Xaakinnada 2 ~ Judecători 2

picture

1 M arkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay ka soo kacday Gilgaal oo Bokiim timid, oo waxay tidhi, Anigaa idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxaan idin keenay dalkii aan ugu dhaartay awowayaashiin, oo waxaan idhi, Anigu weligay jebin maayo axdigayga aan idinla dhigtay.

Îngerul Domnului S-a suit de la Ghilgal la Bochim şi a zis: „Eu v-am scos din Egipt şi v-am adus în ţara pe care le-am promis-o strămoşilor voştri! Am spus: «Niciodată nu voi rupe legământul Meu cu voi.

2 I dinkuna waa inaydnaan axdi la dhigan dadka dalkan deggan; oo waa inaad jejebisaan meelahooda allabariga. Laakiinse idinku ma aydnaan dhegaysan codkaygii. De haddaba maxaad sidan u yeesheen?

Iar voi să nu încheiaţi legământ cu locuitorii acestei ţări, ci să le dărâmaţi altarele!» Voi însă nu aţi ascultat de glasul Meu! De ce aţi făcut lucrul acesta?

3 S idaas daraaddeed waxaa kaloo aan idhi, Hortiinna kama eryi doono iyaga, laakiinse waxay idinku noqon doonaan sida qodxan dhinacyada idinkaga jirta, oo ilaahyadooduna waxay idinku noqon doonaan dabin.

Acum vă spun din nou: «Nu-i voi izgoni dinaintea voastră, ci vă vor fi ca nişte spini în coaste, iar zeii lor vă vor fi o ispită!»“

4 O o markay malaa'igtii Rabbigu erayadan kula hadashay reer binu Israa'iil oo dhan ayay dadkii codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen.

După ce le-a zis israeliţilor toate aceste cuvinte, aceştia au început să plângă.

5 O o meeshaas magaceedii waxay u bixiyeen Bokiim; oo halkaasay allabari Rabbiga ugu bixiyeen. Caasinimadii Iyo Guuldarradii

Au numit locul acela Bochim şi au adus acolo jertfe Domnului. Starea poporului în timpul vieţii lui Iosua şi după moartea acestuia

6 H addaba markii Yashuuca dadkii diray ayaa reer binu Israa'iil mid waluba u kacay dhaxalkiisii inuu hantiyo dalka.

După ce Iosua a dat drumul poporului, israeliţii s-au dus să ia în stăpânire ţara, fiecare la moştenirea lui.

7 O o dadkuna Rabbigay u adeegeen wakhtigii Yashuuca noolaa oo dhan, iyo wakhtigii odayaashii Yashuuca ka nolol dambeeyey oo dhan, kuwaasoo wada arkay kulli shuqulkii weynaa oo Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.

Poporul a slujit Domnului cât timp a trăit Iosua şi bătrânii de după Iosua, care văzuseră toate lucrările mari pe care le făcuse Domnul pentru Israel.

8 Y ashuuca oo ahaa ina Nuun oo addoonkii Rabbiga ahaa wuxuu dhintay isagoo boqol iyo toban sannadood jira.

Iosua, fiul lui Nun, robul Domnului, a murit la vârsta de o sută zece ani.

9 O o waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Xeres, oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.

L-au înmormântat în teritoriul pe care-l primise ca moştenire, la Timnat-Heres, în regiunea muntoasă a lui Efraim, la nord de muntele Gaaş.

10 O o weliba dadkii qarnigaas oo dhammu waxay ku darmadeen awowayaashood; oo waxaa ka daba kacay kuwo qarni kale ah oo aan aqoon Rabbiga, ama shuqulkii uu u sameeyey reer binu Israa'iil.

Apoi toţi cei din generaţia aceea au fost adăugaţi la părinţii lor, iar după ei s-a ridicat o altă generaţie care nu-L cunoştea nici pe Domnul şi nici lucrările făcute de El pentru Israel.

11 O o reer binu Israa'iil waxay sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, oo waxay u adeegeen Bacaliimka.

Atunci israeliţii au făcut ce este rău în ochii Domnului şi au slujit baalilor.

12 W ayna ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood oo iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, kuwaasoo ahaa ilaahyadii dadkii iyaga ku wareegsanaa, wayna u sujuudeen; oo Rabbigana way ka xanaajiyeen.

L-au părăsit pe Domnul, Dumnezeul strămoşilor lor, Care-i scosese din ţara Egiptului şi s-au dus după zei dintre zeii popoarelor care-i înconjurau. S-au închinat înaintea lor şi L-au mâniat pe Domnul.

13 O o intay Rabbiga ka tageen ayay u adeegeen Bacal iyo Cashtarod.

Astfel, L-au părăsit pe Domnul şi au slujit lui Baal şi aştoretelor.

14 M arkaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.

Domnul s-a aprins de mânie împotriva lui Israel şi i-a dat pe israeliţi pe mâna jefuitorilor care i-au prădat şi pe mâna duşmanilor din vecinătate, cărora n-au mai fost în stare să li se împotrivească.

15 O o meel kasta oo ay tageenba gacanta Rabbigu dhib bay u ahayd, sidii Rabbigu ku hadlay, iyo sidii Rabbigu iyaga ugu dhaartay; oo iyana aad bay u dhibaataysnaayeen.

Oriunde mergeau, mâna Domnului era împotriva lor ca să le facă rău, aşa cum îi avertizase şi le jurase El mai demult. Au ajuns astfel într-un mare necaz.

16 M arkaasaa Rabbigu wuxuu kiciyey xaakinno iyaga ka badbaadiyey gacantii kuwii dhacayay.

Domnul le-a ridicat judecători ca să-i elibereze din mâna jefuitorilor lor.

17 O o weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.

Dar nici de judecătorii lor n-au ascultat, ci s-au prostituat cu zeii, închinându-se înaintea lor. S-au abătut repede de la calea pe care umblaseră strămoşii lor, cei care ascultaseră de poruncile Domnului, şi nu au făcut ca şi ei.

18 O o markii Rabbigu iyaga u kiciyey xaakinno ayuu Rabbigu la jiray xaakinkii, oo wakhtigii xaakinkii noolaa oo dhan wuxuu iyagii ka badbaadiyey gacantii cadaawayaashooda; waayo, Rabbigu wuxuu ka qoomamooday taahiddii ay ka taahayeen kuwii iyaga dulmay oo caddibay.

Când Domnul le ridica un judecător, Domnul era cu acel judecător şi El îi elibera din mâna duşmanilor lor, astfel că, atâta timp cât trăia judecătorul, ei erau liberi. Domnului I se făcea milă de ei când suspinau înaintea celor ce-i prigoneau şi-i asupreau.

19 O o haddana markii xaakinkii dhintay ayay dib u noqdeen, oo waxay ku kaceen wax ka sii xun wixii awowayaashood ay ku kici jireen, oo waxay raaceen ilaahyo kale inay u adeegaan oo ay u sujuudaan. Kama ay joogsan falimahoodii, iyo madax adkaantoodii.

Dar după ce murea judecătorul, ei se întorceau iarăşi la căile lor şi se stricau mai mult decât înaintaşii lor, ducându-se după alţi dumnezei, slujindu-le şi închinându-se înaintea lor; şi nu renunţau la faptele şi la căile lor rele.

20 O o cadhadii Rabbigu aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Quruuntanu way ku xadgudbeen axdigii aan ku amray awowayaashood, oo codkaygiina ma ay dhegaysan;

Atunci Domnul s-a aprins de mânie împotriva lui Israel şi a zis: „Fiindcă poporul acesta a încălcat legământul pe care îl poruncisem strămoşilor lui şi nu a ascultat de glasul Meu,

21 s idaas daraaddeed hadda ka dib ka eryi maayo hortooda mid ka mid ah quruumihii Yashuuca ka tegey markuu dhintay;

nu voi mai continua să izgonesc dinaintea lui pe nici unul din neamurile pe care le-a lăsat Iosua când a murit,

22 s i aan iyaga ugu tijaabiyo reer binu Israa'iil bal inay xajiyaan oo ku socdaan jidka Rabbiga, sidii ay awowayaashood u xajiyeen iyo in kale.

pentru ca, prin ele, să-l pun la încercare pe Israel şi să văd dacă va păzi Calea Domnului, umblând pe ea aşa cum au făcut strămoşii lui!“

23 S idaas daraaddeed Rabbigu wuu daayay quruumahaas, oo degdegna uma eryin; oo weliba iyagii sooma uu gelin gacantii Yashuuca.

Prin urmare, Domnul a lăsat acele neamuri, pe care nu le dăduse mai repede în mâna lui Iosua, să rămână la locul lor şi nu le-a izgonit.