo ahaa ina Neer, oo yidhi, Abneerow, war miyaadan jawaabayn? Markaasaa Abneer jawaabay oo yidhi, Kaaga boqorka u dhawaaqayaa, kumaad tahay?

И воззвал Давид к народу и Авениру, сыну Нирову, говоря: отвечай, Авенир. И отвечал Авенир и сказал: кто ты, что кричишь и царя?

15 M arkaasaa Daa'uud wuxuu Abneer ku yidhi, War sow ma tihid nin rag ah? Yaana kula mid ah oo reer binu Israa'iil ku jira? Haddaba maxaad u dhawri weyday sayidkaaga boqorka ah? Waayo, mid dadka ka mid ah ayaa xerada u galay inuu boqorka sayidkaaga ah dilo.

И сказал Давид Авениру: не муж ли ты, и кто равен тебе в Израиле? Для чего же ты не бережешь господина твоего, царя? ибо приходил некто из народа, чтобы погубить царя, господина твоего.

16 W ar waxan aad samaysay ma wanaagsana. Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaad istaahishaan dhimasho, maxaa yeelay, ma aydaan dhawrin sayidkiinna ah Rabbiga kiisa subkan. Haddaba bal fiiriya boqorka warankiisii iyo kusaddiisii biyaha oo madaxiisa ag yiil.

Нехорошо ты это делаешь; жив Господь! вы достойны смерти за то, что не бережете господина вашего, помазанника Господня. Посмотри, где копье царя и сосуд с водою, что у изголовья его?

17 M arkaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.

И узнал Саул голос Давида и сказал: твой ли это голос, сын мой Давид? И сказал Давид: мой голос, господин мой, царь.

18 O o haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?

И сказал: за что господин мой преследует раба своего? что я сделал? какое зло в руке моей?

19 H addaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.

И ныне пусть выслушает господин мой, царь, слова раба своего: если Господь возбудил тебя против меня, то да будет это от тебя благовонною жертвою; если же--сыны человеческие, то прокляты они пред Господом, ибо они изгнали меня ныне, чтобы не принадлежать мне к наследию Господа, говоря: 'ступай, служи богам чужим'.

20 H addaba sidaas daraaddeed dhiiggaygu yuusan ku daadan meel Rabbiga hortiisa ka fog, waayo, boqorkii reer binu Israa'iilow, waxaad u soo baxday si aad tagfi u doondoonto, oo waa sidii mid buuraha digaagduur ka ugaadhsanaya.

Да не прольется же кровь моя на землю пред лицем Господа; ибо царь Израилев вышел искать одну блоху, как гоняются за куропаткою по горам.

21 M arkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Waan dembaabay, wiilkaygii Daa'uudow, iska noqo, waayo, anigu mar dambe wax ku yeeli maayo, maxaa yeelay, maanta naftaydu qaali bay kula noqotay. Bal eeg, waan nacasoobay oo aad iyo aad baan u qaldamay.

И сказал Саул: согрешил я; возвратись, сын мой Давид, ибо я не буду больше делать тебе зла, потому что душа моя была дорога ныне в глазах твоих; безумно поступал я и очень много погрешал.

22 M arkaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.

И отвечал Давид и сказал: вот копье царя; пусть один из отроков придет и возьмет его;

23 O o Rabbiguna nin walba wuu ka abaalmarin doonaa xaqnimadiisa iyo aaminnimadiisa, waayo, Rabbigu maanta gacantayduu kugu soo riday, aniguse ma aan doonaynin inaan gacantayda u qaado Rabbiga kiisa subkan.

и да воздаст Господь каждому по правде его и по истине его, так как Господь предавал тебя в руки, но я не захотел поднять руки моей на помазанника Господня;

24 O o bal eeg, sida maanta naftaadu iigu dheeraatay, sidaas oo kale naftaydu ha ku dheeraato Rabbiga hortiisa, oo dhibaato oo dhanna ha iga samatabbixiyo.

и пусть, как драгоценна была жизнь твоя ныне в глазах моих, так ценится моя жизнь в очах Господа, и да избавит меня от всякой беды!

25 M arkaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, waad barakaysan tahay. Hubaal xoog baad yeelan doontaa, waadna guulaysan doontaa. Dabadeedna Daa'uud waa iska tegey, Saa'uulna meeshiisuu ku noqday.

И сказал Саул Давиду: благословен ты, сын мой Давид; и дело сделаешь, и превозмочь превозможешь. И пошел Давид своим путем, а Саул возвратился в свое место.