Xaakinnada 1 ~ Книга Судей 1

picture

1 M arkii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona?

По смерти Иисуса вопрошали сыны Израилевы Господа, говоря: кто из нас прежде пойдет на Хананеев--воевать с ними?

2 M arkaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.

И сказал Господь: Иуда пойдет; вот, Я предаю землю в руки его.

3 M arkaasaa reer Yahuudah waxay ku yidhaahdeen walaalahood reer Simecoon, Kaalaya oo markayaga na raaca aynu la dagaallanno reer Kancaane; oo annana sidaas oo kale markiinnaan idin raaci doonnaaye. Markaasay reer Simecoon raaceen.

Иуда же сказал Симеону, брату своему: войди со мною в жребий мой, и будем воевать с Хананеями; и я войду с тобою в твой жребий. И пошел с ним Симеон.

4 K olkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.

И пошел Иуда, и предал Господь Хананеев и Ферезеев в руки их, и побили они из них в Везеке десять тысяч человек.

5 O o waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.

В Везеке встретились они с Адони-Везеком, сразились с ним и разбили Хананеев и Ферезеев.

6 L aakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.

Адони-Везек побежал, но они погнались за ним и поймали его и отсекли большие пальцы на руках его и на ногах его.

7 M arkaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashoodii gacmaha iyo kuwoodii lugahu ka go'an yihiin ayaa cuntadooda ka urursan jiray miiskayga hoostiisa; oo sidii aan yeelay ayaa Rabbigu ii abaalmariyey. Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay.

Тогда сказал Адони-Везек: семьдесят царей с отсеченными на руках и на ногах их большими пальцами собирали под столом моим; как делал я, так и мне воздал Бог. И привели его в Иерусалим, и он умер там.

8 O o Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.

И воевали сыны Иудины против Иерусалима и взяли его, и поразили его мечом и город предали огню.

9 O o dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.

Потом пошли сыны Иудины воевать с Хананеями, которые жили на горах и на полуденной земле и на низменных местах.

10 O o reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.

И пошел Иуда на Хананеев, которые жили в Хевроне (имя же Хеврону прежде Кириаф-Арбы), и поразили Шешая, Ахимана и Фалмая.

11 O o intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).

Оттуда пошел он против жителей Давира; имя Давиру прежде Кириаф-Сефер.

12 M arkaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

И сказал Халев: кто поразит Кириаф-Сефер и возьмет его, тому отдам Ахсу, дочь мою, в жену.

13 M arkaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.

И взял его Гофониил, сын Кеназа, младшего брата Халевова, и отдал в жену ему Ахсу, дочь свою.

14 O o markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?

Когда надлежало ей идти, научил ее просить у отца ее поле, и она сошла с осла. Халев сказал ей: что тебе?

15 M arkaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.

сказала ему: дай мне благословение; ты дал мне землю полуденную, дай мне и источники воды. И дал ей источники верхние и источники нижние.

16 M arkaasay kii reer Qeyn oo ahaa Muuse seeddigiis reerkiisii ka tageen magaaladii lahayd geedaha timirta ah, oo waxay reer Yahuudah u raaceen xagga cidladii reer Yahuudah taasoo ku taal Caraad xaggeeda koonfureed; oo intay tageen ayay dadkii la degeen.

И сыны Кенеянина, тестя Моисеева, пошли из города Пальм с сынами Иудиными в пустыню Иудину, которая на юг от Арада, и пришли и поселились среди народа.

17 O o reer Yahuudahna waxay raaceen walaalahood reer Simecoon, oo waxay laayeen reer Kancaan oo Sefad degganaa, oo dhammaanteedna way baabbi'iyeen. Oo magaaladii magaceediina waxaa la odhan jiray Xormaah.

И пошел Иуда с Симеоном, братом своим, и поразили Хананеев, живших в Цефафе, и предали его заклятию, и называется город сей Хорма.

18 O o reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.

Иуда взял также Газу с пределами ее, Аскалон с пределами его, и Екрон с пределами его.

19 O o Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.

Господь был с Иудою, и он овладел горою; но жителей долины не мог прогнать, потому что у них были железные колесницы.

20 O o markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.

И отдали Халеву Хеврон, как говорил Моисей, и изгнал оттуда трех сынов Енаковых.

21 O o reer Benyaamiin ma ay eryin dadkii reer Yebuus oo Yeruusaalem degganaa; laakiinse reer Yebuus waxay Yeruusaalem la degganaayeen reer Benyaamiin ilaa maantadan la joogo.

Но Иевусеев, которые жили в Иерусалиме, не изгнали сыны Вениаминовы, и живут Иевусеи с сынами Вениамина в Иерусалиме до сего дня.

22 O o reer Yuusufna waxay ku kaceen Beytel; oo Rabbiguna wuu la jiray iyagii.

И сыны Иосифа пошли также на Вефиль, и Господь был с ними.

23 O o reer Yuusufna waxay Beytel u direen ilaallo soo basaasta. (Magaaladaas markii hore waxaa magaceeda la odhan jiray Luus.)

И остановились и высматривали сыны Иосифовы Вефиль (имя же городу прежде Луз).

24 M arkaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.

И увидели стражи человека, идущего из города, и сказали ему: покажи нам вход в город, и сделаем с тобою милость.

25 M arkaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.

Он показал им вход в город, и поразили они город мечом, а человека сего и все родство его отпустили.

26 M arkaasaa ninkii wuxuu tegey dalkii reer Xeed, oo halkaasuu magaalo ka dhisay, oo magaceediina wuxuu u bixiyey Luus, kaasoo ah magaceeda ilaa maantadan la joogo.

Человек сей пошел в землю Хеттеев, и построил город и нарек имя ему Луз. Это имя его до сего дня.

27 O o reer Manasehna ma ay eryin dadkii degganaa Beytshe'aan iyo magaalooyinkeedii, ama kuwii Tacanaag iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, ama dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, laakiinse reer Kancaan waxay doonayeen inay dalkaas degganaadaan.

И Манассия не выгнал Бефсана и зависящих от него городов, Фаанаха и зависящих от него городов, жителей Дора и зависящих от него городов, жителей Ивлеама и зависящих от него городов, жителей Мегиддона и зависящих от него городов; и остались Хананеи жить в земле сей.

28 O o markii ay reer binu Israa'iil xoogaysteen ayay reer Kancaan addoonsadeen oo mana ay wada eryin.

Когда Израиль пришел в силу, тогда сделал он Хананеев данниками, но изгнать не изгнал их.

29 O o reer Efrayimna ma ay eryin dadkii reer Kancaan oo degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan iyagay la degganaayeen Geser.

И Ефрем не изгнал Хананеев, живущих в Газере; и жили Хананеи среди их в Газере.

30 O o reer Sebulunna ma ay eryin dadkii degganaa Qitroon, iyo dadkii degganaa Nahalaal, laakiinse reer Kancaan waxay degganaayeen iyaga dhexdooda, oo addoommo ayay u noqdeen.

И Завулон не изгнал жителей Китрона и жителей Наглола, и жили Хананеи среди их и платили им дань.

31 O o reer Aasheerna ma ay eryin dadkii degganaa Cakoo, ama dadkii degganaa Siidoon, ama kuwii Axlaab, ama kuwii Aksiib, ama kuwii Xelbaah, ama kuwii Afiiq, ama kuwii Rexob.

И Асир не изгнал жителей Акко и жителей Сидона и Ахлава, Ахзива, Хелвы, Афека и Рехова.

32 L aakiinse reer Aasheer waxay dhex degganaayeen reer Kancaan oo ahaa dadkii dalka degganaa, maxaa yeelay, iyagu ma ay eryin.

И жил Асир среди Хананеев, жителей земли той, ибо не изгнал их.

33 O o reer Naftaalina ma ay eryin dadkii degganaa Beytshemesh ama dadkii degganaa Beytcanaad; laakiinse wuxuu degganaa reer Kancaan dhexdooda, kuwaasoo ahaa dadkii dalka degganaa; habase yeeshee dadkii degganaa Beytshemesh iyo Beytcanaad addoommo ayaa u noqdeen iyaga.

И Неффалим не изгнал жителей Вефсамиса и жителей Бефанафа и жил среди Хананеев, жителей земли той; жители же Вефсамиса и Бефанафа были его данниками.

34 M arkaasaa reer Amor waxay ku dirqiyeen reer Daan dalkii buuraha ahaa, maxaa yeelay, ma ay u oggolaan inay u soo degaan xagga dooxada.

И стеснили Аморреи сынов Дановых в горах, ибо не давали им сходить на долину.

35 L aakiinse reer Amor waxay doonayeen inay degganaadaan Buur Xeres oo ku taal Ayaaloon iyo Shacalbiim; laakiinse waxaa ka adkaatay gacantii reer Yuusuf, oo sidaas daraaddeed addoommo ayay u noqdeen.

И остались Аморреи жить на горе Херес, в Аиалоне и Шаалвиме; но рука сынов Иосифовых одолела, и сделались они данниками им.

36 O o xuduudkii reer Amorna wuxuu ka bilaabmayay meesha laga koro Caqrabbiim marka laga bilaabo Selac iyo inta ka sarraysa.

Пределы Аморреев от возвышенности Акравим и от Селы простирались и далее.