Tirintii 23 ~ Числа 23

picture

1 O o Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan.

И сказал Валаам Валаку: построй мне здесь семь жертвенников и приготовь мне семь тельцов и семь овнов.

2 M arkaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku hadlay, oo Baalaaq iyo Balcaam meel kasta oo allabariba waxay ku dul bixiyeen dibi iyo wan.

Валак сделал так, как говорил Валаам, и вознесли Валак и Валаам по тельцу и по овну на каждом жертвеннике.

3 K olkaasaa Balcaam Baalaaq ku yidhi, Allabarigaaga la gubo ah istaag, oo anna waan tegayaa, mindhaa Rabbigu waa iga hor iman doonaa, oo wax alla wixii uu i tuso waan kuu sheegi doonaa. Markaasuu meel sare oo bannaan tegey.

И сказал Валаам Валаку: постой у всесожжения твоего, а я пойду; может быть, Господь выйдет мне навстречу, и что Он откроет мне, я объявлю тебе. И пошел на возвышенное место.

4 K olkaasaa Ilaah Balcaam ka hor yimid, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan diyaariyey toddobada meelood oo allabari, oo meel kastaba waxaan ku dul bixiyey dibi iyo wan.

И встретился Бог с Валаамом, и сказал ему: семь жертвенников устроил я и вознес по тельцу и по овну на каждом жертвеннике.

5 M arkaasaa Rabbigu eray Balcaam afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo oo sidatan ula hadal.

И вложил Господь слово в уста Валаамовы и сказал: возвратись к Валаку и так говори.

6 O o isna markaasuu ku noqday, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, isagii iyo amiirradii reer Moo'aab oo dhan.

И возвратился к нему, и вот, он стоит у всесожжения своего, он и все князья Моавитские.

7 M arkaasuu hadalkiisii bilaabay oo wuxuu yidhi, Baalaaq oo ah boqorkii reer Moo'aab oo ka yimid xagga buuraha bariga Ayaa iga keenay Araam, oo yidhi, Kaalay oo reer Yacquub ii habaar, Oo kaalay, cadhadaadu reer binu Israa'iil ha ku dhacdo.

И произнес притчу свою и сказал: из Месопотамии привел меня Валак, царь Моава, от гор восточных: приди, прокляни мне Иакова, приди, изреки зло на Израиля!

8 B al sidee baan u habaaraa mid aan Ilaah habaarin? Oo sidee baan ugu cadhoodaa mid aan Rabbigu ka cadhaysnayn?

Как прокляну я? Бог не проклинает его. Как изреку зло? Господь не изрекает зла.

9 W aayo, dhagaxyada dushooda ayaan ka arkaa, Oo xagga buuraha ayaan uga jeedaa, Oo bal eeg, waa dad gooni u deggan, Iyagana quruumaha kale laguma tirin doono.

С вершины скал вижу я его, и с холмов смотрю на него: вот, народ живет отдельно и между народами не числится.

10 B al yaa qiyaasi kara reer Yacquub oo sida boodhka ah? Amase yaa tirin kara reer binu Israa'iil rubuciis? Anigu aan u dhinto sida kuwa xaqa ahu u dhintaan, Oo ugu dambaystayduna ha ahaato sida tooda oo kale.

Кто исчислит песок Иакова и число четвертой части Израиля? Да умрет душа моя смертью праведников, и да будет кончина моя, как их!

11 K olkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War waa maxay waxa aad igu samaysay? Waxaan ku soo watay inaad cadaawayaashayda habaartid, laakiinse bal eeg, waad u wada ducaysay.

И сказал Валак Валааму: что ты со мною делаешь? я взял тебя, чтобы проклясть врагов моих, а ты, вот, благословляешь?

12 K olkaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sow waajib iguma aha inaan isjiro si aan ugu hadlo wixii Rabbigu afkayga geliyo? Farriintii Labaad Ee Balcaam

И отвечал он и сказал: не должен ли я в точности сказать то, что влагает Господь в уста мои?

13 M arkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Kaalay, oo meel kale ii raac inaad halkaas iyaga ka aragtid. Waxaad arki doontaa darafkooda, oo kulligood ma arki doontid; haddaba halkaas iiga habaar.

И сказал ему Валак: пойди со мною на другое место, с которого ты увидишь его, но только часть его увидишь, а всего его не увидишь; и прокляни мне его оттуда.

14 M arkaasuu isagii geeyey berrinkii Sofiim xagga Buur Fisgaah dhaladeeda, oo halkaasuu ka dhisay toddoba meelood oo allabari, oo meel kasta wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.

И взял его на место стражей, на вершину Фасги, и построил семь жертвенников, и вознес по тельцу и по овну на каждом жертвеннике.

15 O o markaasuu Baalaaq ku yidhi, Halkan allabarigaaga la gubo ag istaag intaan Rabbiga xaggaas shishe kaga hor tegayo.

И сказал Валаку: постой здесь у всесожжения твоего, а я туда навстречу.

16 M arkaasaa Rabbigu ka hor yimid Balcaam, oo eray buu afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo, oo sidatan ula hadal.

И встретился Господь с Валаамом, и вложил слово в уста его, и сказал: возвратись к Валаку и так говори.

17 M arkaasuu isagii u yimid, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, oo waxaa isaga la jiray amiirradii reer Moo'aab. Kolkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, War Rabbigu muxuu ku hadlay?

И пришел к нему, и вот, он стоит у всесожжения своего, и с ним князья Моавитские. И сказал ему Валак: что говорил Господь?

18 M arkaasuu hadalkiisii sii watay, oo wuxuu yidhi, Baalaaq, kac oo maqal, Bal aniga i dhegayso, ina Sifoorow.

Он произнес притчу свою и сказал: встань, Валак, и послушай, внимай мне, сын Сепфоров.

19 I laah ma aha nin been sheego; Mana aha binu-aadmi qoomameeyo. Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn? Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?

Бог не человек, чтоб Ему лгать, и не сын человеческий, чтоб Ему изменяться. Он ли скажет и не сделает? будет говорить и не исполнит?

20 B al eeg, waxaa laygu amray inaan u duceeyo. Isagaa barakeeyey, anna barakadaas ma aan beddeli karo.

Вот, благословлять начал я, ибо Он благословил, и я не могу изменить сего.

21 I sagu reer Yacquub dembi kuma uu arag, Oo reer binu Israa'iil qalloocsanaan ugama uu jeedin. Rabbiga Ilaahood ah ayaa iyaga la jira, Oo waxaa dhexdooda ka yeedhaysa boqor qayladiis.

Не видно бедствия в Иакове, и не заметно несчастья в Израиле; Господь, Бог его, с ним, и трубный царский звук у него;

22 I laah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,

Бог вывел их из Египта, быстрота единорога у него;

23 H ubaal sixir reer Yacquub kuma dhaco, Oo reer binu Israa'iil innaba fal ma qabto, Haddaba Yacquub iyo Israa'iil waxaa laga sheegi doonaa, Bal fiiri waxa Ilaah sameeyey!

нет волшебства в Иакове и нет ворожбы в Израиле. В время скажут об Иакове и об Израиле: вот что творит Бог!

24 B al eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.

Вот, народ как львица встает и как лев поднимается; не ляжет, пока не съест добычи и не напьется крови убитых.

25 M arkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba.

И сказал Валак Валааму: ни клясть не кляни его, ни благословлять не благословляй его.

26 L aakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa? Farriintii Saddexaad Ee Balcaam

И отвечал Валаам и сказал Валаку: не говорил ли я тебе, что я буду делать все то, что скажет мне Господь?

27 M arkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.

И сказал Валак Валааму: пойди, я возьму тебя на другое место; может быть, угодно будет Богу, и оттуда проклянешь мне его.

28 M arkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa.

И взял Валак Валаама на верх Фегора, обращенного к пустыне.

29 O o Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan.

И сказал Валаам Валаку: построй мне здесь семь жертвенников и приготовь мне здесь семь тельцов и семь овнов.

30 M arkaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku yidhi, oo meel kasta oo allabariba wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.

И сделал Валак, как сказал Валаам, и вознес по тельцу и овну на каждом жертвеннике.