Naxuum 3 ~ Наум 3

picture

1 W axaa iska hoogtay magaalada dhiigga! Waayo, dhammaanteed waxaa ka buuxa been iyo dhac, oo boobkuna iyada kama dhammaado.

Горе городу кровей! весь он полон обмана и убийства; не прекращается в нем грабительство.

2 O o waxaa ka buuxa dhawaaqa karbaashka, iyo dhawaaqa giraangiraha qablamaya, iyo fardo qoobqaadaya, iyo gaadhifardoodyo boodboodaya,

Слышны хлопанье бича и стук крутящихся колес, ржание коня и грохот скачущей колесницы.

3 i yo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,

Несется конница, сверкает меч и блестят копья; убитых множество и груды трупов: нет конца трупам, спотыкаются о трупы их.

4 m axaa yeelay, waa dhillanimadii faraha badnayd oo ay fashay dhilladii aad loo jeclaa oo ah sayidaddii sixirrada, oo quruumo ku iibisa dhillanimadeeda, oo reerona ku iibisa sixirradeeda.

Это--за многие блудодеяния развратницы приятной наружности, искусной в чародеянии, которая блудодеяниями своими продает народы и чарованиями своими--племена.

5 R abbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, col baan kula ahay, oo gogaradahaagana waan kaa feydi doonaa oo wejigaan kuu saari doonaa, oo waxaan quruumaha tusi doonaa cawradaada, boqortooyooyinkana ceebtaada.

Вот, Я--на тебя! говорит Господь Саваоф. И подниму на лице твое края одежды твоей и покажу народам наготу твою и царствам срамоту твою.

6 O o wasakh baan korkaaga ku tuuri doonaa, oo ceeb baan ku saari doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa wax lagu dhaygago.

И забросаю тебя мерзостями, сделаю тебя презренною и выставлю тебя на позор.

7 O o waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?

И будет то, что всякий, увидев тебя, побежит от тебя и скажет: 'разорена Ниневия! Кто пожалеет о ней? где найду я утешителей для тебя?'

8 B al adigu miyaad ka wanaagsan tahay Noo Aamoon, taasoo webiyada dhexdooda ku jirtay, oo ay biyuhu ku hareeraysnaayeen, oo dhufayskeedu u badda ahaa, derbigeeduna u badda ahaa?

Разве ты лучше Но-Аммона, находящегося между реками, окруженного водою, которого вал было море, и море служило стеною его?

9 I toobiya iyo Masar waxay ahaayeen xooggeeda aan dhammaadka lahayn, oo reer Fuud iyo reer Luubiimna waxay ahaayeen kuwii u hiilin jiray.

Ефиопия и Египет с бесчисленным множеством других служили ему подкреплением; Копты и Ливийцы приходили на помощь тебе.

10 H abase yeeshee iyadii waa la kaxaystay oo maxaabiis ahaan baa loo watay, oo dhallaankeediina dhulkaa lagaga tuuray jidadka rukummadooda oo dhan, oo nimankeedii sharafta lahaa saami baa loo ritay, oo raggeedii waaweynaa oo dhanna silsilado baa lagu xidhay.

Но и он переселен, пошел в плен; даже и младенцы его разбиты на перекрестках всех улиц, а о знатных его бросали жребий, и все вельможи его окованы цепями.

11 O o weliba adigu waad sakhraami doontaa oo waad qarsoonaan doontaa, adiguna cadowga aawadiis dufays baad doondooni doontaa.

Так и ты--опьянеешь и скроешься; так и ты будешь искать защиты от неприятеля.

12 Q alcadahaaga oo dhammu waxay noqon doonaan sida geedo berde ah oo midho hore u bislaaday ku yaalliin, oo haddii la ruxruxo waxay ku soo daatan kan wax cuna afkiisa.

Все укрепления твои подобны смоковнице со спелыми плодами: если тряхнуть их, то они упадут прямо в рот желающего есть.

13 B al eeg, dadkaaga ku dhex jooga waa dumar, oo irdaha dalkaaguna waa u bannaan yihiin cadaawayaashaada, oo qataaradaadiina dab baa baabbi'iyey.

Вот, и народ твой, как женщины у тебя: врагам твоим настежь отворятся ворота земли твоей, огонь пожрет запоры твои.

14 B iyo u soo dhaanso hareeraynta aawadeed, oo qalcadahaagana adkee. Dhoobada dhex gal, oo dhigada ku joogjoogso, oo xoog u yeel meesha lebenka lagu dubo.

Начерпай воды на время осады; укрепляй крепости твои; пойди в грязь, топчи глину, исправь печь для обжигания кирпичей.

15 H alkaasaa dab kugu laasan doona, oo seef baa ku baabbi'in doonta, oo waxay kuu dhammayn doontaa sida koronkorro, bal isu badi sidii koronkorro oo kale, oo sidii ayax oo kale isu badi.

Там пожрет тебя огонь, посечет тебя меч, поест тебя как гусеница, хотя бы ты умножился как гусеница, умножился как саранча.

16 B aayacmushtariyaashaadii waxaad ka sii badisay xiddigaha samada, koronkorraduse intay wax cunto bay iska duushaa.

Купцов у тебя стало более, нежели звезд на небе; но эта саранча рассеется и улетит.

17 K uwaaga taajka lahu waa sidii ayax oo kale, oo karraaniyaashaaduna waa sidii kobojaan raxan ah, kaasoo maalintii qabow xaydaanka dhex dega, laakiinse kolkii qorraxdu soo baxdo way iska cararaan, oo meeshay joogaan lama yaqaan.

Князья твои--как саранча, и военачальники твои--как рои мошек, которые во время холода гнездятся в щелях, и когда взойдет солнце, то разлетаются, и не узнаешь места, где они были.

18 B oqorkii Ashuurow, adhijirradaadii lulo baa haysa, geesiyaashaadii way nasanayaan, dadkaagii wuxuu ku kala firidhsan yahay buuraha dushooda, oo wax iyaga soo ururiyana lama arko.

Спят пастыри твои, царь Ассирийский, покоятся вельможи твои; народ твой рассеялся по горам, и некому собрать его.

19 N abarkaagu bogsan maayo, dhaawacaaguna aad buu u xun yahay, oo kuwa warkaaga maqla oo dhammuba way kugu sacab tumaan, waayo, bal waa kuma kan aanay xumaantaadu had iyo goorba gaadhin?

Нет врачевства для раны твоей, болезненна язва твоя. Все, услышавшие весть о тебе, будут рукоплескать о тебе, ибо на кого не простиралась беспрестанно злоба твоя?