Yashuuca 22 ~ Iosua 22

picture

1 M arkaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,

Atunci Iosua i-a chemat pe rubeniţi, pe gadiţi şi pe jumătate din seminţia lui Manase

2 o o wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.

şi le-a spus: „Voi aţi păzit tot ceea ce v-a poruncit Moise, robul Domnului, şi aţi ascultat de mine în tot ceea ce v-am poruncit.

3 O o waagaas ilaa maantadan la joogo walaalihiin kama aydnaan tegin, laakiinse waad xajiseen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

Nu i-aţi părăsit pe cei din poporul vostru în toată această perioadă îndelungată, până în ziua de azi, ci aţi păzit cu grijă porunca DOMNULui, Dumnezeul vostru.

4 O o haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.

Şi acum, fiindcă Domnul, Dumnezeul vostru, le-a dat odihnă fraţilor voştri, aşa cum le-a promis, întoarceţi-vă şi porniţi spre corturile voastre, în teritoriul pe care-l stăpâniţi şi pe care vi l-a dat Moise, robul Domnului, dincolo de Iordan.

5 L aakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan.

Aveţi însă foarte mare grijă să împliniţi poruncile şi Legea pe care v-a dat-o Moise, robul Domnului: să-L iubiţi pe Domnul, Dumnezeul vostru, să umblaţi în toate căile Lui, să ascultaţi de poruncile Lui, să vă alipiţi de El şi să-L slujiţi din toată inima voastră şi din tot sufletul vostru.“

6 M arkaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii.

Apoi Iosua i-a binecuvântat şi i-a trimis înapoi, iar ei au pornit către corturile lor.

7 O o reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,

Unei jumătăţi din seminţia lui Manase, Moise îi dăduse moştenirea în Başan, iar celeilalte jumătăţi Iosua îi dăduse moştenirea lângă fraţii lor, în partea de apus a Iordanului. Când Iosua i-a trimis la corturile lor, el i-a binecuvântat

8 o o intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.

şi le-a spus: „Întoarceţi-vă la corturile voastre cu mulţimea bogăţiilor voastre – cu nenumăratele cirezi de vite, cu argintul, cu aurul, cu bronzul, cu fierul şi cu îmbrăcămintea voastră numeroasă – şi împărţiţi apoi şi cu ceilalţi fraţi ai voştri prada luată de la duşmani!“ Altarul mărturiei de la Ghelilot

9 M arkaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.

Atunci rubeniţii, gadiţii şi jumătate din seminţia lui Manase s-au despărţit de israeliţi la Şilo, în Canaan, şi au pornit către Ghilad, spre teritoriul pe care l-au primit ca moştenire potrivit celor spuse de Domnul prin Moise.

10 O o markay yimaadeen gobolkii u dhowaa Webi Urdun oo ku yaalay dalkii Kancaan ayay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis Webi Urdun agtiisa ka dhiseen meel allabari oo muuq weyn.

Când au ajuns la Ghelilot, lângă Iordan, pe malul canaanit, rubeniţii, gadiţii şi jumătate din seminţia lui Manase au zidit un altar pe malul Iordanului, un altar de o mărime impresionantă.

11 M arkaasaa reer binu Israa'iil waxay maqleen in la yidhi, Reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa meel allabari ka dhisay darafka dalka Kancaan, meeshaas oo ah gobolka u dhow Webi Urdun oo ah dinaca ay leeyihiin reer binu Israa'iil.

Israeliţii au auzit că rubeniţii, gadiţii şi jumătate din seminţia lui Manase au zidit un altar la marginea Canaanului, la Ghelilot, lângă Iordan, pe teritoriul israelit.

12 O o markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.

Când au auzit israeliţii lucrul acesta, întreaga adunare s-a adunat la Şilo ca să pornească la luptă împotriva lor.

13 O o reer binu Israa'iil waxay xagga reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad u direen Fiinexaas oo ahaa wiilkii wadaadkii ahaa Elecaasaar.

Atunci israeliţii l-au trimis la rubeniţi, la gadiţi şi la jumătatea seminţiei lui Manase, în Ghilad, pe Fineas, fiul preotului Elazar,

14 O o waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.

împreună cu zece conducători, câte un conducător de clan din fiecare seminţie a lui Israel, toţi fiind conducători în familiile lor, între miile lui Israel.

15 M arkaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,

Ei au venit la rubeniţi, la gadiţi şi la jumătatea seminţiei lui Manase, în Ghilad şi le-au spus astfel:

16 S hirkii Rabbiga oo dhammu sidan bay leeyihiin, Waa maxay xadgudubkan aad ku samayseen Ilaaha reer binu Israa'iil, idinkoo ka leexday inaad Rabbiga la socotaan, oo meel allabari dhistay, si aad maanta Rabbiga ugu caasiyowdaan?

„Aşa vorbeşte adunarea Domnului: «Ce înseamnă această nelegiuire pe care aţi săvârşit-o faţă de Dumnezeul lui Israel şi de ce v-aţi abătut în această zi de la Domnul, zidindu-vă un altar pentru a vă răzvrăti astăzi împotriva Domnului ?

17 M iyuu nagu yar yahay dembigii Fecoor oo aannan iska nadiifin ilaa maantadan la joogo in kastoo ay belaayo ku soo degtay shirka Rabbiga,

A fost oare prea neînsemnată nelegiuirea lui Peor, de care nu am reuşit să ne curăţim nici până astăzi, chiar dacă adunarea Domnului a fost lovită cu urgie?

18 i naad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.

Iar voi vă abateţi astăzi de la Domnul!? Dacă voi vă răzvrătiţi astăzi împotriva Domnului, mâine El se va mânia pe întreaga adunare a lui Israel.

19 H abase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.

Dacă ţara pe care aţi primit-o ca moştenire este necurată, atunci traversaţi în ţara care este posesiunea Domnului, acolo unde este aşezat Tabernaculul Domnului şi luaţi-vă moştenirea printre noi, dar nu vă răzvrătiţi împotriva Domnului sau împotriva noastră, zidindu-vă un altar, altul decât altarul Domnului, Dumnezeul nostru.

20 C aakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.

Când Acan, fiul lui Zerah a săvârşit o nelegiuire cu privire la ceea ce trebuia nimicit, oare mânia nu s-a revărsat asupra întregii adunări a lui Israel? Iar el nu a fost singurul care a murit în urma nelegiuirii lui.»“

21 M arkaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,

Rubeniţii, gadiţii şi jumătate din seminţia lui Manase au răspuns astfel conducătorilor peste miile lui Israel.

22 R abbiga ah Ilaaha ilaahyada, Rabbiga ah Ilaaha ilaahyadu wuu og yahay, oo reer binu Israa'iilna waa inuu ogaadaa, haddii taasu caasinimo tahay, ama xadgudub Rabbiga ka gees ah (maanta ha na badbaadin),

„Dumnezeu, da Dumnezeu, Domnul! Dumnezeu, chiar Dumnezeu, Domnul, El ştie şi Israel însuşi să ştie lucrul acesta: dacă este răzvrătire sau nelegiuire în noi faţă de Domnul, să nu ne cruţi astăzi!

23 i yo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;

Dacă ne-am zidit un altar ca să ne abatem de la Domnul şi ca să aducem pe el arderi de tot şi daruri de mâncare sau ca să aducem jertfe de pace, atunci Domnul să ne ceară socoteală!

24 o o haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?

Dimpotrivă, am făcut lucrul acesta fiindcă ne-am temut că într-o zi urmaşii voştri s-ar putea să le zică urmaşilor noştri: «Ce legătură este între voi şi Domnul, Dumnezeul lui Israel?

25 W aayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.

Domnul a pus Iordanul ca hotar între noi şi voi, urmaşi ai lui Ruben şi ai lui Gad. Voi nu aveţi nici o legătură cu moştenirea Domnului!» Aşa că urmaşii voştri i-ar putea face pe urmaşii noştri să nu se mai teamă de Domnul.

26 O o sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,

De aceea ne-am hotărât să ne zidim un altar, nu pentru arderi de tot sau jertfe,

27 l aakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.

ci ca să fie o mărturie între noi şi voi, pe de o parte, şi între urmaşii noştri şi urmaşii voştri, pe de altă parte, căci dorim să slujim înaintea feţei Domnului prin arderile de tot, prin darurile de mâncare şi prin jertfele de pace. Aşadar, urmaşii voştri nu le vor putea spune urmaşilor noştri: «Voi nu aveţi parte de Domnul!»

28 S idaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Markay sidaas waa dambe inagu yidhaahdaan innaga ama farcankeenna, waxay noqon doontaa oo aannu ku odhan doonnaa, Bal eega, hannaankii meeshii allabariga oo Rabbiga, ee ay awowayaasheen dhiseen oo aan lagu bixin qurbaanno la gubo ama allabari, laakiinse waa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka.

Dacă vreodată ne vor vorbi astfel nouă sau urmaşilor noştri, ne-am gândit să le răspundem astfel: «Priviţi acest altar al Domnului pe care l-au zidit strămoşii noştri, nu pentru a aduce arderi de tot şi jertfe, ci pentru a fi o mărturie între noi şi voi.»

29 I laah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ku caasiyowno, oo aannu ka leexanno lasocodkii Rabbiga, oo aannu meel allabari u dhisno qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, ama allabari, taasoo aan ahayn meeshii allabariga Rabbiga Ilaaheen ah ee ku hor taal taambuuggiisa.

Departe de noi gândul să ne răzvrătim împotriva Domnului şi să ne abatem astăzi de la Domnul, zidindu-ne un altar pentru arderi de tot, daruri de mâncare sau jertfe, altul decât altarul Domnului, Dumnezeul nostru, care este înaintea Cortului Său!“

30 O o wadaadkii Fiinexaas ahaa iyo amiirradii shirka, oo ahaa madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil oo isaga la socday, kolkay maqleen warkii ay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ku hadleen ayay aad ugu farxeen.

Când preotul Fineas, conducătorii adunării şi căpeteniile miilor lui Israel, au auzit cuvintele pe care le-au rostit urmaşii lui Ruben, urmaşii lui Gad şi urmaşii lui Manase, au fost mulţumiţi.

31 M arkaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar wuxuu ku yidhi reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh, Maanta waannu og nahay in Rabbigu ina dhex joogo, maxaa yeelay, idinku xadgudubkan kuma aydnaan samayn Rabbiga. Haddaba idinku waxaad reer binu Israa'iil ka samatabbixiseen gacantii Rabbiga.

Preotul Fineas, fiul lui Elazar, le-a răspuns astfel urmaşilor lui Ruben, urmaşilor lui Gad şi urmaşilor lui Manase: „Ştim astăzi că Domnul este în mijlocul nostru, fiindcă nu aţi săvârşit nelegiuirea aceasta împotriva Domnului şi i-aţi salvat astfel pe israeliţi din mâna Domnului!“

32 M arkaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar, iyo amiirradii waxay ka noqdeen reer Ruubeen iyo reer Gaad oo joogay dalkii Gilecaad, oo waxay tageen dalkii reer Kancaan, oo reer binu Israa'iil ayay warkii u sheegeen.

Apoi preotul Fineas, fiul lui Elazar, şi conducătorii i-au părăsit pe rubeniţi şi pe gadiţi în Ghilad şi s-au întors la israeliţi, în ţara Canaanului, istorisindu-le cele întâmplate.

33 O o reer binu Israa'iilna waa ku farxeen warkaas. Markaasaa reer binu Israa'iil Ilaah ammaaneen, oo mar dambena kuma ay hadlin inay dagaal ugu kacaan, oo ay baabbi'iyaan dalka ay reer Ruubeen iyo reer Gaad deggan yihiin.

Israeliţii au fost mulţumiţi de ceea ce au auzit, aşa că au binecuvântat pe Dumnezeu şi n-au mai pornit la război ca să pustiască teritoriul locuit de rubeniţi şi de gadiţi.

34 M arkaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay meeshii allabariga u bixiyeen Markhaati; waayo, waxay yidhaahdeen, Waa markhaati na dhex yaal in Rabbigu Ilaah yahay.

Rubeniţii şi gadiţii au numit altarul Ed, zicând: „ Altarul este o mărturie între noi că Domnul este Dumnezeu.“