1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
И сказал Господь Моисею, говоря:
2 W axaad reer binu Israa'iil amar ku tidhaahdaa, Xerada ka saara mid kasta oo baras qaba, iyo mid kasta oo dheecaan ka dareera, iyo mid kasta oo meyd ku nijaasoobay.
повели сынам Израилевым выслать из стана всех прокаженных, и всех имеющих истечение, и всех осквернившихся от мертвого,
3 O o waa inaad rag iyo dumarba bixisaan, oo aad xerada dibaddeeda geeysaan si aanay u nijaasayn xeradooda aan anigu dhex deggan ahay.
и мужчин и женщин вышлите, за стан вышлите их, чтобы не оскверняли они станов своих, среди которых Я живу.
4 O o reer binu Israa'iilna sidaasay yeeleen, oo iyagii xerada dibaddeeday geeyeen, oo sidii Rabbigu Muuse kula hadlay ayaa reer binu Israa'iil yeeleen. Magdhawgii Xadgudubka
И сделали так сыны Израилевы, и выслали их вон из стана; как говорил Господь Моисею, так и сделали сыны Израилевы.
5 O o haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
И сказал Господь Моисею, говоря:
6 R eer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato,
скажи сынам Израилевым: если мужчина или женщина сделает какой-либо грех против человека, и чрез это сделает преступление против Господа, и виновна будет душа та,
7 m arkaas waa inay qirtaan dembigoodii ay sameeyeen. Oo wixii uu ku xadgudbay waa inuu dhammaan u magdhabaa, oo weliba ku sii daraa shan meelood meesheed, oo siiyaa kii uu ku xadgudbay.
то пусть исповедаются во грехе своем, который они сделали, и возвратят сполна то, в чем виновны, и прибавят к тому пятую часть и отдадут тому, против кого согрешили;
8 L aakiinse ninku hadduusan lahayn xigto xadgudubkii mag laga siiyo, markaas magta xadgudubka ee Rabbiga loo bixiyo waxaa lahaan doona wadaadka; oo weliba waxaa wehliya wanka kafaaraggudka oo isaga aawadiis loogu kafaaro gudo.
если же у него нет наследника, которому следовало бы возвратить за вину: то посвятить это Господу; пусть будет это священнику, сверх овна очищения, которым он очистит его;
9 O o qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.
и всякое возношение из всех святынь сынов Израилевых, которые они приносят к священнику, ему принадлежит,
10 O o nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa. Imtixaamiddii Naagta Aan Aamminka Ahayn
и посвященное кем-либо ему принадлежит; все, что даст кто священнику, ему принадлежит.
11 O o haddana ayaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
И сказал Господь Моисею, говоря:
12 R eer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin naagtiis isaga ka tagto oo ay ku xadgudubto,
объяви сынам Израилевым и скажи им: если изменит кому жена, и нарушит верность к нему,
13 o o haddii nin kale la jiifsado oo waxaas ninkeedii laga qariyo oo qarsoodi loo haysto, oo ay naagtaasu sidaas ku nijaasowdo, laakiinse markhaati loo waayo iyada, amase aan iyada lagu qaban samayntii,
и переспит кто с ней и излиет семя, и это будет скрыто от глаз мужа ее, и она осквернится тайно, и не будет на нее свидетеля, и не будет уличена,
14 o o markaas haddii masayr ku soo dego ninka oo uu naagtiisa ka masayro oo ay iyadu nijaasowday, amase haddii masayr ku soo dego oo uu naagtiisa ka masayro oo ayan iyadu nijaasoobin,
и найдет на него дух ревности, и будет ревновать жену свою, когда она осквернена, или найдет на него дух ревности, и он будет ревновать жену свою, когда она не осквернена, --
15 m arkaas ninku waa inuu naagtiisa wadaadka u keenaa, oo iyada aawadeed qurbaan ugu keenaa eefaah toban meelood loo qaybiyey meeshiis bur shaciir ah. Isagu waa inuusan saliidna ku shubin amase foox saarin, waayo, taasu waxa weeye qurbaankii masayrka, waana qurbaan xusuuseed oo dembiga lagu soo xusuusto.
пусть приведет муж жену свою к священнику и принесет за нее в жертву десятую часть ефы ячменной муки, но не возливает на нее елея и не кладет ливана, потому что это приношение ревнования, приношение воспоминания, напоминающее о беззаконии;
16 M arkaas wadaadku waa inuu iyada soo dhoweeyaa oo Rabbiga hortiisa keenaa.
а священник пусть приведет и поставит ее пред лице Господне,
17 O o markaas wadaadku waa inuu biyo quduus ah weel dhoobo ah ku qaadaa, oo ciidda taambuugga dhulkiisa taalna waa in wadaadku qaadaa oo biyaha ku shubaa,
и возьмет священник святой воды в глиняный сосуд, и возьмет священник земли с полу скинии и положит в воду;
18 o o markaas waa in wadaadku naagta keenaa Rabbiga hortiisa, oo naagta timaheeduna ha furfurnaadaan, oo qurbaankii xusuuseedna gacmaheeda ha ku rido, kaasoo ah qurbaankii masayrka. Wadaadkuna gacanta ha ku haysto biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo.
и поставит священник жену пред лице Господне, и обнажит голову жены, и даст ей в руки приношение воспоминания, --это приношение ревнования, в руке же у священника будет горькая вода, наводящая проклятие.
19 O o markaas wadaadku iyada ha dhaariyo, oo ha ku yidhaahdo naagta, Hadduusan nin kale kula jiifsan, oo aadan nijaaso ku leexan, adoo ninkaaga ka dambayn lahaa, ka xorow biyahan qadhaadhka ah oo habaarka kiciyo,
И заклянет ее священник и скажет жене: если никто не переспал с тобою, и ты не осквернилась и не изменила мужу своему, то невредима будешь от сей горькой воды, наводящей проклятие;
20 l aakiinse haddaad gees u leexatay adigoo ninkaaga ka dambayn lahaa, oo aad markaas nijaasowday, oo haddii nin kale kula jiifsaday ninkaaga mooyaane,
но если ты изменила мужу твоему и осквернилась, и если кто переспал с тобою кроме мужа твоего, --
21 m arkaas wadaadku waa inuu naagta ku dhaariyaa dhaar habaar ah, oo wadaadku naagta ha ku yidhaahdo, Markuu Rabbigu bowdadaada hilib beeliyo oo uu calooshaada barariyo, dadkaaga dhexdiisa ha kaaga dhigo habaar iyo dhaar,
тогда священник пусть заклянет жену клятвою проклятия и скажет священник жене: да предаст тебя Господь проклятию и клятве в народе твоем, и да соделает Господь лоно твое опавшим и живот твой опухшим;
22 o o biyahan habaarka kiciyaa way ku geli doonaan, oo calooshaaday bararin doonaan, bowdadaadana way hilib beelin doonaan. Oo naagtuna waa inay tidhaahdaa, Aamiin, Aamiin.
и да пройдет вода сия, наводящая проклятие, во внутренность твою, чтобы опух живот и опало лоно. И скажет жена: аминь, аминь.
23 O o wadaadkiina waa inuu habaarradaas buug ku qoraa, oo uu biyaha qadhaadhka ah ku baabbi'iyaa.
И напишет священник заклинания сии на свитке, и смоет их в горькую воду;
24 O o waa inuu naagta cabsiiyaa biyaha qadhaadhka ah oo habaarka kiciya, oo biyaha habaarka kiciyaa ayaa iyada geli doona oo qadhaadh bay noqon doonaan.
и даст жене выпить горькую воду, наводящую проклятие, и войдет в нее вода, наводящая проклятие, ко вреду ее.
25 O o markaas wadaadku waa inuu qurbaankii masayrka naagta gacanteeda ka qaadaa oo Rabbiga hortiisa ku ruxruxaa, oo markaas waa inuu meesha allabariga keenaa.
И возьмет священник из рук жены хлебное приношение ревнования, и вознесет сие приношение пред Господом, и отнесет его к жертвеннику;
26 O o markaas wadaadku waa inuu qaadaa cantoobo muggeed oo qurbaanka xusuuseed ah, oo waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, oo haddana naagta biyaha cabsiiyaa.
и возьмет священник горстью из хлебного приношения часть в память, и сожжет на жертвеннике, и потом даст жене выпить воды;
27 O o markuu iyada biyaha cabsiiyo markaas hadday iyadu nijaasowday, oo ay ninkeeda ku xadgudubtay, biyaha habaarka kiciya iyaday geli doonaan oo qadhaadh bay noqon doonaan, oo caloosheedu way barari doontaa oo bowdadeeduna way hilib beeli doontaa; oo naagtu waxay dadkeeda ku dhex ahaan doontaa habaar.
и когда напоит ее водою, тогда, если она нечиста и сделала преступление против мужа своего, горькая вода, наводящая проклятие, войдет в нее, ко вреду ее, и опухнет чрево ее и опадет лоно ее, и будет эта жена проклятою в народе своем;
28 L aakiinse naagtu haddaanay nijaasoobin illowse ay daahir tahay, markaas iyadu xor bay ahaanaysaa, wayna uuraysanaysaa.
если же жена не осквернилась и была чиста, то останется невредимою и будет оплодотворяема семенем.
29 K anu waa sharciga ku saabsan masayrka haddii naagu iyadoo ninkeeda ka dambayn lahayd ka leexato oo ay nijaasowdo,
Вот закон о ревновании, когда жена изменит мужу своему и осквернится,
30 a ma haddii masayr ku soo dego nin, oo uu naagtiisa ka masayro, de markaas waa inuu naagta Rabbiga hor keenaa, oo wadaadku waa inuu iyada sharcigaas oo dhan ku oofiyaa.
или когда на мужа найдет дух ревности, и он будет ревновать жену свою, тогда пусть он поставит жену пред лицем Господа, и сделает с нею священник все по сему закону, --
31 O o markaas ninku dembi xor buu ka ahaanayaa, oo naagtaasuna dembigeeda way qaadan doontaa.
и будет муж чист от греха, а жена понесет на себе грех свой.