Bilowgii 3 ~ Бытие 3

picture

1 H addaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?

Змей был хитрее всех зверей полевых, которых создал Господь Бог. И сказал змей жене: подлинно ли сказал Бог: не ешьте ни от какого дерева в раю?

2 N aagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa;

И сказала жена змею: плоды с дерев мы можем есть,

3 l aakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine.

только плодов дерева, которое среди рая, сказал Бог, не ешьте их и не прикасайтесь к ним, чтобы вам не умереть.

4 A beesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan;

И сказал змей жене: нет, не умрете,

5 w aayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta.

но знает Бог, что в день, в который вы вкусите их, откроются глаза ваши, и вы будете, как боги, знающие добро и зло.

6 O o markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.

И увидела жена, что дерево хорошо для пищи, и что оно приятно для глаз и вожделенно, потому что дает знание; и взяла плодов его и ела; и дала также мужу своему, и он ел.

7 O o labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen.

И открылись глаза у них обоих, и узнали они, что наги, и сшили смоковные листья, и сделали себе опоясания.

8 O o waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda.

И услышали голос Господа Бога, ходящего в раю во время прохлады дня; и скрылся Адам и жена его от лица Господа Бога между деревьями рая.

9 O o Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?

И воззвал Господь Бог к Адаму и сказал ему: где ты?

10 I sagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey.

Он сказал: голос Твой я услышал в раю, и убоялся, потому что я наг, и скрылся.

11 K olkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin?

И сказал: кто сказал тебе, что ты наг? не ел ли ты от дерева, с которого Я запретил тебе есть?

12 N inkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay.

Адам сказал: жена, которую Ты мне дал, она дала мне от дерева, и я ел.

13 O o Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.

И сказал Господь Бог жене: что ты это сделала? Жена сказала: змей обольстил меня, и я ела.

14 O o Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan:

И сказал Господь Бог змею: за то, что ты сделал это, проклят ты пред всеми скотами и пред всеми зверями полевыми; ты будешь ходить на чреве твоем, и будешь есть прах во все дни жизни твоей;

15 o o colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.

и вражду положу между тобою и между женою, и между семенем твоим и между семенем ее; оно будет поражать тебя в голову, а ты будешь жалить его в пяту.

16 N aagtiina wuxuu ku yidhi, Dhibtaada iyo wallacaaga aad baan u badin doonaa; oo dhib baad carruur ku dhali doontaa; oo waxay doonistaadu ahaan doontaa ninkaaga, wuuna kuu talin doonaa.

Жене сказал: умножая умножу скорбь твою в беременности твоей; в болезни будешь рождать детей; и к мужу твоему влечение твое, и он будет господствовать над тобою.

17 A adanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa.

Адаму же сказал: за то, что ты послушал голоса жены твоей и ел от дерева, о котором Я заповедал тебе, сказав: не ешь от него, проклята земля за тебя; со скорбью будешь питаться от нее во все дни жизни твоей;

18 Q odxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka.

терния и волчцы произрастит она тебе; и будешь питаться полевою травою;

19 W ejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.

в поте лица твоего будешь есть хлеб, доколе не возвратишься в землю, из которой ты взят, ибо прах ты и в прах возвратишься.

20 N inkiina wuxuu naagtiisii u bixiyey Xaawa, maxaa yeelay, waxay ahayd hooyadii waxa nool oo dhan.

И нарек Адам имя жене своей: Ева, ибо она стала матерью всех живущих.

21 R abbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii.

И сделал Господь Бог Адаму и жене его одежды кожаные и одел их.

22 O o Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa:

И сказал Господь Бог: вот, Адам стал как один из Нас, зная добро и зло; и теперь как бы не простер он руки своей, и не взял также от дерева жизни, и не вкусил, и не стал жить вечно.

23 s idaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday.

И выслал его Господь Бог из сада Едемского, чтобы возделывать землю, из которой он взят.

24 K olkaasuu ninkii eryay; Beer Ceeden barigeedana wuxuu taagay Keruubiim, iyo seef ololaysa, oo dhan walba u jeesanaysa, si ay u dhawrto jidka geedka nolosha.

И изгнал Адама, и поставил на востоке у сада Едемского Херувима и пламенный меч обращающийся, чтобы охранять путь к дереву жизни.