Song of Solomon 1 ~ Gabaygii Sulaymaan 1

picture

1 T he Song of songs, which is Solomon's.

Kanu waa gabaygii gabayada ee Sulaymaan. Gacalisada Hadlaysaa

2 L et him kiss me with the kisses of his mouth; For thy love is better than wine.

Isagu ha igu dhunkado dhunkashooyinka afkiisa; Waayo, jacaylkaagu xataa khamri wuu ka sii macaan yahay.

3 T hine oils have a goodly fragrance; Thy name is as oil poured forth; Therefore do the virgins love thee.

Saliiddaadu caraf wanaagsan bay leedahay, Oo magacaaguna waa sida saliidcadar la shubay, Oo sidaas daraaddeed baa habluhu kuu jecel yihiin.

4 D raw me; we will run after thee: The king hath brought me into his chambers; We will be glad and rejoice in thee; We will make mention of thy love more than of wine: Rightly do they love thee.

I soo jiido, waannu kaa daba ordaynaaye. Boqorkii wuxuu i soo geliyey qolladihiisii. Saaxiibadaha Hadlayaa Annagu waannu kugu farxi doonnaa, oo waannu kugu rayrayn doonnaa, Oo jacaylkaagana waxaannu u sii xusuusan doonnaa in khamri ka sii badan. Gacalisada Hadlaysaa Si qumman ayay kuu jecel yihiin.

5 I am black, but comely, Oh ye daughters of Jerusalem, As the tents of Kedar, As the curtains of Solomon.

Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Anigu waan madoobahay, laakiinse waan u qurxoonahay Sida teendhooyinkii reer Qedaar Iyo sida daahyadii Sulaymaan.

6 L ook not upon me, because I am swarthy, Because the sun hath scorched me. My mother's sons were incensed against me; They made me keeper of the vineyards; But mine own vineyard have I not kept.

Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis. Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday, Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah, Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.

7 T ell me, O thou whom my soul loveth, Where thou feedest thy flock, Where thou makest it to rest at noon: For why should I be as one that is veiled Beside the flocks of thy companions?

Kan naftaydu jeceshahayow, ii sheeg Meesha aad adhigaaga daajisid, iyo meesha aad hadhkii hadhisid; Waayo, bal maxaan u ahaanayaa Sida mid ag wareegta adhyaha saaxiibbadaa? Saxiibadaha Hadlayaa

8 I f thou know not, O thou fairest among women, Go thy way forth by the footsteps of the flock, And feed thy kids beside the shepherds' tents.

Taada naagaha ugu qurux badanay, haddaadan aqoon, Waxaad daba gashaa adhiga raadkiisa, Oo waxaad waxarahaaga ag daajisaa teendhooyinka adhijirrada. Gacaliyaha Hadlayaa

9 I have compared thee, O my love, To a steed in Pharaoh's chariots.

Taan jeclahayay, waxaan kugu masaalay Faras ka mid ah fardihii gaadhifardoodyadii Fircoon.

10 T hy cheeks are comely with plaits of hair, Thy neck with strings of jewels.

Dhabannadaadu waxay la qurxoon yihiin timo tidcan, Oo qoortaaduna laasimmo jowharad ah.

11 W e will make thee plaits of gold With studs of silver.

Waxaannu kuu samaynaynaa silsilado dahab ah Oo lacag laga taagay. Gacalisada Hadlaysaa

12 W hile the king sat at his table, My spikenard sent forth its fragrance.

Inta boqorku miiskiisii fadhiyey, Ayaa cadarkaygii naaradiinka ahaa caraftiisu soo baxday.

13 M y beloved is unto me as a bundle of myrrh, That lieth betwixt my breasts.

Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida guntin malmal ah Oo habeenkii oo dhan naasahayga ku dhex jirta.

14 M y beloved is unto me as a cluster of henna-flowers In the vineyards of En-gedi.

Gacaliyahaygu wuxuu ii yahay sida xidhmo ubax xinne ah Oo beeraha canabka ah ee Ceyn Gedii ku yaal. Gacaliyaha Hadlayaa

15 B ehold, thou art fair, my love; Behold thou art fair; Thine eyes are as doves.

Taan jeclahayay, bal eeg, adigu waad qurxoon tahay, bal eeg, waad qurxoon tahay, Oo waxaad leedahay indhaha qoolleyda oo kale. Gacalisada Hadlaysaa

16 B ehold, thou art fair, my beloved, yea, pleasant: Also our couch is green.

Gacaliyahaygow, bal eeg, adba waad qurxoon tahay, waanad wacan tahay, Oo weliba sariirteennuna waa cagaar. Gacaliyaha Hadlayaa

17 T he beams of our house are cedars, And our rafters are firs.

Alwaaxda gurigeennu waa qoryo kedar ah, Oo saqafkeennuna waa qoryo beroosh ah.